Monday, December 18, 2006

Waraaq Furan oo Ku Socota Dowladaha iyo Maamul Goboleedyada Geeska Africa

Waraaq Furan oo Ku Socota Dowladaha iyo Maamul Goboleedyada Geeska Africa

Ku: Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Dowlada Federaalka KMG ee Soomalia
Ku: Dowlada Federaalka ee Ethiopia
Ku: Maamul Goboleedka Kilinka Shannaad ee Ethiopia
Ku: Maamul Goboleedka Puntland
Og: Dhamaan Xoolo Dhaqatada Geeska Africa
Og: Jamhuuriyada Djibouti

Ujeedo: Ha Loo Aqoonsado Dalka iyo Maamulka Dikteertooriyada ahi ee Djibouti Cadowga Dowladaha, Maamul Goboleedyada, Mujtamacyada, iyo Xolo Dhaqatada Geeska Africa.

Sida aydun ula socotaan dalkan yar ee saboolka ahi ee mujtamaca ku nooli aanu ka badney 500,000 oo ruux ee ku saleysan xeebtan yar ee waa hore Soomali laga xaday ee marna loo yiqiin French Somaliland marna loo bixiyey Afar and Issa Territory si looga reebo kelmada “Somali” ee ku jirtay magaceedi hore ee “French Somaliland” maantana loo yaqaan Republic of Djibouti ee halganka dheer ee qadhaadh ee aanu u hurnay maskax, wakhti, naf, iyo maalba ee aanu sidaas aakhirkii kaga xoreynay mustacmarkii haystay ee xiligii dabayshii waagaa jiirtay ee Soomaliweyn inagu wacad furtay, noogumay hambeyn sidii aanu ugu lisnay.

Dhinaca kale, walaaltinimadaas iyo wanaagaas intaas le’eg ee hiilka iyo hoogaba lehi ee aanu dalka iyo mujtamaca Djibouti aanu sida hagar la’aanta ahi isula garab taagney xili ay tamar yaraayeen oo ay inoo baahnaayeen sidaasna aanu cadowga kaga dhiciney xornimo, sharaf, iyo gobonimo buuxdana ku gaadhsiinay welina kula garab taaganahay inay geeskayaga ku daaqayaan, waxay inoogu abaal gudeen inay tan iyo burburkii Somalia iyo gooni isu-taagii Somaliland ay xasadnimo, axmaqnimo, iyo daalinnimo awgeed ay ka shaqeyaan burburka iyo waxyeelooyinka dowladaha, maamulada, iyo mujtamacyadaas walaalahooda ahi ee deriska ahi.

Siyaasada Guracan ee Djibouti:

Tan iyo 1991 ilaa iyo manta, Dalka iyo Maamulka Dikteetooriyada ahi ee Djibouti, waxay si axmaqnimo ah ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay sidii ay siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo bulsho ahaan ay uga faa’ideysan lahayd burburka iyo kooxaha ka jira Somalia, aqoosi la’aanta Somaliland, colaada u dhexeysa Somaliland iyo Somalia, muranka dhuleed ee u dhexeeya Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland, colaada u dhexeysa Dowlada Federaalka KMG ee Somalia iyo Maxaakiimta Muqdisho, iyo colaada u dhexeysa Jabhadda ONLF, Ethiopia, iyo Eritrea; qabyaaleynta beelaha iyo curdan dhadhinta Maamul Goboleedka jilicsan ee Kilinka Shannaad, iyo guud ahaan minjo xaabinta xoolo dhaqatada tabaaleysan ee ku nool geyiga Geeska Africa ee uu dalka Sacuudigu iyo dalalka kale ee Carbeed ay ku soo rogeen xayiraada iib geynta xoolahooda nool iyo cunaqabateynta dhaqaale ee dadban ee xaaraanta ahi ee siyaasadeysan tan iyo sannadkii 1998 iyadoo xubinnimadeeda Ururada IGAD iyo Jaamicada Carbeed ku qaraabaneysa:

  • Waxa uu dalkaasi ku hayaa Somaliland qabyaalad sumeysan, xasad baaxad weyn, iyo colaad siyaasadeed, dhaqaaleed, bulsheed oo qaawan iyagoo si toos ah oo geed uga soo gabasho lahayn ay isku dayaan inay minjo xaabiyaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland taasoo aan sinnaba ugu suuroobayn.

  • Waxa uu Shirkii Carta ee dalka Djibouti uu ku abuuray beel aan hore loo aqoon ama aan hore uga jirin dhamaan beelaha Somaaliyeed ee geyiga Bariga Africa iyo Geeska Africa ku nool taasoo lagu sheegay in la yidhaahdo DIR WAQOOYI taasoo loogu talo galay in xaqa Beelweynta Isaaq, Samaroon, iyo Ciise lagu dudsiiyo looguna minjo xaabiyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland habkaasoo iyana laga isticmaalay Shirkii Mbagathi ee dalka Kenya taasoo hada faashil ah.
    Waxa uu dalkaasi ku hayaa colaad qabyaaladeed iyo minjo xaabin joogto ah maamulada ay ka taliyaan madaxda Darood sida Dowlada Federaalka KMG ee Somalia, Maamul Goboleedka Puntland, iyo Maamul Goboleedka Kilinka Shannaad ee Ethiopia taasoo u baahan in si deg deg ah looga hortago.

  • Waxa uu dalkaasi si cadaan ah ula saftay una xagleeyaa kooxdii Dagaal Ooge Cali Mahdi ee xukun boobka ahayd kuna hungoowday, Kooxdii Carta ee Dagaal Ooge Cabdiqaasim Salaad Boy ee ay ugu talo galeen inay ku minjo xaabiyaan qadyada iyo muruqa beelaha Somaliland gaar ahaan beelweynta Isaaq iyo mida Darood taasoo fashilantay, Kooxahii Dagaal Oogeyaashii dhowaan laga saaray magaalada Muqdisho kuwaasoo laga adkaaday, iyo Kooxdan hada ka jirta Muqdisho ee isku magacowday Maxaakiimta Islaamka taasoo ka soo unkantay argagixisadii Al-Itixaad Islaamia taasoo cadeynaysa inay siyaasada Soomaaliyeed aaney dhex dhexaad ka ahayn una baahan in la fashiliyo.

  • Waxa uu dalkaasi u xagliyaa qarannimo, midnimo, Somaliweyn huu haa ah isagoo dhinaca kale ku hawlan inuu laba dible inoogu qabto nacabkeena sokeeye iyo cadowgeena shisheeye isagoo weliba danahiisa gaar ahaaneed iyo shirqooladiisa mugdiga ahi sidaas ku dhex qarsanaya moodayana inaan cidiba u jeedin xariifnimona isbidaya.

  • Hab Dhaqaaleedka boobka ahi ee Djibouti:

  • Tan iyo 1991 ilaa iyo manta, Dalka iyo Maamulka Dikteetooriyada ahi ee Djibouti, waxa uu dhaqaale ahaan ka faa’ideystay burburkii Somalia iyo aqoonsi la’aanta Jamhuuriyada Somaliland:

  • Waxa dalkaasi iyo madaxdoodu ay maanta ku faanayaan tujaar ku-sheeg xaaraan ku naax ah sida Boore iyo qaar kale oo badan kuwaasoo shirkado qarsoon ku leh gudaha Somaliland iyo Somalia gaar ahaan magaalada Hargeisa iyo Muqdisho oo uu si dadban la leeyahay Dikteetoorka Djibouti ka taliya kuwaasoo u wada guntaday boobka dhaqaaleed ee Somaliland, Somalia, iyo Kilinka Shannaad ee Ethiopia una baahan in si deg deg ah dalalkeena looga buriyo.

  • Waxa uu dalkaasi iyo madaxdoodu ay in mudo ahba ku hawlanaayeen sameynta goob ay ku biliiliqeystaan xoolaha nool ee Somaliland, Puntland, iyo Kilinka Shannaad taasoo ay geed dheer iyo geed gaabanba ay u fuuleen sidii ay ugu heli lahaayeen mucaawimo iyo amaah shisheeye goobtaas ay hada ka salaxdeen dhinaca Dekeda Djibouti taasoo u suuro gashay haatana la bilaabay hirgelinteeda iyagoo ka faa’ideysan raba xayiraada saran iib geynta xoolaheena nool iyo cunaqabateynta siyaasadeysan ee uu Sucuudigu iyo dalalka kale ee Carbeed ay sida xaqdarada ahi inoogu soo rogeen. Taasi oo la mid ah: Quud aan jirin qoryo u guro! Waa in arrintan foosha xun ee khatarteeda lehi si deg deg ah loo fashiliyaa.

  • Waxa wiigan gudahiisa u suura gashay dalkaas iyo madaxdoodaas budhcada ahi in gannacsade Sucuudi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland hore u siisay liisanka iibsiga iyo dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland kaasoo kunturaada lakala saxiixday uu ahaa inuu Dekeda Berbera ka dhoofin doono xoolahaas nool si toos ahna ugu dejin doono Dekeda Jedah ama dekedaha kale ee dalka Sacuudiga kaasoo ka dib markii uu jebiyey heshiishkii oo uu xoolahii noolaa ee uu labadii rar ee uu ka qaaday Dekeda Berbera uu u weeciyey Dekeda Djibouti si deg deg ah looga qaaday liisankii dhoofinta xoolaha nool ee la siiyay taasoo ahayd talaabo munaasab ah oo arrintiisa la xidhiidha.

  • Waxa la qorsheeyey in xoolaha Geeska Africa oo dhan laga dhoofiyo Dekeda Djibouti sidaasna lagu xidho Dekeda Berbera iyo Dekeda Bosaso ee ay inooga dhoofi jireen xooluhu cashuuraadkana ay inooga soo hoyan jireen!!

  • Waxa lagu heshiiyey in la biliiliqeysto xoolaheena nool sidaasna lagu wiiqo laf dhabarka dhaqaalaha Somaliland, Puntland, iyo Kilinka Shannaad taasoo u baahan in talaabo deg deg ah oo wada jir ah lagu qaado dalkan yar ee abaal laawaha ahi ee tan iyo 1991 hagardaamooyinka joogtada ahi inagu haya kaasoo doonaya inuu si fudud uu keligiis afka u dhigto xoolaheena waxyeelooyin dhaqaale ahna uu inoo geysto isagoo sidaas hoos ahaan kula heshiiyey wadamo Carbeed iyo Ururka Jaamicada Carbeed ee danaha gaarka ka leh arrimaha Soomaaliyeed.

  • Waxa uu dalkaasi iyo madaxdoodu ay doonayaan in xoola dhaqatada Somaliland, Puntland, iyo Kilinka Shannaad ee u badan beelaha ISAAQ iyo DAROOD ee ay dhinacna ka qabyaaladeynayaan dhinaca kalena ay colaada gamuurtay kaga hayaan kana shaqeenayaan inay minjo xaabinta qadyadahooda ay dhinaca kalena xoolahooda nool sidaas ku biliiqeystaan kagana faa’ideystaan iyagoo aad ugu hawlan inay dhaqaalahooda gacanta ku dhigaan si mustaqbalka loogu sanduleeyo siyaasadaha guracan ee cadaaweed ee uu dalkan yari iyo xulufadiisa Carbeed ay inala rabaan.

Xulufeysiga Guracan ee Djibouti:

Tan iyo 1991 ilaa iyo maanta, waxa uu Dalka iyo Maamulka Dikteetooriyada ahi ee Djibouti uu si toos ah oo geed uga soo gabasho lahayn ay u colaadiyaan Beelaha Somaliland gaar ahaan Isaaq, Samaroon, iyo Harti, iyo beelaha Isaaq iyo Daarood ee Kilinka Shannaad ee Ethiopia iyagoo dhinaca kale si hagar la’aan ah u xuluufeysta una taageera beelaha Muqdisho gaar ahaan beelaha Hawiye:

  • Waxa uu hab qabyaaladeed oo sumeysan kula dhex jiraa Gobolka Awdal ee Somaliland isagoo isku hawliya inuu colaad ka dhex abuuro beelaha walaalaha ah ee wada dega sida Samaroon iyo Ciise taasoo aan u suuroobi doonin.

  • Waxa uu ku adeegsadaa beelaha Isaaq ee ku nool dalka Djibouti si arrimahiisa mugdiga ahi ay ugu hirgalaan taasoo ka kooban qabyaalad, musuqmaasuq, kotorobaan, iyo fitnada goboleysiga ku saleysan ee uu ku doonayo inuu ku faquuqo nabadgelyada, horumarka, iyo wada noolaashaha shacbiga ku nool Bariga iyo Galbeedka Somaliland.

  • Waxa uu hab qabyaaladeed oo sumeysan iyo hurin colaadeed oo dadban iyo mid cadba uu kula dhex jiraa Jamhuuriyada Somaliland, Maamul Goboleedka Puntland, iyo Dowlada Federaalka KMG ee Somalia taasoo u baahan in talaabo deg deg ah oo wada jir ah laga qaado dalkan yar ee kibray.

Hadaba, mrkii aan eegay hab dhaqanka xun, qabyaalada sumeysan, xaasidnimada, munaafaqnimada, siyaasada guracan, colaada baaxada weyn, shirqoolada joogtada ahi, iyo guud ahaan ficilada foosha xun ee cadowtinimada lehi ee uu dalka iyo maamulka dikteetooriyada ahi ee Djibouti uu kula dhex jiro wadamada, xukumadaha, iyo mujtamacyada dalalka la deriska ah ee geyigan Geeska Africa tan iyo 1991 ilaa iyo maanta;

Markii aan dersay ujeedooyinka ka dambeeya ficilada iyo talaabooyinka foosha xun ee uu dalka iyo maamulka dikteetooriyada ahi ee Djibouti uu kula kaco dowladaha, maamulada, iyo mujtamacyada dalalka la deriska ahi iyo guud ahaan qaska ay kula dhex jirto Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Jaamicada Carabta ee guud ahaan ka dhan ah arrimaha Soomaaliyeed;

Markii aan falanqeeyey waxyeelooyinka uu dalka iyo maamulka dikteetooriyada ahi ee Djibouti uu u geystay dowladaha, maamulada, iyo mujtamacyada dalalka la deriska ahi siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo bulsho ahaan kuwaasoo aan iyada ku hayn, haba yaraate, wax handadaad iyo dhibaato toona deris wanaag iyo walaaltinimona kula nool geyigan Geeska Africa;

Markii ay ii cadaatay in dalka iyo maamulka dikteetooriyada ahi ee Djibouti faragelin qaawan ku hayo arrimaha Soomaaliyeed si toos ahna uu u taageero Kooxaha Muqdisho ama Kooxaha Beelaha Hawiye isagoo dhinaca kale ku haya cadaawad joogto ah Jamhuuriyada Somaliland, Dowlada Federaalka KMG ee Somalia, Dowlada Federaalka ee Ethiopia, Maamul Goboleedka Puntland, iyo Maamul Goboleedka Kilinka Shannaad ee Ethiopia; waxa aan halkan idiinka soo jeedinaya in la qaado talaabooyinkan:

  1. In loo aqoonsado Dalka iyo Maamulka Dikteetooriyada ahi ee Djibouti Cadowga Dowladaha, Maamul Goboleedyada, iyo Xoolo Dhaqatada Geeska Africa.

  2. In Dalka iyo Maamulka Dikteetooriyada ahi ee Djibouti ee tamarta yar ee kibray si wada jir ah looga hortago loona soo afjaro siyaasadeeda guracan, hagardaamadeda, iyo faragelinteda joogtada ahi ee ay ku hayso Dowladaha, Maamulada, Mujtamacyada, iyo Xoolo Dhaqatada dalalka la deriska ah.

  3. In Dowlada France si wada jir ah loola xaajoodo laguna cadaadiyo inay Djibouti ku amarto inay arrimaha Somaliland iyo Somalia ee aaney dhex dhexaad ka ahayn ay faraha kala baxdo intaaney ku guban kana waantowdo cadaawada macno darada ee ay ku hayso dalalka iyo dadyowga la deriska ah ee iyagu sida nabada ah kula nool mandaqadan Geeska Africa.

  4. In xoola dhaqatada Somaliland, Puntland, iyo Kilinka Shannaad ee u badan beelaha Isaaq iyo Darood aaney xoolahooda nool ka dhoofin Dekeda Djibouti oo sidii u caadada ahayd ay ka dhoofsadaan xoolahooda Dekeda Berbera iyo Dekeda Bosaso.

  5. In Siyaasiinta, Aqoonyahaniinta, Madax Dhaqaameedyada, Odeyaasha, iyo Culima u Diinka Somaliland, Puntland, iyo Kilinka Shannaad ay arrintan khatarteeda lehi ay muhiimad gaar ah siiyaan si deg deg ahna ugu dhaqaaqaan sidii looga hortegi lahaa arina meel la isla dhigi lahaa.

  6. In Dowlada Federalka ee Ethiopia ay xooga saarto sidii ay u joojin lahayd xoolaha nool ee Kilinka Shannaad ee u talaabaya dalka Djibouti.
    In WHO iyo FAO lagu cadaadiyo inay Somaliland iyo Puntland soo dejiyaan khubaro iyo dhakhaatiirta xoolaha si ay u sugaan ama u xaqiijiyaan caafimaadka guud ee xoolaha Soomaaliyeed ee la dhoofiyo.

  7. In UN, EU, AU, iyo AL cadaadis la saaro sidii xoolaha nool ee ah quutal daruuriga iyo isha keliya ee dhaqaalaha xoola dhaqatada ku nool Bariga Africa iyo Geeska Africa ee xoolahoodu aanu qabin cudurkan la sheegayo ee Rift Valley Fever (RVF) ee aan hore loo aqoon ee been abuurka ahi ee uu Sacuudigu sabab ka dhiganayo xayiraadan xaaraanta ahi iyo cunaqabateyntan dadban taasoo ay la qaateen wadamada kale ee Carbeed in xayiraadan siyaasadeysan ee ay ku soo rogeen iib geynta xoolahooda looga qaadi lahaa.

  8. In guud ahaan xoolaha nool ee Soomaaliyeed loo raadiyo suuq cusub gaar ahaan suuqa Israel, Malaysia, Indonesia, China, iwm.

  9. In Dekedaha Berbera iyo Bosaso cashuuraha la dhimo akhirkiina laga dhigo dekedo FREE PORT ah.

Farah Ali Jama

Ottawa, Canada.

No comments: