Saturday, September 30, 2006

Dawlad Ku Sheegta Hargiesa Dhaafin Ha La Waydiiyo Burco

-Waridaad-Beryahan danbe waxaa isa soo taraya hadalo aad moodo dadkan ku hadlayaa amseba qoraaba inay ku noolaayeen dhalanteed.

Gacan taaga lagu tilmaamay Burco, waxaa hormood ka ah dawladan iyo tii ka horeysay ee itaalkeediiba dhaafi waayey Hargeisa. Ilaa iminka waxaa ka shaqaysa lacagtii hore ee Somalia. Ilahii dhaqaale ee bariga dalkana dawladda Riyaale xanibaad badan bay galisay; cashuurtii Gobolka Togdheer, Hargeisa ayaa lagu lunsadaa; dhaqaalihii yaraa ee wadanka soo galayey iyo hayadahii samafalka u imanayey dalka, Hargeisa yey soo dhaafin bay xukuumadda Riyaale heshiis ku galeen.

Haddaba, Burco haddii markii horeba aanay qorshaha dowladdaba ku jirin, maxay iminka isaga dhigayaan qaar ay daacad ka tahay arrimahan la sheegayaa. Burco iyo dadkeediiba dawladda Soomaliland ha la waydiiyo. Imikana haddii loo gacan haadiyo iyo haddii kaleba dadka reer Togdheer bay u taalaa arrintan siddii ay uga tashan lahaayeen. Kuna darsoo Burco waa hooyaddii xoriyadda ilaa inta aynu wadda xasuusano.

Dalkan ilaa intii dawladdani timi xuduudihii waddanka may sugin. Xad-gudubka majeerteeniya kamay caabinin. Markaa waxaa la yaab leh sidday isaga cabin lahaayeen cadow kaloo ka sii xoog weyn kan yar ee fadhiya laascaanood oo ah walibana Soomaaliland.

Qorshahan bulsha weynta reer Soomaliland hore uga shakisnaayeen, xukuumadda Soomaalilandna loogu tuhmaayey mid u xaglinaysa dhinacaa. Haddaba maxaa is badelay? Ma qorsahii xukuumadda ayey wax kale ka horyemaadeen?Ma sidday shaxda u dhigeenbay wax iska badaleen? Mise waa ka bes dawladda sidani!.

Arrimahaa bal dawladay ummadda ka shaafiya, amse ba'neeya kuraasidda oo u dhiiba dadka daneeya dalkan.


Ahmed Quick

Waridaad Media Centre

No comments: