Friday, August 11, 2006

Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Oo Ka Biyo Diidsan Inuu Ka Wareego Xilkii Wasaarada

Hargeysa, August 10, 2006 (Somaliland Today)- Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta Axmed Xaaji Daahir ayaa la sheegay in uu ka biyo diidsan yahay inuu la wareego xilkii wasaarada warfaafinta.

Xil wareejinta oo lagu waday in ay maanta dhacdo waxa la sheegay in wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta Axmed Xaaji Daahir uu qawadsan yahay in uu la wareego xilka wasaarada


warfaafinta,taasoo la sheegay inuu jiro wada hadal dhex maray wasiirka cusub wasaarada warfaafinta oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta iyo Madaxweyne Riyaale,kaasoo la sheegay in uu Madaxweynaha ku qancinayo in uu u bedelo wasaarad dhaanta wasaarada loo bedelay ama uu ku celiyo wasaaradii uu xilkeeda hayey ee qorshaynta qaranka.

Mr Axmed xaaji Daahir oo aanu la xidhiidhnay si aanu arintaa wax uga weydiino baanay noo suurto gelin in aanu helno.

Dhinaca kale Maareeyaha cusub ee wakaalada Biyaha Hargeysa Axmed Xaashi ayaa isna la sheegay in uu ka biyo diidsan yahay in uu la wareego xilka wakaalada biyaha,kaasoo la sheegay in uu qawedsan yahay meesha loo magacaabay.

Waxayna warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen in maareeyaha cusub ee wakaalada biyaha hargeysa ka cago jiidayo in uu qabto xilka wakaalada Biyaha ee caasimada Hargeysa,balse Maareeyaha cusub ee wakaalada biyaha Axmed Xaashi oo aanu isna la xidhiidhnay si aanu arimahaa wax uga weydiino baanay noo suurto gelin in aanu helno.

Liibaan Maaweel Shire

Weriyaha Shabakadda Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland.

1 comment:

Anonymous said...

Mr.Ahmed Dahire was well known khat dealer in Toronto, Canada he should be thank full to his uncle mr Reyal, The minister has enjoyed the loot of finance's of SOmaliland ,so Ahmed should return to his old proffision at Toronto's .