Sunday, October 29, 2006

Gabay: Xin Dhulbahante

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Xin
Dhulbahante, waxaanu ka koobanyahay 84 beyd. Waxaa
sannadkii 1998 curiyey Ibrahim Hassan Gaagaale,
sannadkaas oo Beesha Reer Laascaanood ka qaybgashay
aasaaskii Gobolka Puntland ee Somalia si ay u
mijaxaabiso madaxbanaanida iyo qaranimada
Jamhuuriyadda Somaliland kuna wacadfurtay aasaaskii ay
wax ka aasaastay Somaliland sannadkii 1991.

Gabaygu waa gar-naqsi Reer Sool su`aalaya waxay uga
jeedaan daawo-furyada, xinka, qabyaaladda, iyo
dibindaabyada mudada dheer soo taxnaa ee ay ku hayaan
Ummadda Somaliland iyaga oo og inay la wadaagaan:
Taariikh, dal, dhaqan, dawladnimo iyo horumar intaba.

Gabaygu wuxuu Beeshaas xusuusinayaa inaan marnaba
Beelaha Somaliland nolosha ifka ku kala maarmikarin,
dantuna ku jirto in la is-fahmo, la midoobo, si
wadajir ahna wax loo wada qabsado iyada oo og in
danteedu aanay ku jirin Puntland, waxaanu uga digayaa
nabsi-xumo kaga timaada ku wacadfurka wanaagga loo
galay ama loo hayo.

Gabayga: Xin Dhulbahante

Beelo derisa dad sokeeye oo, dano wadaagaaya
Oo tuhun ku kala deyranyo, salaan dibneed
dhiiba
Dar Ilaahay baa rag u galaa, xaajadood
darane

Markii guurti loo diray xujada, damal hadhweyn
geedka
Oo Muducigu doodiisa furay, deelka ka
higaadshay
Dadow maqal dulmiga Deriska Bari, daya
laxaadkiisa

*********
Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi
Sooliyo Sanaag wada degtaan, duurka iyo
hawdka
Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada
goosta

Xididnimo ninkaad dadab u xidhi, dhaqanku waa doore
Abtinimo ninkaad uga dambayn, diidi
xumihiisa
Ee haddana dareen qaba muxuu, dooni
damiciisa?

*********
Wadaadki ninki daba dikriyay, dhaaxana u duulay
Boqor doonka iimey ka yimid, daacad u
adeegay
Ee durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu
haystay

Damaacigu ninku aakhirkiis, darab u leynaayay
Hambadiisa aan daafacee, duunyana u
loogay
Xusuustiisu daranaa muxuu, dooni damiciisa?

**********
Samanki Siyaad laga didee, ee dadba hub qaatay
Dulmigu ku maamulay Isaaq, dabargo` uu
doonay
Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin

Ee qaybo igu soo dumee, daw kasta igaaday
Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna
ii geystay
Ugu deeqay nabad weyn muxuu, dooni damiciisa?

**********
Muqdisho marki laysku dilay, magan la
dooxaayay
Ninki Hawiye Hodan uu dawaray, haybta lagu doonay
Oo magaca deriskii ku baxay, ee dalka u
dhoofay

Ee haddana dadkaa doortayee, daba gableynaaya
Xin Dhulbahante ila doonayaa, diirsata
Xamare
Anigaa dantiise muxuu, dooni
damiciisa?

**********
Dagaalki marki uu durkee, qiiqu
damiwaayay
Ee Kismayo Daarood u guday, Doonta kala boobay
Kiiniya xeryaha loo dumee, duumo ku haleeshay

Adigoo darxumadii qabo, dakharku uu
muuqdo
Gaarisa Ogaadeenka dega, kaa daldalay
baade
Damqashada anaa roon muxuu, dooni damiciisa?

*********
Ina Yuusufkaa Mudug degee, duufshay
gobolkiisa
Dawladnimada sheegtee dadkuba, yaabay damiciisa
Ee dalkuu degaankiisu yahay,
diidan taladiisa

Qaarba difaacoo u raran, doonyana u
meera
Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene
Doolaalo waa damac muxuu, dooni damiciisa?


*********
Haddaad tebeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni
Warsangeliba waynala degaa, waana deriskaaye
Kala sooca daa oo midnimo, geli
damiirkaaga

Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu
taalle
Magane dib yaan loogu noqon, dumiso
weyaane
Danta guud haddaan rabo muxuu, dooni damiciisa?


*********
Dalka gobolka lagu dhaato ee, Shiikha
lagu duugay
Sanaag Bari nin dacalkeeda dega, doodda wada
sheegta
Daandaansi door moodayo, damacu uu
qaaday

Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa
Oo Isaaq dhibkiisuun dawara, doona
xumihiisa
Ee degmada fidnada hurin muxuu, dooni damiciisa?

*********
Dal barwaaqo khayraad badeed,
dalagyo beereedka
Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo
laga dhoofsho
Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada
jooga

Ninka dayrinaayee dal kale,
doona lihidiisa
Quudhsiga dalkuu qabo qalbigu, waa ka
didayaaye
Qawad daran hadduu qabo muxuu, dooni
damiciisa?

*********
Dunidan la soo koobayee, Maars lagu
duulay
Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya
Ee wadajir lagu doogsadee, lagu
dakaynaayo

Daa`iro ninkaa ila rabee,
dabinka ii qooli
Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegtay
Midnimaa na doojine muxuu, dooni damiciisa?

*********
Israacii ninkaa ila degee, daadku
ila qaaday
Gobonimo la duudsiyey ninkaan, wada dabayl raacnay
Oo midnimada duminteed ogaa, duulki
kala gooyay

Ee haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo
Oo daawadii igu furee, weli dantii
moogan
Dawlad gaara ila lihi muxuu, dooni
damiciisa?

*********
Samihiis nimaan doonayaa, tayda
duminaaya
Nabsi daahay duul waa helaa, oo
duleed imane
Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe Ilaahe


Dabaqabadku waa dane haddii, looga digo
beesha
Derisnimo wanaagiyo hadday, daacadnimo keento
Midka aan ku diirsani muxuu, dooni
damiciisa?


*********
Beeshaa dalbaa noo dhexiyo,
dawladnimadiiye
Danbaa naga dhaxaysiyo degaan, daaqsin
iyo ceele
Sidaas labada daarood ta hore, Daa`inkaa qoraye

Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir
ugu sheegay
Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada
dareensiiyay
Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow
deriskaa leh

DHammaad

Curiye: Ibrahim Hassan Gaagaale
(Jooga London)

No comments: