Monday, November 20, 2006

Labo Mudane Oo Xubinimadii Ergada Turxaan Saarida Lagaga Xayuubiyay Laaluush Qaadasho

Sheekh, November 19, 2006 (Somaliland Today)- Laba mudane oo ka tirsan ergada Golaha Guurtida u metelayey guddiga xallinta khilaafaadka goleyaasha qaranka, ayaa laga xayuubiyey xubinnimadii ergada, kadib markii ay ku tallaabsadeen laaluush qaadasho.
Sida uu qoray wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii maanta labadan mudane oo magacyadoodu kala yihiin; Cabdisalaan Siciid Maxamed iyo Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi, ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, waxa erigooda lala xidhiidhiyey, kadib markii ay isku dayeen in ay lacag laaluush ah ka qaataan maayarka magaalada Berbera. Lacagtaas oo sida wararku sheegeen ay maayarka kaga dalbadeen in ay tahay mid ay ugu ololaynayaan xukuumadda inta ay ku gudo-jiraan hawsha xallinta khilaafaadka goleyaasha qaranka.
Dalbashada lacageed ee labada xildhibaan ayey ilahaasi tibaaxeen dhacday maalintii ergooyinka saddexda gole qaran ku sii jeedeen degmada Sheekh, halkaas oo guddiga khilaafaadka goleyaashu u doorteen in ay fadhiisin ka dhigtaan muddada ay ku gudo-jiraan hawsha loo igmaday, safarkaas oo ay labada mudane ku baydheen magaalada Berbera.

Hase yeeshee, dalabka lacagtaas oo markii uu ka oggolaaday maayarku, balse aanay u suurtogelin in ay isla maalintaas qaataan, qaadashadeedana loo qabtay maalin dambe. Sidaa daraadeedna, uu Md. Cabdisalaan Maxamed Siciid markii ay tageen Sheekh uu isaga oo wata gaadhi uu leeyahay nin Wasiir ah oo ergada ka mid ah dib ugu laabtay Berbera, si uu u doonto lacagtaas, isaga oo aan u sheegin xildhibaanka kale ee arrintaa ku wehelinayey, Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi (Ina Feker), kadibna markii uu ka war helay safarkiisa uu Md. Feker guddiga u sheegay arrinta uu u baxay xildhibaan Cabdisalaan, isla markaana ay guddigu si ay u xaqiijiso jiritaanka arrintaas ay dhaar marisay Md. Cabdirashiid Feker, markii uu ku dhaartay in arrintu sidaa tahayna ergadii ka tirsanaayeen go’aan ku gaadhay in xubinnimada guddiga laga qaado labada xildhibaanba.

Guddoomiyaha ergada Guurtida, Md. Muxumed Aw Axmed, oo xalay Jamhuuriya la xidhiidhay, si uu wax uga weydiiyo ayaanay suurtogelin in aannu helno. Sida oo kalena, Maayarka Berbera, ayaanaan isagana u helin fursad aannu wax kaga weydiino arrintan.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today

No comments: