Tuesday, November 14, 2006

DALJIRE (“Wallaahi,Qudhaa Xigi”)

DALJIRE (“Wallaahi,Qudhaa Xigi”)By A. Geeljire A. Geeljire — Ottawa, Canada — 13 November, 2006 DALJIRE (“Wallaahi,Qudhaa Xigi”)

Dubbe: Waar bal salaaddii Duhur baan ka gaadhsiinayaa yarka sharaab iyo biyo inoogu dir.


Doolaal: Waar lacagtii yarayd ee soo hadhayba waatii uu mid meeshii qaadka taagnaa iga qaaday


ee yarka ka soo qaad dheh dukaanka waynu siine.


Dubbe: Subxaan allaah, istaaqfurulaah, istaaqfurullaahh.............


Doolaal: Waar kii yaraa halkuu alaabadii kala dhacay. Waa mid sagsaaga eh. Warwareeg baa lagu saliday.


Dubbe: wuu keeni doonaaye sug. Maxaad u malaynaysaa waxan Ina Rayaale wado? Wallee in laga sheekayn. Wuxuu damcay maradiisa uma sheegin.


Doolaal: Allah! Ma bilawday. Waar tasbiixdaada iska dhammayso.


Dubbe: oo maxaan dhammaystaa iga wallaanan waxaan tukadayba garanayn ninka cadha iga hayse.


Doolaal: adna ma markabkii baad ka hadlaysaa? Waar waakii Madaxweynuhu yidhi “gebigiisaba Carab baa lahayd oo Total baa ii sheegtay” waxbaa laysu wada hoos gelinayaa.


Dubbe: waar muu odhane? Qoodhaa iyo xeradaa ma waxaasu ku hadlay ninkii weynaa ee Madaxweynaha sheeganayay? Markaan suuqa ka maqlay dacaayad baan moodayay. Ma xumaantii iyo xaasidnimadii ayuu aflagaado iyo dacaayad rakhiisana ku daray? Wuxuu ka helaa buu leeyahay ee yuu waxba inaga siin.


Doolaal:Tan kale sawkii Wasiirka Ganacsigu si weyn u faahfaahiyay arrinta ee yidhi Alxarbi Trading baa qaldan oo aan fasax Total ka qaadan. Ma waxbaa weli arrintaa ka taagan miyaanay dhammaan. Waar Soomalidu hadal jecelaa nimanyow.


Dubbe: Wasiirka iyo waxaad sheegaysaa waa maxay? Ma Wasiir run sheega ayaynu beryahan aragnay? Mise waxay ka hadlaan awood baabay u leeyihiin sawdiga og maaha. Waar waxba yuu Ina Rayaale anaga kolba mid miskiina oo masaariifta caruurta ka fakiraya noo sawirine godobta ummaddu halkay taalo waa la ogyay. Walaa wasiir bay la taal walaa reer Awdal bay la taal isagay fadhidaa dhan haysaga qaado. Wallaahi inaannay wiilka wiilkiisa ka hadhayne. Ma ninka isagu fooniyaha kula hadlay askarta ee yidhi ka saara markabka badda ee weliba illaa badweyn ka daba diray. Weli kibir intaa leeg miyaa aragteen? Wiigan oo qudha bal waxa uu is daba dhigay eeg. Markabkii shidaalka, hablo la caayay, askar badda ay ku qubeen maraakiibtii kalluunka guran jirtay. Wallee in laga sheekayn. Miyaanu ogayn waxii dadku ka dagaalamayba inay ahayd dekadda Berber waxba kala soo degi kiartaan iyo haween la afxumeeyey. Ta kale bal ninkan ergadii ka koobnayd dadkii dalkan u waaweynaa diiday eeg. Wallaahi waxaa xusuutay ninkii reer miyiga ahaa ee yidhi “waar mid halkanoo dhakhtar sheeganaya ayaan xaaskaygii u geeyay oo intuu 150 kun oo laand ah iga qaaday ayuunbuu yidhi “debedda nagu sug” intuu albaabkiina soo xidhhay” bal iminka ninkan aynu dalka u dhiibanay ee intuu dalkii oo dhan jeebka ku shubtay albaaka soo xidhay ee leh debedda igu suga day. Wallaahi markab iyo hablo la caayay baad sheegaysaa inuu odhan soo xidh xidha oo badhka geeya. Wuxuu yidhi ninkii jiray “Walaalhi qudhaa xigi”


Doolaal: waxaas idinkuu baa buunbuuniyee sakaaro kama biirsato. Markaakiibta aad leeday kallun bay gurtaanna waatii laba ka mid ahaa la eryay iminka waa saddex keliya oo ruqsad sharciya haysta.


Dubbe:Ahaah ahah kkkk waxa la yidhi “belaayada aan kaa qoslini belaayaba maaha” waar maxaad tidhi, bal ku celi. Maraakiibtu waa saddex qudha baad tidhi. Wallaahi waxaan usuustay nin salaamay nin aan la taaagnaa oo uu ka qaadi waayay salaantii. Markaasuu yidhi “ inaadeer maxaad salaanta iiga qaadi wayday ma xabbaddii xumayd ee aan kugu riday ee aan kula waayay baad weli ka cadhaysantay?” iminka maraakiibta Ina Rayaale waa saddex keliya baad tidhi. “Taasaa la leeyahay ha is raacdo”


Dolaal: waar dee shirkad Hope la yidhaa baa le maraakiibta ee isagu ma leh.


Dubbe: waar anigu inaan dumarka la qabo soo geliyo sheekada ma jecli. Waryaa. Halkaa hayla marin. Bad hay gelin aniga. Laaakiin waxaan mar mar is weydiiyaa, tolow reer Baki sheekadii Faarax Suusle ma maqleen? Waxa kale oo aan xusuustaa oday caaqil ahaa oo yidhi mar haddaa aragtaan arrin aan wado oo sacsacan ama dhammaan wayday xaaskaa igula jirta ee tolow ogaada.


Dolaal:Waar ninyow hadalkuunbaad boobtaaye, hablahaad leeday waa la caayay sawkii Wasiirkii Warfaafintu yidhi waxba kama jiraan ee dhaarta ka maray. Xijaabna laguma eryin buu yidhi ee shaqadoodii bay ka soo bixi waayeen.


Dubbe: qofkan waxbaa u dhiman baan u malaynayaa. Ama waa nacas. Wallaahi inaanu sidan ku saalloonayn. Waar wasiirbaa yidhi iyo keerba iyo kan baa yidhida uunbaad haysaaye ma Ina Xaaji Daahir baad rumaysanaysaa.imisa goor baad aragtay isagoo been ku dhaaranaya. Laakiin beryahan shuqullo kale ayuu ku darsaday oo loo adeegsadaa. Wuxuu Amina Weris ku sameeyay baynu ogeyn. Tanna wuu ku daray. Waxaanse la yaabay dadka is le Ina Rayaale ayaa idinka qabanaya. Weligiiba Wasiir gabadh caayay ma qaban.iyadaa kaga horreysay buu yidhaa. Miyaanad xusuusnayn Raaqiya Omaar.


Ta kale oday adag baa ninkan dhalay, reer Awdal na iskuma soo leexleexdaan. Waar xididadiisu meelo badan bay ku jiraan. Sow ninkii Wakiilkii Midawga Yurub eryay maaha? Waar yuu inaga inna eryin inagoon dawladdaba u shaqayn ee cimaamadaha inaga fogee yuu xijaab moodine hadalkana hoos u dhig.


A. Geeljire

No comments: