Sunday, September 24, 2006

Barre Hiiraale Oo Maxaakiimtii Ka Tukhaantukhisay Kismaayo.

-Waridaad-Barre Hiiraale Oo Maxaakiimtii Ka Tukhaantukhsay Kismaayo.

Hoogaamiyahii Jubooyinka oo maanta ka galbaday Kismaayo kuna sii jeeda Gedo, ka dib markii ay maleeshayadda Maxaakiimta Muqdisha ka amar-kutaaleeyaa soo dul degeen. Hadaladdii Bare waxaa ka mid ahaa intaanay ciidamadda maxaakiimtu soo ruqaansan " "Waanu ogahay in ciidamada Maxkamadaha ay la wareegeen Jilib, waana u diyaar garoobay in aan dagaal la galo" ayuu yidhi Barre Hiiraale." Iyo 'Waan ku jihaadeynaa gardarada Maxkamadaha Muqdisho'.

Bare Hiiraale, oo nidar ku galay in uu la jihaadi doono cidkastoo isku dayda inay ka fara maroojiyaan Kismaayo, ayaa si lama filaan ah maanta uga maleegtay Kismaayo. La garan maayo sababta ku kaliftay Bare inuu siddaa sahlan uga laablaabto Kismaayo oo uu ka talinayey lixddii sannadood ee ugu danbeeyey, ka dib markii ay kala wareegeen taladda magaaladda qabqable Morgan. Iyadoo dadka qaarna ay qabaan inay tahay dib-u-gurasho xeel dagaal!.

Waxaa cad iminka in Dowladda Mbagathi ay go'doon ku tahay baydhaba, rajaddii ay ka qabeen inay ciidamo uga soo degaan Kismaayona ay halkaa ku dhamaatay.

Rajaddii Cabdillahi Yusuf iyo Barlamaankii Mbagathina ka qabeen inay talladda dalka kula soo noqdaana ay halkaa ay ku dhamaatay. Halkaa waxaynu ka arki karnaa in dabayaaqaddii DFKMG ay muuqato.

Wixii warar ah ee soo kordha sidda ugu dhakhsaha badan ayaan u soo gudbin doonaa.

Ahmed Quick

Waridaad Media Center

No comments: