Thursday, September 21, 2006

MAXKAMADAHA OO SHEEGAY INAY RAJAYNAYAAN IN SOMALILAND DIB ULA MIDAWDO SOOMAALIYA DABAYAAQADDA SANNADKAN

Reuters- Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka talliya Magaalada Muqdisho iyo deegano kale oo ka mid ah Soomaaliya, ayaa markii u horaysay caddeeyay inay u qorshaysantahay inay wada hadal la gallaan dawladda Somaliland si loo helo Midnimada Jamhuuriyadii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Masuulka Golaha Maxkamadaha u qaabilsan Dacwadda iyo Warfaafinta oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Cali Muuday oo u waramay toddobaadkan Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheegay inay rajaynayaan in dabayaaqadda sannadkan ay helaan Midnimadii Soomaaliya ee burburtay, “Waxaanu doonaynaa inaanu la hadalno Dawladda taagta daran [Dawladda Cabdillaahi Yuusuf], waxa kale oo aanu doonaynaa inaanu la hadalno Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, waxaanan rajo weyn ka qabnaa in aanu helno Midnimadii Soomaaliya dayaaqadda sannadkan”, ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Muuday.

Waxa uu sheegay in Maxkamaduhu ka soo horjeedaan nidaamka Federaaliga ah ee ay ku salaysantahay dawladda Cabdillaahi Yuusuf, ee lagu soo dhisay dalka Kiiniya, fadhigeeduna yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.Waa markii u horaysay ee ay Maxkamadaha Islaamiga ahi cadeeyaan inay doonayaan inay wada hadal la gallaan dawladda Somaliland, balse Sarkaalka Maxkamadaha u hadlay ma cadayn xilliga iyo qaabka ay doonayaan inay Somaliland kula soo xidhiidhaan.


Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku celceliyay inaanu marnaba wax wada hadal ah la galaynin Soomaaliya ilaa ay tallada dalkaas qabato dawlad dadkeedu soo doorteen.

Xigasho: Geeska AFrika

No comments: