Thursday, November 30, 2006

Cabdillaahi Jawaan Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Faysal Cali Waraabe Si Gaar Ah Ugu Eexday Doorashooyinkii

Hargeysa, November 29, 2006 (Somaliland Today)- Mr Cabdilaahi Cabid Xaaji Cumar “Cabdilaahi jawaan” oo ka mid ahaa Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland dhawaana iska casilay xilkii uu ka hayey gudigaasi ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono urur siyaasadeed oo cusub oo ay isaga iyo rag kale furan doonaan, isla markaana uu u dhamaystiran yahay hawsha urur siyaasadeedkaa cusubi.

Mudane Cabdillaahi Jawaan waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay caasimada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arrimo door ah isla mar ahaantaana uu si aad ah ugu weeraray Gudoomiyahay Xisbiga mucaaradk ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxaanu sheegay in aanu xisbigiisu marnaba soo bexeen haddii aanu isagu Cabdillaahi jawaan ahaan ka mid ahayn guddiga doorashooyinka.


Sidaa darteed uu xisbigaasi UCID ku soo baxay naasnuujin faro badnayd oo uu isagu “Jawaan” u sameeyey, waxaanuu sheegay in uu xisbigaasi ahaa mid aad uga tabar iyo tayaba yaraa ururadii kale ee uu la tartamayey balse uu isagu u sameeyey naasnuujin faraban sidaa awgeedna uu ku gaadhay darajooyin faro badan oo aanu heleen hadii aanu uga eexan lahayn ururadii kale, wuxuuna yidhi “Hadii aannan anigu [Cabdillaahi Jawaan] uga eexan axsaabta kale oo aan si gaar ah u naasnuujin lahayn marnaba Faysal iyo Xisbigiisa UCID midna maanu soo bexeen waayo aad buu uga tabaryaraa axsaabta kale daawaha ayaanu ku soconaayey ee anigaa ugu eexday si gaar ah”


Waxaanu intaa raaciyay “labada kale ee xisbiba way ka awood roonaayeen isaga [UCID ama Eng Faysal Cali Waraabe] marka la eego xaga aqoonta, dadnimada iyo xaga dhaqaalahaba” laakiin buu yidhi uu isagu waa UCID eh uu daawaha ku soconaayey awoodna aanu u lahayn in uu la tartamo axsaabtaas kale kuna soo bixin tabartiisa balse uu ku soo baxay eexasho fara badan iyo naasnuujin dheeraad ah oo uu isagu “Jawaan” si gaara u siiyey.


Mudane Cabdillaahi Jawaan waxa kale oo uu sheegay in aanay maanta abaalkiisa ahayn in uu Faysal gudoomiyaha xisbiga UCID TV-ga ka yidhaado waxaa la eegayaa amaba dib loo racayaa rikoodhka Cabdilaahi Jawaan maadaama uu isagu sabab u ahaa soo bixidiisii hore ee uu ku soo biiray Axsaabta qaranka Somaliland, Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Faysal waa abaal laawe ee haddii uu maanta caqli leeyahay ima yidhadeen waxaa dib loo eegayaa rikoodkaaga balse waa abaal laawe garashadiisa ayaana halkaa gaadhsiisay”.


Waxa uu sheegay eexsahad iyo naas nuujintaa uu sida gaarka ah ugu eexday Xisbiga UCID inay ka mid ahayd isaga oo aan laga jarin amaba aan laga reebin codadkii ku laba celint ahaa ee ay dadkii u codeeyey xisbigaasi sameeyeen halka uu sheegay in laga jarayey axsaabta kale wixii ku laba celin ahaa ee lagu qabtay basle uu isagu ka dambeeyey in aan laga jarin xisbiga UCID codadkaasi xaaraanta ahaa ee ku laba celiska ahaa, “Faysal waxa uu ku soo baxay codadkii ku laba celiska ahaa [Double Voting] basle anigaa si gaara uga eexday axsaabta kale oo siiyey wax aanu lahayn haddana waxaa jiray saddex mudane oo ku fadhiya kuraasta golaha wakiilada ee xisbiga UCID oo aan anigu eexasho iyo naasnuujin ku soo saaray balse hada magacyadooda sheegimaayo" Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan oo ka hadlaya naasnuujin uu u sameeyay xisbiga UCID xilliyadii doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka soo dhacay.


Waxaanu sheegay in doorashadii Madaxtooyada ay ka jareen xisbiga kale ee mucaarad ka ah ee KULMIYE codad fara badan oo uu sheegay inay ahaayeen ku laba celis [Double Voting] uu siiyey xisbiga UCID codadkaas oo gaadhayey ay ka jareen xisbiga KULMIYE 217 cod oo uga soo baxay dhinaca gobollada bariga Somaliland gaar ahaana magaalada Burco iyo nawaaxigeeda.isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waagaa xisbiga KULMIYE waxaanu ka jaray 217 cod oo ahaa ku laba celiskaa aan kun as nuujinayey UCID”.


Mr Cabdilaahi Jawaan waxa kale oo uu ka hadlay Somaliland markii ay ka goosanaysay Soomaaliya inteeda kale in shirkii lagu go’aamiyey arrintaasi qodobadii lagu gaadhay ay ka mid ahaayeen in ay Somaliland ahaan wafdi balaadhan u diraan Muqdisho si ay ugala soo xaajoodaan gooni isu taagan ay Somaliland ku dhawaaqday balse buu yidhi taasi may dhicin ee Soomaaliya waxay Somaliland u qaaday cadaawad aan meesha ku haboonayn.


Mudane Jawaan wuxuu sheegay in Somaliland aanay saaxiibo fiican ku lahayn wadamada ay jaarka la tahay taas oo uu sababteeda ku sheegay wasaarada Arrimaha dibada oo uu ku tilmaamay in aanay u shaqayn sidii ku haboonayd ee laga doonayey oo lagu heli lahaa dawlado la saaxiiba Somaliland oo qadiyada Somaliland-na caalamka u bandhigi lahaa.


Ugu dadnbayntii Cabdilaahi Jawaan waxa uu sheegay in uu dhawaan si rasmiya ugu dhawaaqi doono Urur siyaasadeed oo uu doonayo in uu sameeyo kaasi oo uu sheegay inuu wakhtigan u dhamaystiran yahay isla markaana ay ku jiraan rag fara badan oo la yaqaan wax badana dalka ku soo kordhin kara mar aan sidaa u sii fogayna ay ku dhawaaqi doonaan isaga iyo raga kale ee ay ku wada jiraan “Waxaan dhawaan ku dhawaaqi doonaa urur siyaasadeed oo cusub sida dastuurku dhigayo kaasi oo rag fara badan oo la yaqaan aanu ku wada jirno hawshiisuna ay dhamays tiran tahay waxaanan filayaa inuu wax badan ka tari doono dalkan” Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan oo ka hadlaya urur siyaasadeed oo cusub uu dhawaan ku dhawaaqi doono.
Intaa ka dib Mudane Cabdillaahi Jawaan waxay weriyayaashii ka socday warbaahintu weydiisay su’aalo,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:


S-Haddii aad maanta sheegtay in aad doorashadii ay ummadda reer Somalialnd oo dhami iyo Ilaahay kugu aamintay in aad si gaara ugu eexatay Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa ood leedahay anigaa sabab u ahaa soo bixitaankiisii iyo kursigan uu maanta kuba fadhiyo haddana aad maanta leedahay waxaan samaysanayaa xisbi siyaasadeed ama Urur waa maxay waxa ay maantana dadku kugu aaminayaa berina miyaanada khiyaamaynayn?


J- Maalintaa waxaan dalka ka badbaanidayey dhibaato soo socotay iyo marxalad lagu jiray oo khatar ahayd .


S- Markii aad Faysal iyo xisbigiisa uga eexanaysay axsaabta kale ee aad leedahay waxaan siiyey wax aanan siin iyo codad aanu isagu kula soo bixin aqoontiisa iyo awoodiisa midna, waa maxay markaa waxa aad taa badalkeeda dhaafsatay ma laalushbaad ka qaadatay?.


J- Maya waligayba laaluush maan qaadan hadana isma lihi aad qaadatid ee waxaa jirta hooyadu caruurteeda waxa ay ugu jeceshahay kan ugu yar iyo kan ugu weyn markaa axsaabta kale wuu ka tabar daraa markaa sidaa darteed baanu ugaga eexanay axsaabta kale ee uu tartanka kula jiray.


Inta kuma koobna su’aalaha la weydiiyay Md Jawaan


Liibaan Maaweel Shire


Somaliland Today

No comments: