Thursday, September 14, 2006

Garaaddada Beesha Dhul-Bahante Ee Ku Sugan Buhoodleh Ayaa Digniin U Jeediyey Gen. Cadde Muuse & Ciidanka Qarranka SL Oo Heegan Sare Gallay

Hargeysa (Somaliland.Org)-- Garaadada iyo isimada Beesha Dhul-bahante ee ku sugan Deegaanka Buhoodleh ayaa maanta Baaq ay soo saareen waxay Digniin u jeediyeen Ninka Madaxda u ah Maamulka Majeerteeniya ee lagu Magacaabo Puntland Gen. Cadde Muuse, waxaanay garaadadaasi sheegeen in haddii uu Gen. Cadde Muuse yimaado magaalada Buhoodleh ay sababi doonto inuu dagaal dhiig badani ku daato uu deegaanka ka dhici doono, taasi oo ay ku sheegeen garaadada iyo isimadu baaqoodani inaanay dadka deegaanka Buhoodleh diyaar u ahayn.

Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo ku hadlaayey afka garaadada iyo isimada Deegaanka Buhoodleh ayaa sheegay in ay arkayaan khatar weyn oo soo foodleh haddii Gen. Cadde Muuse oo soo gallo ama cagaha uu soo dhigo deegaanka Buhoodleh iyadoo dadka deegaankanina aanay sinaba raali uga ahayn imaatinka ninkaasi ee deegaankani, Garaad Maxamed Wuxuu sheegay in Dadka deegaanka Buhoodleh ay qaateen go'aan ah in ay nabad kula noolaadaan walaalahood Somaliland oo ay ka mid yahiin isla markaana ay u arkayaan waxa loogu yeedhay booqashada Gen. Cadde Muuse mid fadqalad iyo collaad ka dhex abuuri karta dadka deegaankani.

Dhinaca kalana Ciidanka Qarranka Somaliland ayaa caawa waxay hore ugu ruqaansadeen Degmada Widh Widh oo masaafad yar u jirta magaalada Laas Canood waxaanay gooyeen waddadii isku xidhaysay magaalada Laas Canood iyo Hawdka gaar ahaan deegaanka Buhoodleh, Ciidanka Qarranka Somaliland waxay heegan sare ka galleen Tuulada Bali-gal oo 5 Km u jirta Degmada Kala-baydh waxaanay Ciidanka Qarranka Somaliland samaynayaan dhoola tus iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

No comments: