Saturday, September 02, 2006

Barnaamijka ku saabsan Muqdisho Oo Laga Daawado Boorama

Hashim Goth, (Harowo.com) = BOORAMA–01 Sep. Magaalada Boorama ayaa mudooyinkan Dambe waxay dhacdooyinka ka dhaca wadanka iyo waxyaabaha kale ee ka dhaca darifyada Dunidaba Si fiican ugala socdan Televition madax banaan oo laga daawado magaalada gudaheeda oo la yidhaa TV BORAMA.

Daawashada TVgaas ayaa kor u kacday wakhtiyadii ay socdeen ciyaaraha Aduunku, magaalada wuxuu ku jiraa ilaa 200 guri in ku dhaw, meelaha uu ku jiro ee ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Guryaha Madaxda Gobolka Awdal iyo Meheradaha Ganacsiga, Tvgu wuxuu soo dayaa Wararka Dalka iyo ka Gudaha, inta badana waxay soo dayaan barnaamijyo xiiso leh oo ka hadlaya dhinacyada caafimaadka iyo Maaweelooyin ay ka mid yihiin Ruwaayado.

Hadaba waxaa Maalmahan dambe ay soo dadku ka daawanayeen Barnaamij la yidhaa Maanta iyo Muqdisho, Barnaamijkaas oo duubistiisa ay lahaayeen TVga Djibouti, wuxuu ka hadlayay Barnaamijkaasi sida Maxaakiimta Muqdisho ay isbedelka uga sameeyeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxa kujira barnaamijka waraysiyo ay bixinayaan madaxda u saraysa maxaakiimta ee uu ka mid yahay Xassan Aweys iyo kuwo kale.

Nin ka mid ah guryaha uu ku jiro TV Borama oo la yidhaa Dr. Cabdi Cilmi Obsiye oo aan maanta la kulmay ayaa wuxuu ii sheegay in markii u horaysay ee uu arkay Barnaamijkan uu aad ula yaabay, waxaan is weydiiyay ayuu yidhi Siyaasada Somaliland may ogoshahay ?

ka dib waxaa ii yimid ayuu yidhi Dr. Obsiye wiil ka shaqeeya TVga oo lacagtii ii soo doonay waxaanan weydiiyay Barnaamijka Muqdisho maa la idiin ogolaaday wuxu yidhi igu yidhi maya ee waa iska caadi, Dr.Obsiiye wuxuu intaas ii raacshay in uu is weydiiyay siyaasada iyo hadafka ka dambeeya iyo sida ay durba maxaakiimtu u dhexqaadeen Bulshada aan taageersanayn.
Waxay suaali ka taal waxa ay u dareemi waayeen nimanka gobolka Xukuma ee sida tooska u daawanaya Barnaamijkan buunbuuninta Muqdisho ah, Maamulka Gobolku lama socdaan ayaa la odhan karaa Afkaarta siyaasadeed ee shacaka la gelinayo, taasina waxay tahay dhaliil ku tusinaysa sida looga seexday xukunka Awdal.

Waxa laga yaabaa in TV Borama Aqoon daro ka hayso. Maamulka Tvga ayaa isna ah rag magac ku leh Boorama, ma la isweydiin karaa shacabka Boorama lama socdaan ama way garab marsan yihiin Mawqifka Somaliland ee ay Hogaanka hayaan.
Inta badan waxaa la odhan karaa in ay tahay waxyaabaha Bulshada ku kelifaya u hanqaltaaga meel kale in ay tahay Warbaahinta Somaliland oo aan gaadhsiisnayn gobolada oo ku eg caasimada Hargaysa oo keli ah.

Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com

No comments: