Thursday, September 07, 2006

Kacdoonka Maxkamadaha Iyo Hiyi kaca Federaal Doonka

Sidaan la wada socono bilihii ina dhaafay, kacdoon aad u xoogan oo xawli dheeraada ku socda ayaa badalay, siyaasaddii iyo habnololeedkii magaalda Muqdisho iyo agagaarkeegga. Fajaca iyo layaabka ka dhashay isbadalkani muu saamayn oo qudha geeska Afrika iyo dadka ku nool ee waxa ay shanqadhiiso gaadhay caalamka oo dhan dacaladdiisa ilaa iyo guriga cad. Sida caadada ah haddii wax aanad filanayn kugu dhaco mudo ayaad ku dhaygagtaa fajaca iyo layaabka arinkaa ka dhasha, maskaxduna jawaab ay ka bixiso daayoo, aanayba hoos u galin rumaynta arinku. Mudo kadibna waxa bilowda dareenka maskaxda ee qiyaasaya saameyna arinku uu kugu yeelan karo iyo waxaad ka yeelaysid. Sidaas oo kale waxa fajaca iyo dhaygaga arintan ka dhashay mudo la aamusnaa, lana yaabanaa shacabka reer Soomaliland oo aan dhawaaq cad ka bixin arintan. Inkastoy madax iyo siyaasiyiin kala duwani ka hadashay, hadana ma jirin mawqif la taaban karo oo nuxurka hadalkooga laga soo dhex saaray oo dhaafsiisan "haday iyagu wax noqonayaan Ilaah ha garabgalo anagana markaas ayaan la hadli". Aamusnaantan iyo feejignaantan uu ku jirtay shacabka reer Somaliland waxa ka dhextoosay kooxo qurba joog u badan oo ka dhex helay rajo ay ku soo saari karaan arimo calooshooda ku jiray.

Tan iyo bilowgii 1991 markii ay dhacaday dawladdii kalidii taliye Siyaad Barre, ma ay jirin gobalada koonfureed higsi siyaasadeed oo la taaban karo oo meel u socda oo leh iyo qadiyad ka baxsan isjiidjiidadka qabiilooyinka iyo dilka iyo dhaca dagaal oogayaasha, arintani waxay niyad jab wayn ku noqotay kooxahii federaalka ee bilowgii sagaashameeyadii darjiidhay qadiyada Somaliland. Kuwaas oo markii danbe meel ay qabsadaan markay waayeen intoodii badnayd ay iska soo guryo noqotay. Kooxaa soo guryo noqday qaarkood iyo kuwo markii hore iyaga ku yoolbaadhayay ee la fikir ahaa ayaan ka hadhin qadiyadoodii balse waxay la'ayeen rajo uga soo bidhaanta koonfur iyo tiir ay doodooda ku saleeyaan, taas oo ku kaliftay inay iska aamusaan oo ay ka gaabsadaan inay fikirkooga ku soo bandhigaan golayaasha. Aamuskaa waxa soo gabagabeeyay rajo ay kooxahaasi imika ka dhex arkeen kacdoonka maxkamadaha.

Kooxahan Federaalku iyagoo kaashanay, mucaarid xagjir ah oo dhaliilsan wax qabadka dawlada maanta joogta, samir iyo kalsoonina aan ku qabin doorashada sanad iyo badh inaga xigto iyo wadaado ay isku xer ahaayeen kuwa Muqdisho jooga ayaa waxa la bilaabay dood baahsan oo shaki lagu galinayo saxsanida go'aankii lagu dhisay Somaliland iyo xaalada ay maanta Somaliland ku sugantahay iyo saadasha mustaqbalkeeda.

Dood uu Ku Ladhanyahay Ajande Qarsoon.

Dooda caafimaadka qabta ee dhexmarta indheergarad aan ujeedo gaar ah kalahay, waxay wada taabataa dhinacyo kala duwan iyadoo la isku dayo in arinka gees kasta laga eego. Balse dooda ujeedo qarsoon lehi wado loo sii jeexay ayay martaa. Sidaas oo kale dooda kooxdani marka hore waxay ku bilaabmaysaa mucaaridnimo caadiya iyadoo su'aalahu ay ku socdaan waxqabad xumida iyo higsad li'ida dawlada maanta joogta. Balse markiiba doodu waxay u xuub siibataa Federaal nimo ay su'aalahani ka dhexmuuqdaan: maxay inoogu filantahay….? Maxaynu ka faa'idnay….? Ma kuwanbaa meel ina gaadhsiin? Waa ayo cadowgeenu ma xabashibaa mise waa….? Yaa ii walaal ah yaase ii cadaw ah? Suáalaha doodani waa kuwo gees qudha u socda oo aan marnaba u kicin dhinaca kale. Waxa la isku dayaa in dhibtii shalay uu soo maray shacabku iyo burburkii dhacay laga dhigo midaan waynayn. Tabashooyinka maanta iyo dhaliilaha jirana kuwo xad dhaafa iyadoo mar walba farta laygu fiiqayo aduuntadan sagaalka ah ee aan marna tobnoobin midhka iga dhiman tabashadayda. Dood Wadayaashani, waxay dhinac ka dhigaan meel balaayo ka soo socoto iyo burbur lagu hoogay(Somaliland), dhinaca kalena wadadii guusha ay ku taaganyahiin (maxkamadaha). Ma is waydiiyaan maxaa ka soo bixi kara kacdoonka aan gu'jirsanin ee ay u hanqal taagayaan? Ma is waydiiyaan geedka yar ee wali daciifka ah ee ka soo baxay kacdoonkan ma curdan dhadhi doonaa? Haddiise uu ka badbaado cadowga ma noqonkaraa mid hadhkiisa ay wada jirsan karaan kooxaha qabyaalada kasakow ay kala qaybsanaanta mad-habaha iyo fariiqadaha diintu ku dhex jirto? Imisuu geedku ku yeelan karaa hadh iyo midho la dheefto sanad mise toban sanadood? Haddiise uu midho yeesho maxay noqon doonaan midhaha ka soo baxa geedkan Sun misa dheef?

Inkasta oonan jeclayn inaan tix raaco oo aan dooda noocana ka qayb galo hadana, u aamusaadana waxaan uga baqday ku raacid inay u macnaystaan.
Waxa laga yaabaa inaan doodaan sheegayo iyo hugunkuba ku geesmaray oo aanad la socon ee aan ku tilmaamo ama ku xusuusiyo hadaad aragtay balse aanad hoos u dhuuxin.

Horjoogayaasha doodani waa Baashe, Obsiye iyo Dool oo sadex qoraal ku soo kala galay.

Baashe: S/Land: Dal Waayey Madax Han iyo Hiraal Leh!
Obsiye: The Quest For Statehood In Somalia
Dool: Xaasha Max`ed Baashe ma aha nin la yidhaa Qurbuu ku dhashay. Jawaabo iyo faalo

In kastoonu tix raacu fiicnayn hadan sadexdan doodood (not personal) midba hal yar aan ka soo qaato. Baashe "Hayaanka fogaadey iyo ka soo rayn la'aanta xaaladda Koonfurta, ayaa keentay in madax badan oo reer Somaliland ahi ay dib candhuufta u liqaan oo dadka iyo duruufihiisa isu ekaysiiyaan ." Walaal maxamed adigu kuwaa ma ka mid tahay oo waligaaba Somaliland ma waxaad u arkaysay beerkii lagu sugayay qadada mise waxaad tahay kuwa kale ee aad qoraalkaaga ku carabaabtay "Waxa saaxadda siyaasadda ku soo badanaya madax sidii "dabayl xagaada" ama "weedhka roobka" hadba doc kaaga imanaysa oo is-burin iyo wada surma-seegto miidhan ah." Oo shalayna waxaad rumaysnayd Somaliland maantana sidii jirjiroolaha ayaad midab gadisatay oo aad ka biyo diiday . Weedh kale aan ku suáalo markaad leedahay "Faragelinta iyo xad-gudubka foosha xun ee Itoobiya ka waddo Soomaaliyada burbursan ee aan dawladda lahayn muraad iyo dan kama laha madaxdeennu!! Shar iyo khayrku uma kala sokeeyaan madaxdeenna! Doorba malaa nolosha kuma malaha madaxdeennu oo waa daawadayaal keliya!" Adiga markii burburkaaga iyo ba'aaga ay gaalda cadcad ee caalamka iyo Amnesty ay kuu ooyaysay waxa aad ii sheegtaa qofqudha oo Walaalahaaga Koonfureed ah oo kuu banaan baxay, tix suugaana kuugu ooyay, qoraal caalamka u gudbiyay oo siddii Hadrawi yidhi " Colka bari harraatiyey Hubka mudug (hargeisa/burco) ku talax tegay Allaylehe hubsiimiyo Haki buu u baahnaa " Hadaad ilowday dhibtii ku gaadhay halkan ka daawo. Suaasha sadexaad haddii aad ogayd sidaad hadalka u dhigtay " Itoobiya oo aan shalayto u aqaannay foolaadka nacabkayga; maanta (muddo rubuc qarni ah) waxaan abqaalayaa geedkii nabadda iyo wada noolashahayaga oo ku salaysan is qadderin iyo is xaq dhawr derisnimo, hase yeeshee "nin aan kuu furi doonini yaanu isku deyin inuu kuu raro"! Sidaas darteed waa ma dhacdo" Oo itoobiya haddii ay cadowgaaga tahay maxaad ugu qaxaysay markaad SNM ta galaysay? Miyaadse ilowday tixdii Cali Jaamac "Muslinimo nikaan kugu dhaqayn mu'miimo khaas ah Gaal maxasta kuu dhowra aad magansataa dhaama". Miyaanad ogayn in Walaal tinimada iyo cadawtinimada shucuubta caalamku aanay ahayn wax meel taagan ee ay is badbadalayso kuna salaysantahay dan sidaa gabayaaganba uu tibaaxay .

