Saturday, August 05, 2006

Maxaad ka taqaanaa Wasiiradda cusub ee Ra'isulwasaare Geeddi magacaabay Wasiiiradda ku beesha ah ee lagu bedelay iyo is daba marinta Wasaaradaha.....

Ra’isulwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa markii ugu horeeysay si rasmi ah u magacaabay Wasiiro cusub oo gaaraya 7,iyagoo Wasiiradaas ay buuxiyeen jagooyin ay hore u hayeen Wasiiro xilka laga qaaday iyo kuwa iska casilay madaxbanaani.

Muuse Cali Cumar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Mudulood,Wacbuudhan ,Cabdulle Galmaax,waxaa loo magacaabay xilkii uu ka geeriyooday Cabdalla Deeroow Isxaaq ee Wasiirka Dastuurka iyo federalka.wuxuuna Cabdalla ahaa Digil iyo Mirifle,Jufadda jilible.

Nuur Wabar Cabdi wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Beelaha Hawiye gaar ahaan Baadicadde,waxaana loo magacaabay Xilkii uu iska Casilay Cabdi Kariim Axmed Cali ee Wasiirka Lacagta,waxayna isku yahiin Baadicadde labadooda.

Cabdi Axmed Cumar waa Dir gaar ahaan Ciise,Jabuuti,waxaana loo magacaabay xilkii uu hayay Cabdi Xaashi Cabdilahi ee Wasiirka hidaha iyo dhaqanka ,Mr Cabdi Xaashi wuxuu ahaa Isxaaq ,Sacad Muuse.

Cabdilahi Cabdi Garuun wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Digil iyo Mirifle,jufadda Geledle,waxaana loo magacaabay xilkii uu iska casilay Cabdi Maxamed Tarax ee Wasaaradda Warshadaha,wuxuuna tarax ahaa Ogaadeen. Reer Cabdulle.

Axmed Xaashi Maxamud ,wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Ogaadeen,waxaana loo magacaabay xilkii laga qaaday Xaaji Muuse Suudi yalaxow ee Wasaaradda Ganacsigga,wuxuuna Muuse u dhashay Abgaal,wacbuudhan,Daa-uud.

Sheekh Xasan Ismaaciil bile,wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Isxaaq,Sacad Muuse,waxaana loo magacaabay xilkii laga qaaday Cumar Filish ee Wasiirka Aawqaafta iyo Diinta.,wuxuu Cumar Filish ahaa Abgaal Wacbuudhan,Daa-uud.

Madoobe Nuunoow Maxamed,wuxuu qabiil ahaan ka soo jeedaa Digil iyo Mirifle,Dabarre ,waxaana loo magacaabay xilkii uu ka geeriyooday Cabdi Xaraare ee Wasaaradda Batroolka,wuxuuna Mr Xaraare ahaa Ortable Daarood.

Hadaba xubnahaan la magacaabay waxay raamsadeen xilalkii ay hayeen Wasiiradda hoos ku qoran.
Muuse Cali Cumar wuxuu wacbuudhannimo ku cunay Muuse Suudi Yalaxow. Wuxuuna Muuse Cali ahaa Xildhibaan wacbuudhan.
Nuur Wabar Cabdi wuxuu BaaddiCaddenimo ku cunay Axmed Kariim Axmed Cali.wuxuuna Nuur Wabar ahaa Xildhibaan Baadicadde.

Axmed Xashi Maxamud ,wuxuu Ogaadeennimo ku cunay Cabdi Maxamed Tarax.wuxuuna Xaashi ahaa Xildhibaan Ogaadeen.

Madoobe Nuunoow Maxamed ,wuxuu dabare-nimo ku cunay Xuseen dheere.oo isagana ahaa Dabare,iskana casilay xilka Wasiirka tacliinta sare.laakiin nuunoow wuxuu ahaa ,Wasiir ku xigeen.

Cabdilahi Cabdi Garuun,wuxuu digil iyo mirifle ku qaatay xilkii uu ka geeriyooday Cabdalla Deeroow Isaaq.oo isagana ahaa Mirifle,wuxuuna Mr Garuun ahaa Xildhibaan Digil iyo mirifle.
Sheekh Xasan Ismaaciil bile,wuxuu Sacad Muuse-nimo ku cunay ,Cabdi Xaashi Cabdilahi oo isagana ahaa Sacad Muusse.wuxuuna Sheekh Xasan ahaa Xildhibaan oo qura.

Cabdi Axmed Caana nuug lama ogga ,mas’uulka ku heeybta ah ee uu qabtay xilkii uu ka hayay Xukumadda Geeddi ,laakiin dhawaan ayaan soo gudbin doonaa xogtaas.

Ra’isulwasaare Geeddi ayaa sheegay in xilka laga qaaday Cumar Filish markii horeba ahaa kor saar,siyaado ku ah Hawiye,lagana fiirsan doono.


Xigasho: Waagacusub.com

No comments: