Friday, December 29, 2006

SOOMAALIDU MAXAY U JABTAA?

(Waridaad) Intaanan nuxurka maqaalka u gelin Soomaaliyey Ciid Mubarak dhammaantiin, kuwa Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somalida Galbeed, NFD dega iyo inta qurbo jooga ah. Waxa ii raaca tacsi aan u diraayo inta ku geeriyootay dagaalada ka dhacay Somaaliya. Waxaan dhammaan inoo rajaynayaa inaynu nabad ku ciidno, in dhibaatada Illaahay inaga dul qaado, iyo in sannadka bilaabmaya noqdo mid aynu dhammaan aynu ku reyno, .

Arrinta manta Xamar ka taagani ma aha Xabashida ee waa labada dhinac ee is khilaafsan.. Heeshiiskooda ayaa dhalin kara in Xabashidu meesha ka baxdo, khilaafkooduna waxuu keenayaa raagidooda oo xumaan mahee aan wanaag laga dhexlayn. Golaha Maxaakiimtu wanaag ayey Xamar keeneen, kagana baxeen. Waana mid habboon in lagu hambalyeeyo. Waxayse talo xumoobeen, markay qiimeyn kari waayeen dhibta Xabashi keeni karto. Dhinaca kalena lama iman masuuliyad iyo xilkasnimo. Maantana waxa la gudboon tanaasul, is-qadarin, iyo wado shaqayn ay dhammaan ku badbaadaan.

Haddaba anigoo u arka qaladka ay Soomaalidu gashaa inuu yahay mid ku arooraaya dhaqankeeda iyo dabcigeeda, bal aan qodobeeyo intaan ka xusuusto...

1- Qabiilka ayaa mabda’a, qaranka iyo diintaba ka xoog badan. Waxa taas u daliila in dhacdadan sida kediska ah uga dhacday Xamar ay ku aroorayso mid dhaqan qabiil ah. Haddii laba Ilmaadeer ihi madaxnimo isku qabtaan, waxa reerku raacaa kan xoogga badan, iyagoo ku salaynaaya in haddayna sidaas yeelin cidda dhammanaysaa labada dhinacba tahay walaalo, kan xoog weynina reerka u hadhaayo mar walba. Xusuuso arrintii Cabdillaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac. Waxa tolkii Jaamac ku yidhi,Cabdilaahi kaa xoog badan ee tolka haysku dilin.Maantana Maxkamadaha sidoo kale ayaa loo riixay. Diin iyo Xabashi marana talada laguma darin. Waxa lagu eegay aragti qabiil.

1- Ninka Soomaaliyeed, waxuu qabaa in fikradiisu keliye sax tahay, arrintana iyadoo keliya lagu dhaqi karo.Iska daa fikrad kale oo uu qiimeeyo, ee ma maqli karo cod aan kiisa ahayn. Taasi waxay ka joojisay inuu helo fikrad taasi ka wacan, oo uu ka heli lahaa hadduu dhegaha u furo fikradaha ka soo horjeeda.
2- Taasi waxay keenatay inuu isla weynaado. Dadka isagaa u wacan, qabiilna kiisa. Cidda uu la socdaa qalad ma leh, cidda ka soo horjeedaana wanaag ma leh.

3- Waxuu buunbuuniyaa awoodiisa iyo marba cidda uu la socdo.Taasi waxay ka dhigtaa nin aan si wacan ugu hub qaadan cadowgiisa. Qofkii si saxa ugu sheegta awoodda cadaowga, waxuu qabaa inuu cadowga la safan yahay.

4- Garta xaq lama qaado. Waxa la doonaa xal dhexe. Haddii lagugu soo duulo ood cid dishu, adigaa mag lagaa rabaa. Waxay maahmaah tahay : HAADAY GEERI TIMAADO, GARDARRO HADHAY.

5- Haddii la damco in la heshiiyo, lama jecla in arrinta runta laga sheego. Waa la guud maraa kolkaasaa lagu degdegaa isa-saamax iyo duco, iyadoon si cad loo sheegin waxa leyska saamaxaayo. Waa arrin aan la daaweyna, kolka eridda laga soo baxaba heshiiski wuu jabaa.

6- Waxa uu buunbuuniyaa dhibaatada kaga iman karta haddii talo aan tiisa ahayn la qaato.Matal, haddaan reerkeygu madaxda noqon, reer hebel wey ina gumaadi. Isagoo og in haddii reer waliba sidaas u fakiro, inaan leysu imanayn, ayuu rabaa inuu isagu sidan yeelo, waayo reerkoodu waa reer wacan oon qabyaaladda ku shaqayn cadaaladna lagu yaqaan!

WAA INOO MAQAAL KALE IYO MUSUQMAASUQA IYO DHAQANKEENA.
Ahmed Arwo ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: