Thursday, November 16, 2006

(War deg-deg ah)-Mudaharaad aad u balaadhan oo ka soconaya Berbera Iyo dad ku dhaawacmay

Berbera (Somaliland.Org) War hada naga soo gaadhaya magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland ayaa sheegaya in ilaa saaka subaxii mudaharaad aad u balaadhan ka soconayo magaaladaas. Dadka mudaharaadaya oo aad u tiro badan ayaa waxay yihiin ardaydii iskulada iyo shacabki magaaladda, kuwaas ka gadooday qorshe xukuumadda Rayale damacsan tahay inay warshad kaga warejiso magaaladda qalabkedina scrap ama qashin ahaan u iibsato.

Sidaa wararku sheegayan kadib markii ciidanki Police-ka ee magaaladdu la safteen shacabka mudaharaadaya ayaa xukuumadda Md Rayale ku dalbatay ciidamada militariga si ay shacabka u kala eryaan. Halkaasna waxa ku dhaawacmay dad tiro ah. Mudaharaadyasha ayaa wadooyinka ku gubay shaagag iyaga oo xafiisyada dawladdana weerarayay.


Xigasho: Somaliland.org

No comments: