Monday, July 17, 2006

Waxa dhowaan xisbiga Kummiye uu ku qabtay magaalada Birmingham e carriga Ingiriiska shir ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen xubnihiisa waaxeed ee....

Waxa dhowaan xisbiga Kummiye uu ku qabtay magaalada Birmingham e carriga Ingiriiska shir ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen xubnihiisa waaxeed ee aaggaa gobolka badhtamaha cariga ingiriiska iyo nawaaxigeeda.

Shirkan oo si heer sare ah loosoo agaasimay waxa kasoo qayb galay dad fara badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Xildhibeenno, Waxgarad, Aqoonyahanno iyo Dhallinyaro ay ka mid ahaayen



1. Maxamuud Xaashi Cabdi Ex-xildhibaan
2. Cabdullahi Saalax Cali Ex-Xildhibaan
3. Bashiir Xaaji Xasan Gheelle Ex-wasiir
4. Ibraahim Faarax doodi Ex-Taliyihi cidamada Nabadsugida SLND
5. Axmed Maxamed Xirsi (Bidaar) Aqoonyahan
6. Omar Abdullahi Yassin Aqoonyahan iyo rag badan oo aqoonyahana ka kooban bulshada qaybaheda kala duwan

Shirka oo ka dhacay mid ka mida hudheelada ugu weyn magalada Birmingham la yidhaahdo SomRestuarant .Furitaakii shirka waxaa warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Kulmiye Birmingham Mudane Cabdo Axmed Ayir waxa halka ka soo jediyay warbixin dheer kaga waramayo waxaqabadkii Xisbiga Birmingham iyo guud ahan UKiyo hawlaha hada tagan u bahan in wax laga qabto .waxa isna ka hadlay G/Xiigenka Birmingham Mudane Axmed Cali isna ka waramay waxaqabadkoodi guddi ahan intii ay joogen oo u bahan in halka hawlaha laga si wado.waxa isna joogay kulankan G/xigeenka guddida fulinta UK Maxamuud Rage oo ka waramay halka ay marayan guud ahan hawlaha xisbiga Uk iyo inay ku guulaysten inay guddidodu sameeyen kadhki xubinmada iyo databays lagu ururiyo xubnaha Xisbiga dibad iyo gudaba

ka dib waxa shiirka layskula lafa guray arrimo fara badan oo la xidhiidha wadciga dalkeennu marayo, haddii ay tahay murugga siyaasadeed e gudaha dalka ka jira beryahan dambe iyo haddii ay tahay duruufaha guud e kusoo biiray dawladaha aynu jiiraanka nahay iyo saamaynta ay ku yeelan karto geeddi socodka siyasadeed, nabadgelyo ama bulsho e dalkeenna iyo sidii looga hortegi lahaa, guud ahaanna dalkeenna looga sabatabixin lahaa khatarahan isku gedaamay debed iyo gudoba.
Waxa iyadana si qoto dheer la isula lafo guray sidii uu xisbiga Kulmiye qayb laxaadleh uga qaadan lahaa xal u raadinta dhibaatooyinka kor ku xusan isla mar ahaantaasna uu ula falgeli lahaa duruufaha siyaasadeed e hadda taagan, si wax ku ool ahna uu uga hawl geli lahaa furdaaminta dhibaatooyinka siyaasadeed e taagan.
Xubnaha shirka kasoo qayb galay waxay sidaasi si le'eg isula meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa hawlaha Kulmiye kaga aaddan aagga Birmingham iyo sidii uu gacan uga gaysan lahaa wacyigelinta iyo kobcinta garaadka siyaasadeed e dadka qurbajoogga ah, isla markaasna uu qurbajoogga iyo dalkoodii hooyo isugu xidhi lahaa.
Waxa iyadana aad looga dooday qaraaro fiicanna laga gaadhay sidii loo dardar gelin lahaa hawsha weyn e joogtada ah e xisbiga Kulmiye uu ugu jiro ka midho dhalinta ictiraaf raadinta dalkeenna. Waxana la go'aamiyay in la qaabeeyo guddiyo joogto ah oo dabagal mug leh ku sameeya sidii looga midho dhalin lahaa in dalkeennu uu ictiraaf u heli lahaa.

Ugu danbayntii waxa Xubnaha shirka kasoo qayb galay iyo mamuulka Laanta Xisbiga Kulmiye Birmingham isula meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa hawlaha Kulmiye kaga aaddan aagga Birmingham iyo sidii uu gacan uga gaysan lahaa wacyigelinta iyo kobcinta garaadka siyaasadeed e dadka qurbajoogga ah, isla markaasna uu qurbajoogga iyo dalkoodii hooyo isugu xidhi lahaa.





Gudoomiyaha Kulmiye Birmingham
Cabdo Axmed Ayir

No comments: