Thursday, August 03, 2006

Aqoonyahanada Reer Awdal Ee Qurbajoogu, Maxay U taageeraan Qaddiyadda Soomaaliya?

Warbixin: Maxamed Cumar, ( Harowo.com)=Boorama

Aqoonyahanadu waa qayb ka mid ah bulshada ee lagu tiriyo inay barteen culuunta kala duwan ee maanta dunida hawlaheeda lagu kala wado, ha ahaato dhinaca sayniska, farsamada, iyo cilmiyada caafimaadka. Waana kuwa lagu tiriyo inay ugu aqoonta iyo kartida badanyihiin, isla markaana aqoontooda lagu tixgeliyo laguna ixtiraamo, qaybaha cilmiga ay barteen inay ugu faaiideeyaan dadkooda iyo dalkoodaba.

Dhinaca kale aqoonyahanku waa dadka dal ama bulshada u horseedi kara horumar, haddii ay si fiican u adeegsadaan, haday si qaldan ugu adeegsadaan cilmiga ay barteen u keeni kara dib u dhac. Tan iyo burburkii xukuumaddii miltariga ahayd ee Siyaad Barre dhawr iyo toban sano ka hor, aqoonyahanadii ka shaqayn jiray hayadihii dawladdii Siyaad Barre waxay u kalabaxsadeen dalalka debedda, si ay u helaan magangalyo iyo nolol cusub. Maanta aqoonyahanadaasi waxay badankoodu ku xidhanyihiin ama maanka kala socdaan beelihii, qaraabadii, dadkii iyo dalkii ay ka yimaaddeen, qaar ka midihina waxayba la qabsadeen dalalka cusub ee degeen.
Haddaba markaan soo qaadanno aqoonyahanada reer Awdal ee ku nool dalalka debedda ama loo yaqaan qurbajooggu:

Waxa isweydiin mudan kaalin intee leeg ayey kaga jiraan horumarinta, wacyigelinta, waddaninimada, taakuleynta dadkii iyo dalkii ay ka yimaadeen?

Sidayse uga muuqdaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada gobolka Awdal?
Jawaabaha su'aalahaasi iyo kuwa kale oo la mid ah, ayaan kaga jawaabi karaa hadal aqoonyahan reer Awdal ahi laftiisu ka yidhi qurbajoogga reer Awdal ee debedda. Aqoonyahankaa oo sheegay in qorbajooga reer Awdall, mujtamacayada kale ee soomaalida kaga hooseeyaan la socodka dalkii iyo ay dadkii ay ka tegeen.

Dhinaca siyaasadda haddaan so qaadano waxad moodda in aqoonyahanada reer Awdal badankoodu ay taageero niyadda ah (moral support) siiyaan qaddiyadda Soomaaliweyn, goobo badanna uga ololeeyaan sidii Soomaaliya wax u noqon lahayd. Waxa kale oo jira in inta badan aqoonyahanada qurbajoogga reer Awdal anay weli maskaxdooda gelin in Soomaaliland tahay dal leh maamul ka horreeya dalal badan oo dunida sheegta dimuqraadiyad. Haddaba su'aasha meesha ku jirta ayaa ah maxay qurbajoogga reer Awdal ee debeddu, gaar ahaanna aqoonyahanadu ay u taageeraan arimaha Soomaaliya?

Markaan haddaba dibu u raacno taariikhda reer Awdal ku lahaayeen xukuumadihii soo maray Soomaaliya, waxa la ogyahay in reer Awdal hal wasiir iyo waxoogaa shaqaale ah ku lahaayeen. Tusaale ahaan marxuum Aadan Isaaq, iyo marxuum Muuse rabiile ayaan soo qaadi karraa wasiiradaasi reer awdal ugu jiray labadaa dawladood markaan iska reebno waxoogaaga xildhibeenada baarlamaanka soomaaliya ahaan jiray.

Dhinaca kale dhibaatada Soomaaliya kasoo gaadhay reer Awdal ayaa ahayd mid an umadaha kale ee soomaalidu la qabin. Waxan xusuustaa in ninkii ugu horreeyey in xukuumaddii kacaankii siyaad Bare fagaare ku toogatay uu ahaa nin reer awdal sannadihii toddobatameeyadii, kaasoo lagu toogtay Hargeysa isagoo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa xukuumadii Xayle selaase ee dalka Itoobiya. Waxa kale oo marag ma doonta ah in ninkii ugu horreeyey ee dawladdaasi afweyne ku dishay 300,000 shilin oo soomaali ah uu ahaa marxuumkii Jibriil Aamin, xisaabiyahana ka ahaa jiray wasaaraddii Caafimaadka ee xukuumaddii burburtay, codsigii uu galay madaxweynihii hore ee Jabuuti (Xasan Guuleed) ay badbaadin kari weyday.

Dhibaatooyinka Soomaaliya reer Awdal kasoo gaadhay ayaa waxa ugu dambeeyey dilkii saddex ama afar sano ka hor muqdisho loo geystay Janankii keli ah ee reer Awdal lahaayeen. Intaa waxa dheer dhacii, dilkii iyo hagardaamooyinkii reer Muqdisho ku beegsanayeen dadka kasoo jeeda Awdal ee kasoo firxanayey dagaaladii wakhtigaasi.

Haddaba iyadoo la ogyahay waxa shacbiga reer Awdal ee koonfur ku noolaa kasoo maray dadka dhulkaa leh, ayaa waxa la yaab leh aqoonyahanadana reer Awdal ee dalalka dunida uga ololaynaya in midnimada Soomaaliya. Reer Awdal waxay maanta si fiican uga muuqdaan maamulka dalka Soomaaliland oo qaybo badan oo dadkeeda ka mid ah la isla soo maray dagaallo, dhac iyo dhibaatooin kaleba, kuwaasoo ay maanta iskaga dhawyihiin cid kastaba.

Aqoonyahanada caadaystay u ololaynta soomaaliweyn, ayaan is idhi malaha weli kama dhaadhacsanan xaaladda Soomaaliland, ee dhinacyada nabadgelyada,dimuqraadiyadda iyo doorka reer Awdal ay ku leeyihiin maansabyada kale duwan ee ayna ka heli karin dawlad kasta oo xamar laga dhiso.

Waxa kale oo an la sii yaabay aqoonyahanno iyo madax ururro samafal ah oo reer awdal oo mucaawino ula ordaya dad ku tabaalaysan koonfurta Soomaaliya iyadoo dadkoodii uga baahanyihiin taageero. Waxan is idhi waxa dhab ah fikradda aqoonyahan reer awdal ee debedaha jooga in ayna la socon xaaladda dalku ku sugan yahay, qaarkodna u haystaan in weli dagaaladii sokeeye dhamaan. Aqoonyahanadaasi oo qaarkood magac raadis yihiin ayaa Soomaali badani u haystaan inay kasoo jeedaan beelo an shaqo ku lahayn reer Awdal.

Ugu dambayntiina waxa la odhan karaa waa nasiibdarro haysata aqoonyahanada Reer Awdal haddii ay weli aaminsanyihiin xukuumaddii Siyaad Barre inay soo noqoto, fikirkaasoo wax u dhimi kara sumcadda reer Awdal ku leeyihiin dhinaca aqoonta. Waxa kale oo nasiibdarro ah taageerada niyadda iyo maaddiga ah ee sy siiyaan dad an abtirsiintoodaba garanayn, iyadoo dalka maanta magacooda soo saaray ee Soomaaliland anay waxba ugu fillayn ama ay u arkaan maamul jabhad beri hore ay col ahaayeeni samaysatay. Si kastaba ha ahaatee waxan sugi doonaa abaalka ay Soomaaliyada mustaqbalka ka helaan aqoonyahada reer awdal ee dunida uga ololaynaya, iyadoo maanta anay reer awdal ka muuqan maamulada isku horfadhiya Baydhabo iyo muqdisho.

Mohamed Omar Sh. Ibrahim-Hyena moshimu@hotmail.com

No comments: