Thursday, October 12, 2006

Halkay Ku Maqnaayeen Cuuqaashan Iyo Culimadu

-WARIDAAD-Ummaddan karaamadeedii iyo sharafteedii waxaa maanta god ugu jira kumanaan qof oo u qudh baxay siddii ay ugu saari lahaayeen dulmigii ka dhashay israacii lixdankii.

Israacii lixdankii markuu hal jirsaday cawaaqib xummaddii loo maleegayey Soomaaliland waa tii la ogaa. Waxaanay qaadatay 30 sannadood siddii ay ula soo noqon lahaayeen xornimadoodii ay lumiyeen caamaddii loo lulay weelka madhan. Akhri Maqaalkan sidda u fahamtid cidda ay yahiin waddaado isku sheega u soo hanqal taagaya Soomaaliland:

http://somaliland.org/ns.asp?ID=06101000

Waa kuwii laga xoreeyey Soomaaliland ee taliskii burburay u adeegi jiray, ee laga cidhib tiray caradda Soomaaliland. Kuwii oo u socda aar goosi, ogna inay ahayd halkii lagaga takhalusay maamulkii macangaga ahaa ee afweyne ee ay u adeegsan jireen siday u cidhib tiraan ummadda ku dhaqan Soomaaliland ayaa maanta soo bedeshay shaadhkii qabiil oo gadh iyo surwaal gaaban intay inoo soo xidheen raba haddana inay caamiyaha iyo jaahilka ku khiyaameeyaan dad muslimiin ah baanu nahay, waddanka shareecadda in lagu xukumo uun baan rabnaa iwm.

Waxa cajaayib ah caaqiladan iyo dadkan isku sheegaya inay yihiin culimo, ee leh Soomaaliland ha ku dhaqanto shareecadda Islaamka, xagay ku noolaayeen?. Miyaanay la socon in Dastuurka Soomaaliland qorayo in shareecadda Islaamka tahay shareecadda lagu dhaqmo? Ma ujeeddooyin kale ayey wataan? Maxaa ku kalifay inay siddaa ugu hadlaan iminka ee ay uga hadli waayeen arrimahan ay la soo shir tageen sannado hore? Ma khal-khal abuurbaa? Mise kuwii laayey dadkooda – U fiirso “Majilis ku Sheega Shuuradda” “Moorgan”, “Turki”, "Af-Huuro Bacadle" iyo caanaasiir fara badan oo waddankan ka qoran dambeelayaal ayey u hadlayaan, ooy soo hor kacayaan.

Soomaaliland shalyna afar-oday iyo caamiye ayaa halkaa gaadhsiiyey, maantana Culimo isku sheeg iyo wax aan dhaamin ayaa la adeegsanayaa, siddii loogu mijo xaabin lahaa ummaddan.

Waar ilaashadda xoriyaddiina, haddii kale halkii burburkii iyo qaxii ayaa idiin yaala.
Markanse abada ayey noqonaysaa, oo uma malaynayo, kowleba anigu qof baan ahaye in wakhti danbe cidi iskaga lumin doonin, naf iyo maal danbena cidi u huri doonin. Waa haddii aydun iska qaban waydaan kuwan hororka idinku wadda ee soo galbinaya. Waar ma bilaa diin-baad tihiin?, siddee laydunku khiyaameeyaa diin baanu soo wadnaa. Caways ma nabi soo baxay baa? ‘Subxaana Allaah”

Waridaad Media Centre

No comments: