Wednesday, December 27, 2006

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Xabashida Oo Gaalkacayo Ku toogtey 50 Maxaabiis Ah.

Maxaabiistii dagaalkii shalay ka dhacay Bandiiradley lagu qabtay ee la geeyey magaalada gaalkacayo ayaa habeenkii xalay ahaa ay siwada jir ah ciidamada Puntland iyo xulafadooda amxaarada ahi halkaas ku toogteen.

Warar xog ogaal ah oo aanu ka helay ilo lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxaya in maxaabiis tiradooda lagu qiyaasay ku-dhawaad kontomeeyo oo lagu soo qabtay dagaalkii ka soconayaey shaley tuulada Bandiiradley iyo agagaarkeeda oo sida dad goob joogayaal ah ay soo weriyeen la geeyey magaalada gaalkacayo ayaa habeenkii xalay ahaa ay si wada jir ah ciidamada Puntland iyo xulafadooda amxaarada ahi halkaas ku toogteen.

Dhacdadan oo dadka rayidka ah ee Gaalkacayo ku ridey argagax ayaan ilaa hadda maamulka majeerteeniya ka soo saarin wax hadal ah, waa markii u horaysey ee dhacdo sidan u fool xumi ka dhacdo aagaga kala duwan ee ay ka soconayaan dagaalada Soomaaliya.

Source: Somalilandpatriots.com

No comments: