

Maamulka wargeyska Jamhuuriya, isaga oo aad uga xun waxa uu raalligelin buuxda ka bixinayaa war ku soo baxay cadadkiisii 3119, Khamiis, 21 December 2006, kaas oo cinwaankiisu ahaa ‘Maxamed Kaahin oo ku dhaartay in aan waxba ka horjoogsanayn in uu Rayaale dhengad kaga soo saaro Madaxtooyada.” Warkaas oo aan sax ahayn si khalad ahna ugu soo baxay wargeyska.
Jamhuuriya oo aan akhristeyaashiisu uga baran warar khaldan iyo been-abuur toona, waxa uu mar labaad raalligelin buuxda ka siinayaa Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo dhammaan akhristeyaashiisa sharafta leh.
No comments:
Post a Comment