Thursday, September 07, 2006

Raacii Ugu Horeyey Wasiirada Cusbaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale Oo Golaha Wakiiladu jilba Joog ku Ansixyey

Raacii Ugu Horeyey Wasiirada Cusbaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale Oo Golaha Wakiiladu jilba Joog ku Ansixyey.

Hargeysa(HWN):Fadhigii ay Saaka yesheen Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay Cod-Aqlabiyada ku Ansixiyeen raacii ugu horeyey ee wasiirada xukuumada madaxweyene Rayaale ee uu dhawaan isku bedelka iyo isku shaandheynta ku sameeyey.

Fadhigan saaka oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) oo uu hareer fadhiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa Golaha Fadhiyey 55 mudane.

Xooghayaha Guud ee Golaha wakiilada Md, Keyse ayaa Golaha u akhriyey CV-ga wasiirada iyo wasiir ku xigeenada, kadibna waxa uu gudoomiyaha golaha wakiiladu ku dhawaaqay in loo codeyndoono wasiirada iyo wasiir ku xigeenada la horkeenay Golaha
wakiilada.

Wasiirada la horkeenay Golaha Ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen sida:-

1. Wasiirka Qorsheynta Md, Cali Ibaraahim Maxamed (Cali Sanyare)
2. Wasiirka Duulista Md, Cali Maxamed Warancadee
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md, C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro)
4. wasiirka Wershadaha Md, Maxamed Saleebaan Maxamed
5. Wasiirka Madaxtooyada Md, Nuur Aamiin Ismaaciil
6. Wasiirka Dibudejinta Md, Abshir Axmed Xasan

Wasiir ku xigeenada waxay kala ahaayeen sedan:-

1. Wasiir kuxigeenka qorsheynta Md, Axmed Xaashi Cabdi
2. Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md, Axmed Maxamed Filanwaa

wakiilada ayaa ku dhawaaqay natiijada Waxanay ahayd sidan:

Wasiirka Qorsheynta Md, Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) waxa Ogolaaday 54 mudane, cid diiday may jirin, Gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaa uu ku Ansaxay.

Wasiirka Duulista iyo hawada Md, Cali Maxamed Warancade waxa Ogolaaday 54 mudane, cidina meydiidin, Gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaana uu ku ansaxay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md, C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxa ogolaaday 53 mudane, Hal mudane ayaa ka aamusay, gudoomiyuhuna muucodeyn, sidanaa uu ku Ansaxay.

Wasiirka Wershada Md, Maxamed Saleebaan Maxamed , waxa ogolaaday 52 mudane, waxana ka aamusay laba mudane Gudoomiyuhuna muucodayn sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiirka Madaxtooyada Md, Nuur Aamiin Ismaaciil waxa ogolaaday 45 mudane, waxaana diiday sadex mudane, waxaana ka aamusey lix mudane, Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.

Wasiirka Dibudejintaa, Md, Abshir Axmed Xasan waxa ogolaaday 52 mudane,waxaana ka aamusay sadex mudane, Gudoomiyuhna muucodayn sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiir kuxigeenka Gaashaan dhiga, Md, Axmed Maxamed Filanwaa, waxa ogoladay 47 mudane, waxaana ka aamusay 8 mudane, Gudoomiyhuna muucodayn, sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Md, Axmed Xaashi Cabdi, waxa ogoladay 51 mudane, waxa iiday laba mudane, waxaana ka aamusay laba mudane, sidaana kuu Ansaxay.

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter hadhwanaag/hargeysa

mailto: janaale94@yahoo.com

No comments: