Wednesday, December 27, 2006

Xaawo Xuseen Xandule oo Xabsiga laga sii daayey

Ururka u dooda xuquuqda Aadamaha ee Gaarisa Human Rights ayaa maanta xabsiga magaalada Bosaaso ka sii daayay muwaadinad Xaawa Xusen oo ku xidhnayd xabsiga magaalada Bosaaso.

Ururka u dooda xuquuqda Aadamaha ee Gaarisa Human Rights ayaa maanta xabsiga magaalada Bosaaso ka sii daayay muwaadinad Xaawa Xusen oo ku xidhnayd xabsiga magaalada Bosaaso ka dib markii lagu eedeyay in ay shirqool u waday dawlad goboleedka Puntland.

Xaawa Xusen oo hore warkeeda loogu faafiyay saxaafada ayaa waxa si weyn uga hadlay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada, Axsaabta mucaaridka ah kuwaasi oo ku tilmaamay xadhigaasi in uu yahay mid sharci daro ah oo loogu aargudaayo gabadh laba sano ka hor lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Xaawa Xuseen waxa ay ku soo waajahan tahay magaalada Berbera oo ay markii hore deganayd ka hor intii aanay booqashada ugu tagin walaasheed oo halkaasi degenayd.hasa yeeshee rag waaweyn oo ka tirsan maamulka Magaalada Bosaaso ayaa xabsiga u taxaabay ka dib markii ay soo ogaadeen qabiilkeeda iyo meesha ay ka timi. Waxana ay ku eedeeyeen fal aanay waxba ka ogayn waxana loo gaystay intii ay xabsiga ku jirtay jidh dil aad u xun kaasi oo sida la sheegay qaar ka mid ahiba haatan ka muuqdaan jidhkeeda.

Waxase dadka ku nool magaalada Hargeysa ay aad uga cadhoodeen ka dib markii ururada sheegta in ay u doodaan xuquuqal Insaanku afka ka xidheen muwaadinadaasi.

JAMAAL IBRAHIM MAXED
HARGEYSA, SOMALILAND

No comments: