Sunday, October 08, 2006

Heshiiska Dhexmaray Sougueta Engineering AG Iyo Xukuumadda Somalind - Ma Runbaa Mise Riwaayad Kale?

Hordhac:

Shirkad magaceeda lagu sheegay Sougueta Engineering AG, lana yidhi waa Jarmal, saldhiggeeduna yahay magalada Kôln (Cologne) ayaa lagu soo warramay in xukummadda Somaliland la gashay heshiis balaadhan.


Sidaa waxa lagu faafiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Wassiirka Arrimaha Debedda Cabdillahi Maxamed Ducaale 6-dii sepember (Cologne, Germany) iyo waraysi Madaxweynuhu siiyey saxaafadda Somaliland markuu Hargeisa ku soo noqday.


War murtiyeedka Wassiirka


Sougueta waxay hirgelindoontaa seddex mashruuc: 1) warshad sibid, 2) warshad dhuxul-dhagaxda ka dhalisa dab (electricity) iyo 3) mid soo saarta macdanta loo yaqaan Gypsum. Mashruucan oo la yidhi waa heshiis wadareed (joint-venture) wuxuu ku kici doonaaba la yidhi lacag fara badan: $250 -300 million.


Warbixinta xukuumadda Somaliland waxay sheegaysaa in heshiiskani ka dhashay wada hadal (negotiation) 9 bilood u socday Dawladda Somaliland iyo Shirkaddan. La yidhi waa heshiis wadareed amma iskaashi laba geesood ah, lamase caddayn sida loo qaybsanyo lacagtan faraha badan ee ku baxaysa mashruucan. Waxaan iyana la qeexin waxtarka mashruucani u yeelan doono Somaliland, sida shaqooyinka ay abuuri doonaan mashruucyadani. Waxaan la sheegin meesha warshadahan laga dhisaayo, wax soo saarkooda (production capacity), muddada heshiiska maalgashiga (duration of agreement between Somaliland and Sougueta), noociyadda heshiiska (terms of agreement) iyo laba kun oo wax oo kale.


Wassiirka Arrima Debeddu wuxuu ku sheegay in SOUGUETA ENGINEERING AG bilaabi doonto hawsha sannadkan gudehiisa, kadib, ayuu yidhi, markii si rasmi ah loo ogolaaday maalgelinta saddexdaas mashruuc. War saxaadeedku waxa kale oo uu sheegay in ay Rayaale iyo wefdigiisu intii ay socdaalka ku joogeen dalka Jarmalka la kulmeen Madaxda Ururka Isku-xidhka Ganacsiga Jarmalka iyo Afrika - German African Business Association ee afka Jarmalka lagu yidhaa Afrika-verein. Kaasi waa warkii Rayaale iyo Wassiirkiisa.


Hadaba. Waxaan sir ahayn in Dawladda Somaliland dhawr jeer oo hore la gashay heshiisyo, waxay ugu yeedhay Shirkado waaweyn oo caalami ah, hase yeeshe noqday, markii la hubsaday, af ku xuugsadeyaal aan maal iyo magactoona lahayn. Magne Meier-ka ku xidhan Oslo, Rova Energy oo ay iska leeyihiin nin Sri Lankan ah iyo afadiiisa oo ka soo jeedda Somaliland iyo kuwi la yidhi telefoonada Somaliland-bay isku xidhayaan baa ka mid ahaa. Waxaa iyana jiray kuwii Madaxweynhu, markuu ka soo noqday fasaxiisii dheeraa ee South-Africa, sheegay in ay maal gelin doonaan Somaliland. Ku dar iyana hindidii ka soo dool qaaday Dubai iyo Sri Lanka.



Waxaa caado aad loo yaqaan hadda noqotay in Madaxweyne Rayaale u sheego ummada reer Somaliland, mar kasta oo uu ka soo laabto socdaalladiisa faraha badan ee waddanka debediisa, shirkadaan heshiis la soo gelay, sidii oo loo diray Madaxweynuhu in uu ka soo geddisleeyo waddamada shisheeye. Kalmadda MAAL-GELIN ayaa dhawaan ku biiraysa kalmadahii isir wanaagga u dhashay, laguse nacay isticmaalkii xumaa ee Afweyne kaga tagay.


Anigoo ka duulaaya dhaqanka looga bartay Daahir Rayaale iyo madmadowga badan ee ka muuqda mashruucan u farta eeg filimo aynu hore u galay, ayaan dabagal ku samaynay heshiiskan lagu faafiyey warbaahinta Somaliland iyo ka caalamkaba.


Wax ha laguu sheegee, maankaga kaasho


Somalidu waxay tidhaa run iyo beeni kala raadad leh. Marka horeba waxaa shaki leh magacyada shirkadaha inoo yimaadda amma heshiisyo la gala Dawladda Somaliland, oo bal ammarka Ilaahay had iyo jeer sita magacyo aan hore loo maqal, kana koodhadh xun xun waxa ay sheeganayaan.


Sougueta laxan iyo luuq jarmal midna ma leh. Waxa kaloo shakiga abbuura, intaan baadhisba la samayn, sida fudud (not professional) ee looga hadlo heshiisyada, sida kan baaxadda leh. Seddex boqol (300) oo million oo dollar lacag yar ma aha, meeshay gashana wax buuran bay ka taraysaa, waxaase wayd ah sida looga hadlaayo ee fudud. Meesha lacagtani ka imanaysu lama sheegin, deeq dawlado kale ka timina ma aha, madaxda Somalilandna, hayntu waa halkeedee, laga filimaayo in ay quudho lacag waddanka la geliyo. Iyadoo madmadowgaas oo dhami jiro, oo aan la sheegin goorta iyo meesha laga ansixindoona, ayaa lagu sheegay warbaahinta in Sougueta bilaabi doonto shaqadan sannadkan gudehiisa.


Somaliland, innaga ha inoo jirtee, waddan la aqoonsanyahay ma aha, oo ma heli karto taageerada caalimiga ee loo yaqaan Development Aid ee ay bixiyaan waddamada hodanka ahi. Taageerada Horemarineed (Development Aid) ayaanay, heliddeeda oo adag ka sakow, dhib yarayn sida loo meel mariyaa ee loogu heshiiyo (Donor and Recipient Agreement) meelaha lagu isticmaalo iyo sida loo isticmaalaayo. Waa wax adag in aynu aayar liqno oo aamino dad gaar ah (private investors), oo aan xidid iyo xigaalo midna inoo ahayn, ayaa intay xaf iyo xuf soo yidhaahdaan lacagta xooggaa leh gelinaaya Somaliland. Hadal murtiyeed dhaqamo badani wadaagaan baa hal ku dheggiisu yahay: If something is too good to be true, it is most likely not ture!
Kanna kama duwana. Yaad ku daalin qoraalkan dheer eh, aan wax yar kaaga iftiimiyo natiijada wardoonkayga: Nuxurka warbxinta Madaxweynaha iyo wassiirkiisu waa hadal ma dhalays ah. Hadduu wax kaga duwanyahay kuwii hore, waxaa cusub jilayaasha riwaayaddan ku jira iyo masraxa lagu matalaayo. Warbaahinta Madaxweyne Rayaale waxay gef ku tahay maskaxda iyo garaadka ummdda reer Somaliland iyo kuwa Jarmal ee laga been sheegaayo.


· In waftiga madaxweynuhu la kulmay ururka loo yaqaan German African Business Association (GABA) waa been. Hoos ka akhri caddaynteeda


· Sougueta waa magac madhan uu qof qudhi leeyahay . Hoos ka akhri caddaynteeda
Xog raadin:


1. Somaliland


Wardoonkan waxaan ka bilaabay Somaliand lafteeda. Waxaa warbixinta lagu sheegay in wada hadalo 9 bilood u socdeen Sougueta iyo Dawladda Somaliland. Haddii wadahadalku, sida la sheegay, muddadaa dheer socday, waxaan is idhi Golayaasha iyo xubnaha kale ee Dawladda, cid uunbaa wax ka og. Waxaan la xidhiidhay xubno ka tirsan Golaha Wakiilada oo Hargeysa jooga. Waxaan kaloo xog dadban ka helay xubno ka mid ah Dawladda, oo ku dhaw madaxtooyada. Waxay ilahani caddeeyeen in ay ku war heleen uun warsaxaafadeedka Wassiirku nashiray markii uu joogay Jarmalka. Waxaa jirtay, sida ilahani sheegeen, wafti la yidhi waxay ka socdaan shirkado Jarmal ah, oo waddanka yimi sannadkan horraantiisii, lamase oga waxay Dawladda is yidhaahdeen iyo waxay u socdeen toona. Waxay xubnahani ku soo ururiyeen warbixintooda: haddii uu jiro wadahadal 9 bilood socday, wuxuu dhexmaray Madaxweynaha iyo cid isaga ka wakiil ah oo kali ah. Cid kale oo ka warqabtaa ma jirto.


2. Internet


Waqtigan aynu ku jiro wararka iyo information ka si hawl yar baa loo helaa. Haddaad Sougueta Engineering ka baadho internet-ka waxaad heli doontaa, in Souegueta tahay tuulo amma meel ku taal gobolka Kindia ee Guinea, West Africa. Macluumad badan oo ku saabsan gobolka Sougueta ayaa internet-ka ku jira. Waa meel macdanta laga qodo oo shirkado badan oo reer galbeed ahi ka shaqaystaan.


Warar aan ka helay saxaafadda madaxa banaan ee Guinea ayaa sheegaysa in aan waddanka Guinea haba yaratee waxba ka soo gelin macdantiisa ay gurtaan shirkadaha ajnabiga ahi, ee wax yar oo faro guudkood ah loo tuuro Diktatoorka waddanka haysta oo la yidhaa Lansana Contè. Mas’uuliyiinta Saxaafadda Madaxa Banaan ee Guinea oo kala joogay Canada iyo Conakry waxay ii sheegeen in, shirkad lagu sheego jarmal, hase ahaatee dadka ka shaqeeyaa aanay Jarmal ahayn, ay ka mid tahay shirkadaha jooga Sougueta. Waxay kale oo ay sheegeen in aanay maqal shirkad magaceeda la yidhaa Sougueta oo joogta Guinea iyo meel kale toona.


Waxaad kale oo aad heli web-site la yidhaa: http://www.sougueta.com/
Waa website madhan oo ay ku taalo web-page-kan waa la dhisayaa (This site is underconstruction..Please use the e-mail link to contact us), waxaana ku yaal e-mail cinwaankiis (e-mail address). Dhawr warqadood baan u diray adress-kan, jawaabise iigama iman ilaa hadda.


Web-page-kani kama diiwan gashana Jarmalka, waxaanse helay in la abuuray waqti aan sii fogayn waxaanu ku magacaaban yahay qof gaar ah iyo address-kiisa gaarka ah.
source: US Agency for Control of Internet Domain Names and ICANN (Internet Corporation for Assigned Names and Numbers) and other Control Directories.


3. Diiwaanada Ganacsiga ee Jarmalka (business or company directories) Diiwanada Ganacsiga (Business/Company Directories) Jarmalka oo fara badan ayaan wax macluumaad ah oo badan ka hayn Sougueta. Mid ka mid ah Diiwaanada ayaan waxaan ka helay magacan:


Sougueta Engineering AG Planung und Bau von Industrieanlagen, Handel, Beteiligungen
Haus 56 1. UG, Tel: 02204/84-2765, Fax: 02204/84-2767
E-mail: renotec@mail.tbg.de


Marka debedda laga soo garaacaayo number-ku waa: 0049 2204 84 2765
Number-kan in badan ayaan garaacay/diray (habeen iyo maalinba), lagase jawaabi maayo. Norwegian International Telephone Directory waxay caddeeyeen in telefoonkaa uu leeyahy qof private ahi, wayse ka gaabsadeen in ay magac qofka sheegaan.

Cinwaankan laftiisana (renotec@mail.tbg.de) waraaq baan u diray. Isna jawaabi kama iman. Arag in cinwaankani (renotec@mail.tbg.de) ka duwan yahay ka ku qoran web-site-ka madhan ee kor ku xusan: info@sougueta.de, sidaa daraadeed ma garanaayo in Sougueta–da website-ka lehi la mid tahay tan aan ka helay diwaanada:


German Business/Compnay Directories.
Sougueta Engineering AG, sida ku qoran magaceeda hoostiisa, waa shirkad isugu jirta dhismaha warshadaha, ganacsi guud, maal gelin iyo wax la mid ah: Marka ingriisi lagu turjumo waxay u dhigantaa:


Planung und Bau von Industrieanlagen: Planning and Building of Industrial Plants (Outfits or Complexes)


Handel: Trade


Beteiligungen: Investment (most likely in this context), or Holding Company, Capital Management etc


3. Somalilandiyiin Jarmalka deggen


Dad dhowr ah oo ka soo jeeda Somaliland oo deggen Jarmalka, una warhaya socdaaladii madaxweynaha ayaa waxay ii sheegeen in uu jiro nin Somaliland ka soo jeeda oo madaxtooyada aad ugu dhaw, oo Somalilandna aad u taga. Waxaa warku sheegayaa in ninkani la macaamilo nin Jarmal ah oo ka mid ah koox Jarmal ah oo ku takhasusta khiyaamada iyo dhaca Dawladaha Dunida Sedexaad (3rd. Word) ee maamulxumada iyo musuqmaasuqa ku dhisan. Waa niman (ku jarmalka ahi) ku takhasusa laba arrimood:


· Madaxda adduunka seddexaad (ee u badan Afrika) ee lacagta ka soo xada wadamadooda oo ay kala taliyaan sida iyo meelaha lacagtaa loo invest-gareeyo: investment projects, real or imagined. Waxay ka qaataan dilaal badan siyaabo kalena way u dhacaan.


· Waxay ka iibiyaan madaxda Afrika talo (lobby service) ay yidhaahdaan annaga macaawino (AID) idiinka raadinayna waddamada reer gelbeedka ah ee noo saxeexa awood (Authority) sheegaysa in aanu idinka wakiil nahay. Waxay dabadeed isu dhigaan niman khubaro ah oo u dhexeeya taageero bixiyaha (Donor) iyo ka la siinayo taagerada. Sida la ogyhay, waxay arrintaasi ku dhammaataa, haddii ay wax ka soo baxaan, lacag ay qaybsadaan nimankaa dilaaliinta ahi iyo madaxda waddama loo qoondeeyey taageerada dhaqaale amma amaahda.
Waxa ninka Somalilandese ka ah laga soo xigtay in uu shirkado Jarmal ah geeyey Somaliland. Waxay ahaayeen ba la yidhi ganacsato doonaysay in ay Somaliland la yeeshaan wax isweydaarsi amma wax kala iibsi. Lama yaqaan (isna ma sheegin) waxa ganacsatadu doonaayeen in ay ka iibiyaan Somaliland amma ka iibsadaan, wuxuuse sheegay in ay ahaayeen ganacsatu toosan (serious ) oo ku tala jiray in ay ganacsi xalaal ah la yeeshaan Somaliland.


Sida laga soo xigtay ninka (reer Somaliland), damacii ganacsatadu wuxuu hakaday ka dib markii nin asalkiisu Bosnian ahaa, haddase haysta jinsiyad Jarmal ah, uu xidhiidh xooggan la yeeshay Cabdillahi Maxamed Ducaale oo marka ahaa Wassiirka Warfaafinta. Sida Bosnian-ka iyo Wassiirku isu barteen lama hubo, waxase laga soo weriyey inanka reer Somaliland ee kooxda Jarmalka ah ku xidhan in uu isagu is baray Wassiirka iyo ninkan isirkiisu ahaa Bosnia. Waqtiga barashadani dhacday waa markii Cabdillahi Maxmed Ducaale ku soo noqday Jarmalka, ka dib socdaalkii Rayaale ee hore, sannadakan horaantiisii.


Muwaadin Somaliland u dhashay oo deggan Jarmalka oo isna aad u dabagalay heshiiskan ayaa soo caddeeyey in nin Bosnia u dhashay, uu yahay shakhsiga ka denbeeya mashruuca Sougueta. Muwaadinkan, oo aan magaciisa ku soo gaabindoono Mr M, ayaa la kulmay ninkan (Mr B) reer Bosnia laftiisa oo wax ka weydiiyey heshiiska la sheegayo iyo sougueta waxay tahay.
Mr B wuu qirtay in uu shirkadda Sougueta isagu leeyahay, wuxuse ka gaabsaday (diiday) in uu faah faahin intaa ka badan sheego. Mr M, oo aad u dabagalay arrintan, wuxuu soo ogaaday in Sougueta tahay magac madhan oo Mr B oo kali ihi ka denbeeyo, addresskiisa khaaska ahna ay ku qoran tahay. Waxaa kale Mr M soo iftiimiyey in Mr B, oo kaashanaaya rag/dad uu yidhi Baanan (banks) bay ka madax yihiin, u dhisay Rayaale iyo Cabdillahi Maxamed Ducaale mashruuch nuxurkiisu yahay in uu isagu (Mr B) AID Somaliland uga raadiyo waddama xulafada EU, AID-kaaso lagu maal gelindoono mashaariicda Dawladda Somaliland inoo sheegtay iyo qaar la mid ah. Waxa iyana la isla gaadhay, sida Mr B sheegay, in baanankuna maal gelindoonaan mashruuca Sougueta.


Mr B wuxuu aad ugu xadfanaa waftiga Rayaale, waxaanu u sheegay Mr M in Rayaale ku soo noqonaayo Jarmalka laba bilood ka dib. Waxa Mr M keenu soo ogaaday in uu Mr B, oo aad u yaqaan sida loo khawaysiiyo madaxda Afrika, meelo badan ku cassuumay Cabdillahi Maxamed Ducaale, markii hore ee uu ka soo laabtay Somaliland oo uu dhawr bilood joogay Jarmalka iyo xiligan denbe ee uu la socday Madaxweyne Rayaale.


Waxaa wararku sheegayaan in khilaaf ka dhex aloosmay kooxdii hore ee ganacstada ahayd iyo waftiga Rayaale. Sababtuna, sida laga soo xigtay ashkhaasta reer Somaliland ee ku dhow dhow ganacstadaa, waa iyadoo loo arkay in uu Mr B ganacsatada kale uga dheereeyey Madaxweynaha iyo wassirkiissa Cabdillahi Maxamed Ducaale. Waxa kale oo u sabab ah khilaafka, ayey leeyihiin ilahani, Mr B oo la yaqaan tabaha gurracan ee uu ku xoogsado, oo aanay ganacsatada kale doonayn in lagu arko meel uu gacan ku leeyhay.


Inanka la shaqeeya kooxda jarmalka ah iyo muwaadinkan dabagalka sameeyey (Mr M) waxay isku waafaqsanyihiin in mashruucani yahay xoob caaro lagu denbebasaayo wax kale. Waxay leeyihiin runtu way ka fogtahay sida dadka loo sheegay, shirkadda la sheegayaana waa nin kali ah oo aan cidi wehelin.


4. Gaba – German African Business Association – Afrika-verein
GABA waa xubin ka mid aha ururka la yidhaa European Business Council for Africa and the Meditteranean. Eeg halkan: http://www.bceam.org/members/afrik.asp. Waa urur mayal toosan og professional ah oo boqol sannadood jiray. Ma aha dad been sheega, waxaan sharci ahayna kuma dhaqmaan. Waa urur u adeega shirkadaha Jarmalka ah ee Afrika wax gashada. Ninka u qaabilsan East Africa iyo Meditteranean-ka waxa la yidhaa Werner Meizis waxaana lagala xidhiidhi karaa halkan:


Afrika-VereinExecutive Vice PresidentHans W. Meier-EwertNeuer Jungfernstieg 21, 20354 Hamburg, GermanyTelefon: +49(0)40-419133-0Telefax: +49(0)40-354704e-mail: post@afrikaverein.de


E-mail-ka Werner Meizis-na waa: meizis@afrikaverein.de


Warqadd e-mail ah iyo telefoon baan kula xidhiidhay Afrika-verein. Warqadda waxaan ku hagaajiyey Mr Werner Meizis. Seddex su’aalood baan weydiiyey:


In ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland, hadda iyo doorkii hore midna?
In ay macluumaad ka hayaan shirkad Jarmal ah oo la yidhaa Sougueta Engineering AG?
In ay wax ka ogyihiin heshiis dhexmaray Shirkad Jarmal ah oo la yidhaa Sougueta iyo Dawladda Somaliland.


Muddo dhawr maalmood ahayd ayaan jawaab ka sugaayey Afrika-verein. Markii aan raagsaday jawaabtooda, ayaan telefoon u diray. Ruux dumar ah oo igu tidhi waxaan ka mid ahay xoghaynta (Secretariat) Afrika-verin ayaa ii xaqijisay in ay heleen e-mail-kaygii, loona gudbiyey Mr Werner Meizis. Isla markiina waxay ii gudbisay Mr Meizis oo xafiiskiisa fadhiyay. Si wanaagsan ii salaan waxaanu ka cudur daartay in uu la raagay jawaabta e-mail-kii aan u diray. Waxaanu igu yidhu mashquul baan ahay oo hadda waqti uma hayo aan kaga soo wada jawaabo wixii aad i soo weydiisay oo dhan, waxaanse ku sheegayaa, buu yidhi, Shirkaddaa aad magaceeda halkan ku soo sheegtay hore umaan maqal ee aan baadho ee wagti i sii. Wixii war guud ah waxaa kuu sheegi karta Xoghaynta (Our secretariat) ee an kugu celiyo. Howraarsan baan yidhi, ugana mahad celiyey sida wanaagsan ee uu ii qaabilay.


Waxaan mar labaad ku soo noqday gabadhii ila hadashay markii hore. Seddexdii su’aalood baan weydiiyey. Waxay tidhi waan maqlay hadal haynta Madaxweynaha Somaliland oo doonaayey in uu la kulmo GABA, hase yeeshe ma dhicin, ayey tidhi. Sababta baajisay garan maayo, ayey raacisay. Bal ka warran doorkii hore ee Madaxweynaha Somaliland ku yimi Jarmalka socdaalka, waa sannadkan horraantiissi eh? Ayaan weydiiyey. Markaana maan maqal, bay tidhi, wax sheegaaya in Madaxweynaha Somaliland kulan la yeeshay GABA.


Waxay tidhi shirkadd Jarmal ah oo Sougueta la yidhaa anigu garan maayo, in ay xubin ka tahay GABA-na u malayn maayo. Waxay tidhi heshiis dhexmaray Somaliland iyo shirkad Jarmal ah anigu maan maqal, kollay annaga lanooma soo sheegin, bay tidhi iyadoo si taxadar leh u hubsanysa hadalkeeda.


Ilaa maanta Werner Meizis jawaab qoraal ah kama hayo, waxaanse telefoon ka helay nin sheegtay in uu ka socdo Sougueta oo u muuqday in uu aad uga xunyahay amma ka cadhaysan wardoonkayga . Eeg hoos: Telephone from Germany.


In ninkan lagala soo xidhiidhay GABA oo lagu amray in uu jawaab ka bixiyo su’aalahaygii iyo telefoonku jawaab u ahaa warqadahii aan u diray Sougueta, ma hubo ilaa hadda.
Gabagabada xidhiidhkii aan la yeeshay German African Association (GABA ) waa sidan:


In aan GABA arag Madaxweyne Rayaale markan iyo doorkii horetoona
In aan GABA aqoon shirkad la yidhaa Sougueta Enginneering
In aan GABA maqal/ogayn heshiis dhex maray Somaliland iyo shirkad Jarmal ah


5. Telephone from Germany


Maalintii bisha september 18-ka ahayd, oo aan fasax shaqada ka ahaa, ayaan telephone gurigayga loo soo diray qabtay/qaaday. Cod nin ku hadlaaya Ingriisi oo aksent culus leh (heavy accent. non- native English), ayaa ila hadlay oo i weydiiyey in aan Ahmed Nur ahay. Markaan isu sheegay, ayuu yidhi. Ma waxa tahay qofka warka/information-ka ka doonaaya Sougueta (sounded like “sooketa”). Haa, ayaan ku idhi.


Hadal kulul ayuu ku yidhi: ma doonayno in aanu war bixino. La hadlimayno jaraa’idka iyo warbaahinta kale toona, ee fadlan ixtram arrintan oo ka hadh.
Anigoo argagaxsan ayaan ku idhi: fadlan magacaaga ma ii sheegi kartaa?
Maya, kuu sheegi maayo, war aan kuu sheegayana ma jiro, ayuu ku jawaabay.
Waxaan ku idhi: Miyey shirkadaadu (your company) heshiis la gashay Dawladda Somaliland? Haa, ayuu yidhi, oo heshiis waanu la gallay Somaliland, mase doonayno wax na soo dabagala oo faafiya heshiiskan.


Waxaan idhi: OO Dawladda Somaliland lafteeda ayaa sheegtay oo faafisay heshiiskane, adigu maxaad qarinaysaa. Wuxuu si kulul u yidhi: Mistake bay ahayd in ay warkaa fidiyaan. Meesha (the place) waxaanu gelinaynaa millions of dollars, markaa ma rabno, meesha awgeed (because of the area, he said), in warkani fido, oo uu saxaafadda gaadho dooni mayno. Adiguna haddaad meesha garanayso (if you knew the area in question) waad ixtiraami lahayd oo aad fahmi lahayd ujeedadayada ah in aan waxba la sheegin.


Anigoo ka dhadhansaday hadalkiisa in uu i moodaayo qof aan u dhalan Somaliland, ayaan weydiiyey: Maxaad uga jeedda meesha; meeshaad sheegaysaa waa halkee, maxaase ka si ah meesha?


Wuxuu yidhi: meeshu waa Somaliland sababta aanu wax u qarinaynaana waa xagga nabadgelyada (because of security, he said).


Waxaan idhi: OO hadaad ogtihiin in meesho security xuntahay, maxaa lacagta millions ka ah ee aad sheegtay isaga gelinaysaan:


Dabadeedna wuu qarxay (he exploded): Waar waxaan ku idhi waxba kuu sheegi maynu ee please and please faraha ka qaad arrintan, dabadeedna waabu igu dhigay telefoonkii.
Toban daqiiqo ka dib ayaa telefoon soo dhacay. Waan qabtay. Waa ninki haddana:


Wuxuu yidhi: Waxaan ku sheegayaa in ay jiraan Companiyo Norwegian ah oo Petroolka baadha oo joogaa Somaliland (he used the words “ active in Somaliland) ee kuwaana la xidhiidh oo warkooda raadi.


Waxa igu soo dhacday malaa ninku waa waalanyahay. Anoo soo wada, “ waar kuwaa wax kaama gelini, waxan ku weydiiyey” ayuu telefoonkii igu dhigay. Good bye ayaan meel fog ka sii maqlaayey.


6. Gabagabo:


Guud ahaan mashruucani wuxuu wada leeyahay mugdigii ku shaqlannaan jiray mashaariicda Dawladd Somaliland iyo heshiisyadeeda ay la gasho dadka shisheesye ee had iyo jeer shakiga leh.


Ninkan igala soo hadlay Germany wuxuu lahaa cod (accent) u eeg “SLAV” speaking accent. Russian amma Serbo-Croat. Muu ahayn in u dhashay Jarmal (not native German). Waxaan filayaa, haddaan isu geeyey ninkan hadalkiisii iyo warkii mudane M soo diray, in ninkani yahay Mr B, inankii reer Bosnia ee Madaxdeenna la casheeyey.


Aad iyo aad buu uga walaacsanaa ugana xumaa in arrintani baahdo. In badan buu ku celceliyey “Ixtiraam” (respect) go’aankayaga oo ka hadh arrintan. Markaan ku idhi meesho hadday sidaa u xuntahay maxaad lacagta isaga gelinaysaanna, furkaabo tuuray. Ma garanaayo wuxuu qarinaayo ee uu ka baqanaayo, hase yeeshe war jiraaba, cakaaro iman.


7. Ugu denbayn:


Baadhitaankan muddo bil ah ayaan waday. Dad badan oo reer Somaliland ah, oo arrintan u ehel ah amma u xogogaal ah ayan la hadlay, telefoon iyo qoraalba. Dad ajnabi ah, sida GABA iyo Press of Guinea, ayaan iyana la hadlay. Waxaan u mahad celinayaa asxaabta iga caawisay xagga luqadda sida kuwa iila hadlay Saxaafadda Guinea. Waxa iyana mahad leh dadka reer Somaliland ee Jarmalka jooga, khaasatan Mudane M, oo arrintan meelo badan ka soo iftiimiyey, runteeda bannaanka soo dhigay.


Ugama jeedo baadhitaankan in aan cid gaar ah ku xajiimeeyo. Wixii Somaliland waddan ahaan u khuseeya, wuu wada khuseeya dadka u dhashay Somaliland oo dhan, mid madaxa iyo riciyad ahba. Wixii waddankayga khuseeya in aan runta ka ogaado xaq baan u leeyahay. Waxaan qabaa in aan baadhitaankan ku soo helay xog ka duwan tii Dawladdu ummadda Somaliland u sheegtay. Diyaar baan u ahay doodeeda.


Allaa Mahad Leh
Ahmed H Nur
Oslo, 2nd October 2006



Ilaha xogta (sources) iyo sidaan wax u baadhay (my method of research)

Somaliland
Telefoon ayaan kula hadlay xubno ka mid ah Golaha Wakiilada. Iyana waxaan telefoon kula hadlay muwaadiniin (2 laba qof) Hargeisa jooga oo soo xogwaraystay xubno Dawladda ah, oo qaarkood ku dhowyihiin madaxtooyada.


Guinean Press


Telefoon ayaan (via French speaaking friend) ku hadlay laba nin oo mid joogay Conakry, caasimadda Guinea midna Montreal, Canada


Internet


Baadhitaan (search on names or combination of names, dates and events)
German African Business Association - GABA
Telefoon iyo e-mail baanu ku wada xidhiidhnay Sougueta.


Nin sheeganaaya in uu ka socdo shirkad la yidhaa Sougueta (sooketa) ayaa telefoon la yaableh iiga soo diray Germany, 18-kii september.

Ilo kale (other sources) sida US Agency for Control of Internet Domain Names and ICANN (Internet Corporation for Assigned Names and Numbers) and other Control


E-mail baan kula xidhiidhay


German Business Directories
e-maillo iyo baadhitaan internet-ka (search on the web)


Somaliland people in Germany:


Telefoon iyo e-mail aad u badan

No comments: