Friday, September 01, 2006

Madaxweyne Ku Xigeen Ayaan Cigaal U Ahaa Maantana Madaxweyne Ayaan Ahay Oo Waxaan Ahay Xogogaal Oo Intaan Ogahaya Nin Ogi Ma Jiro”.. Riyaale

Hargeysa, August 30, 2006 (Somaliland Today)- Intiinii la socotay Salaasadii todobaadkan waxay Shabakada wararka ee Somalilandtoday idiin soo baahisay qayb ka mid ah waraysi dheer oo ay Madaxweyne Riyaale la yeelatay Idaacadda Radio Hormood ee dalka Denmark, kaas oo Madaxweynaha wax lagaga weydiiyay dhinacyo badan oo ku saabsan safarkiisa iyo xaaladda wadanka.


Qaytbtii hore ee waraysiga waxa uu Madaxweynuhu kaga jawaabay su’aalo ay ka mid ahaayeen heshiis la sheegay inuu dhawaan la galay dawladda Ingiriiska iyo xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Mucaaradka, waxa uu qaybtan labaad oo uu kaga jawaabayo su’aalo ay ka mid yihiin Jaadka iyo aragtida xukuumadiisu ka qabto, Maalgashiga shisheeyaha iyo heerka musuqmaasuqa ee Somaliland u dhacay sidan:


Madaxweyne, marka laga yimaado doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay. Maxaad ku faani kartaa ee kuu qabsoomay intii aad dalka Madaxweynaha ka ahayd?

Wallaahi, qaar badan oo aan sheegan karayay oo aanay ahayn inaan sheego oo xagga amniga iyo ciidamada aan ka qabtay way jiraan. Dibadda olole iyo dagaal badan ayaanu ku qaadnay. Midawga Afrika warbixintii ay inaga qoreen waxay ahayd markii koowaad ee ay yidhaahdeen Aqoonsiga Somaliland waxba uma dhimayo wadamada Afrika burburna kuma keenayo. Markaas waxa weeyaan inaan siyaasadeenii dibadda iibino oo maanta in badan oo aan shalay ina aqoon ayaa ina taqaana. Haddii shalay la lahaa Somaliland way ka nabad badan tahay Koonfurta Soomaaliya maanta waxa la is weydiinayaa Somaliland waa dal dhismay ee maxaa loo aqoonsan la’yahay. Markaas waad arki karaysaa halka aan ka soo guurnay iyo halka aanu marayno.


Waa Sidee heerka Musuqmaasuqa ee Somaliland?


Horta wax aan musuqmaasuqaba ma hayno. Waxaan kuu sheegayaa Somaliland waa wadanka keliya ee adduunyada cid wax siisaa aanay jirin ee haddana shaqaynaya ee Caalamku is weydiiyo sida aanu u shaqaynayno. Falastiin berigii dhawayd ee ay Xamaas ku guulaysatay doorashadii Midawga Yurub iyo Maraykanku way ka go’eeyeen caawimadii. Mar marka qaarkood ayaan is idhaahdaa waar haddii bahasha [mucaawinada] ay tahay wax sidii jiirka marna lagaa xidhayo marna lagu siinayo malaha wax la’aanta ayaaba idiin fiican.

Anigu Madaxweyne ku xigeen ayaan dalka ka soo ahaa oo Marxuum Cigaal ayaan la shaqaynayay maantana Madaxweyne ayaan ka ahay oo waxaan ahay xogogaal intaan ogahayna nin ogi ma jiro. Meeshani [Somaliland] geesinimo iyo raganimo ayay ku socotaa ee xoolo ay haysato kuma socoto. Maxaa laga musuqmaasuqaa duruufaha ay ku socoto ayaa duruufo adag ahe. Dadka jooga Wasiir ilaa Askari waxaan u arkaa inay sadaqo ku shaqaynayaan oo aanu jirin nin qudha oo qaata mushahar ku filani. Adduunyada haddii Wasiirku muxuu qaataa lagu yidhaahdo ma qiyaasi kartid. $ 400 (Afar boqol oo Dollar) ayuu macaa Kirada gurigiisa ku shaqeeyaa mana jirto Adduunka meel lagaga shaqeeyaa.


Haddii uu dalku dhaqaale badan haysan lahaa Somaliland ma leedahay hay’ad ka hortagta Musuqmaasuqa?


Haa, Haddeer Sharcigii musuqmaasuqa adkaynayay Baarlamaanka ayaan u gudbiyay, waayo sharcigii hore ee ahaa xatooyada xoolaha umadda waxa uu ahaa sharci fudud sida damiin iyo lacag yar oo laga qaado. Markaas sharcigii hadda Golaha Wakiilada ayuu horyaalaa si ay u ansixiyaan dabadeedna looga cabsoodo in xoolaha umadda la xado.

Madaxweyne xukuumadaadu wax siyaasad ah ma ka leedahay sidii loo joojin lahaa Qaadka oo dhibaatooyin kala duwan ku haya bulshada Somaliland?

Horta qaadku waa wax dadkeenu cuno, dawladii hore ee Soomaaliya ka jirtayna mar ayay tidhi waanu mamnuucnay wixii ka dhacayna waad ogayd, inaan dadkeena kala talino weeye, laakiin ma joojin karayno waayo waxani waa wax shacbigu muddo dheer soo cunayay inaan mar keliya joojinana wax inoo suurto galaya maaha. Laakiin waxay u baahantahay xagga warbaahinta in laga siiyo dadka casharo badan oo ku saabsan dhibaatoyinkiisa kala duwan. Anigu beri hore ayaan iska daayay jaadka oo ma cuno dad badan oo iska soo daynayaana way jiraan laakiin wacyi gelin ayaan kula dagaalami karnaa laakiin si kale oo aan kula dagaalami karnaa ma jiro. Xiitaa anigu waxaan jeclaan lahaa inay beertaan sida Yementa oo kale oo iyaga ay lacagtoodu ku dhex wareegto. Markaas waxaan qabaan inay tahay dhibaato mujtamac oo dadka laga waaniyo si ay u yaraato cunistiisu.


Xukuumaddu ma leedahay wax siyaasad ah oo ay ku soo jiidan karto maalin gelin shisheeye?


Gudo iyo didbadba labadaba sharcidoodii waanu samaynay waanan ku dedaalaynaa cid kasta oo imanaysa dalkaba waxaanu ku dedaalaynaa inaanu u sahalno inay yimaadaan. Dadkeena qaar lacag badan haystaa jira waxaanay ka shaqeeyaan badeecado inay keenaaan oo dhaqan uma laha shirkadaha. Markaas shirkadaha shisheeye xiitaa waxaan ka baran lahayn siday shirkaduhu u shaqaystaan oo dadkeena ka maqan. Markaas waanu ku dedaalaynaa inaanu keeno wax alla wixii inoo iman kara.

Wadamo badan oo bilaa aqoonsi ahi way jiraan laakiin waxa fure inoo ah sidii aan u soo jiidan lahayn maalgelin shisheeye, dalkeenuna waa dal qani ah inshaalaahu maalin maalmaha ka mid ah inay wax ka bilaabaan ayaan rajaynayaa.

Xigasho: Hormood

No comments: