
Dayuuradii siday wefdiga oo ka soo degtay garoonka Cisaley, ayaa mar kale u soo duushay garoonka caalamiga ah ee dayuurada oo muddo 11 sano ah aysan soo caga dhigan wax dayuurad ah, una xirnaa khilaafkii u dhexeeyey kooxaha hubeysan ee Muqdisho.
C/casiis C/wahaab oo ka mid ahaa weriyeyaashii ku sugnaa garoonka dayuuradaha ayaa sheegay in dadweynihii isugu soo tegay halkaasi & culumaa’udiinka midowga maxaakiimta ee halkaa ku sugnaa in gudaha garoonka ay ku tukadeen SALAATUL SHUKRI, waxaana dadweynihii isugu soo baxay garoonka dayuurada wejigooda ka muuqatay farxad weyn & dareen wadaniyadeed, waxaana dadka qaarkii ay ku heesayeen heestii “Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta”
Maalmihii u danbeeyey ayaa laga shaqeynayey waddada “run way-ga” ah ee ay dayuuraduhu ka haadaan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay muddo 11 sano ah oo garoonkaasi ay dayuuradi soo caga dhigato ama ka duusho, waxaana tallaabadan markii ay maqleen si weyn u soo dhoweeyey dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in ay tahay arrin loo riyaaqo haddii ay midowga maxaakiimta Islaamka ku guuleystaan in ay furaan ilaha muhiimka ah.
Xigasho: dayniile.com
No comments:
Post a Comment