Obsiye: Waxaad samaysay qoraal aqoomeed aad isku day-day inaad ku salayso aqoonta bulshada ee inta badan cadaanku ay isku dayaan inay cadayn ahaan ugu adeegsadaan dhibta ay iyagu Afrika ku beereen inay ku macneeyaan inay ka dhalatay dawlad aqoon la'aan. Waa nasiibdarada "Social Sciences" ka inay cadaymahoogu ku salaysan yahiin "hypothetis" kuwaas oo aan marnama ka madax banaanan karayn aaminaada shaqsiga ah. Halka "natural sciences" cadaymaha lagu soo ban dhigo tijaabo cad oo aan muran lahay. Waxaan uga socdaa qoraalkaaga iyo ka Sameters ka midna kama madaxbanaanan karaan aaminaada shaqsiga ah aqoonyahan kasta oo aad ku tahiin maadada aad ka hadlaysiin.. Taas oo aniga I gaadhsiinaysa inaan aamino inaan qof Soomaliyeed "Social science" ku sharxi karayn si madax banana waxa Somaliya ka jira ama ka dhacay waayo isagii ayaan iska saari karayn oo aan ka madaxbanaanayn. Sidaas awgeed waxaan ka door bidaa qoraalada ay ajaanibku sameeyaan inay runta uga dhow yahiin.

Markaan dhinaca aqoonta bulshada ka imaado qoraalka Maxamed inkastuu ka luqad duwanaa hadana wuxuu kala mid ahaa kii Bashe aragtida uu xambaarsanyahay ee ah qawadaada Hamiga iyo Hanka indheer garadka iyo hogaanka Somaliland. Waa run oo labada qoraaba waan ku raacsanahay hami iyo hiigsad yarida reer Somaliland, waayo waa kuwii calankoogii dhamaa hadyada u bixiyay. Balse Han iyo Hiraal la'ida idinkaa imikadan ku jira markaad ku qanacdeen inaad tidhaahdid "In theory though it is still plausible that we see in our lifetime a flourishing Somaliland, thriving Puntland, prosperous Mogadishu and Riverineland in the interim and ultimately welcome back the nostalgic old Somalia which hopefully would be home to us all and which would hopefully attract investment from estranged Somalis who are now pouring their hard won pounds elsewhere in the region .

Fikirkaagaa oo tibaaxay inay Somaliland qayb ka noqoto afar waaxood oo ay mar kale la midowdo Puntland, Riverineland iyo Banaadir. Halkaad lixdankii laba waaxood ku midowdeen. Nasiib daro adiga iyo ka go'aamiyay inuu DIR noqdo oo uu 4.5 ka qaato maxaad ku kala duwantihiin.
Meel kale waxaad carabaabtay "it needs to be recognized that on the longer term the Guurti or Mullah Style administrations have their limitations. They can simply not run the complex modern state machinery to its fullest potential". Idinkoo siyasiyiintina ku sheegay Hiraal laawayaal (visionless) markaa maxay tahay rajada hadhay ee dalka wadaysaa? Anigu Kolay midhahay dhaleen markaan eego waan kugu raacsanahay Hiraal Laáanta Siyaasiga balse wadaada iyo Guurtidu waa kuwa qudha ee Wadanka badbaadiyay. Haddiise aan labada kala saaro Guurtida aragnay oo 15 sano ayay shaqaynayeen, balse maxkamaduhu intay gaadhaan aan aragno. Dhinac kale haddii aan guurtida iyo wadaadada u kala saaro qolo waxay la yimaadeen fakir dabiiciya oo hore Soomalidu ugu dhaqmi jirtay halka kuwa kale ay keeneen fakir maamul oo imika dibada laga soo waariday (Islamic Zalafist). Taariikhda Soomaliyana waxay dhigaysaa sadex jeer oo hore lagu dayay aydhiyolaji dibada laga keenay balse sadexdaba ay ka xoogwaynatay qabyaalada Somalida dhuuxa iyo lafaha ka gashay:

1- Sayid Maxamed oo keenay Saalixiya iyo fikirkii Mahdi ee wakhtigaa Suudan ka socday. 1900 1910.
2- SYL oo keentan Nationalism ay ka soo dheegteen Gaandi iyo dabayshii xornimo doonka ahayd ee Africa samaysay. 1950 - 1961.
3- Siyaad Barre oo keenay Hanti wadaaga Cilmiga ku dhisan 1969 – 1977.

Dool: Qoraalka Dool waxa ka muuqata shaqsi ku eri iyo shaqsi taageer balse muu lafa gurin labada hadal ee ay labada nin kala wadaan Waxana anigana fajac iyo amakaak igu kaciyay markuu leeyahay Max`edow Siyaad Bare ayuunbaa la riday ee maxaa la soo kordhiyay? Han yaraa ninkay"ugu dhamaatey ama ku istareexay in Siyaad Bare uun la riday, in nidaamkii xumaa uun laga takhalusay, han yaraa ninka cidla meel madhan ku doorsaday han yaraa ninka 10 shillin, 10 ku doorsaday isagoo heli karayay 100000000000000000000000000000000. ooShillin, Han yaraa ninka ku qancay isagoo barawaaqo ku taagan inay baahiyi hayso" Waa ereyo culus waa ereyo si wayn isagu lidiya, waa ereyo Waqooyi ka dhigay 10 shilin Muqdishadaan ogahay wixii iga soo marayna boqol malyan. Biyo la'aan iyo Barwaaqo. Su'aashan Dool waydiinayaa waa Han yarida waxaan u arkayay markaan xoriyadaydii bixiyay ee imikana ma sal fudayd baa I qaaday oo koonfur baan barwaaqo kaga soo cararay. Mise adaa hambaabur ka cay oo ceeryaamo mooday roob oo dhalaanhabaabis haamo hoos qaatay. Somalidu waxay tidhaa Riyo haday dub leeyahiin dabadooday ku qarsan lahaayeen. Koonfur taan arko mayna ahayn.

Walaal Dool su'aalo badan oo aad halkan is waydiinaysid jawaabtooda maxamed Baashe ka sug "Goormay Axmaaro ii noqotay wehel iyo walaal, ninka Laascaanood joogaana ii noqday
wabiin iyo weere maalintaan qabsado la i aqoonsanayo, goormuu inka Muqdisho ku
dhashay noqday mid uu iiga dhaw yahay ka Adis ku dhashay. Talooooooy Max`ed Baashow,
Goormaan kala garan" Sidaad qoraalkaaga ku sheegtay Maxamed sideetamadii Itoobiyuu u baxsaday isagaana magan u noqday isagoo ka cararay ka Muqdisho ka yimid xiligaa Radio Qudhmis waxa uu inooga soo sheegay in Xabashidu ay walaaleheen yihiin, haddii aad Doolow waaga ku raacsanayd Maxamed Maantana uu badalay miyaad daba dhaqaaqaysaa mar kale?

Gabagabo

Aan ka afeef dhigto inta xagjirada qaarkood qoraalkayga ay u arkaan inaan kaga soo horjeedo maxkamadaha iyo kacdoonka Islamiga ah ee Muqdisho ka dhashay oo aan si way u taageersanahay. Balse markay timaado Somaliland waxaan u arkaa inaan diinta Islaamka cidkasta oo Islam nimo dhaba ku dhaqmaysa aan kula midoobi karo balse Alle xagiisa ay dadku ku walaal yahiin Muslim nimada aanay i kala xigin muslimka Muqdisho iyo kuw meel kale joogaa. Inta se la wado qabyaalad iyo midnimada Somaliya waa muqadis sida imikaba lagu saxeexay Suudaan uma arko in loo halgamayo inay kalmada Alle ay sarayso ee waa siyaasad lagu dhex wado islamnimo. Inta waagu baryayo ee la kala arkayo geed iyo bahal anigu difaac baan ahaanayaa. Markaan xaqiiqsado dad u socda saraynta kalmada Eebe oo aan siyasad kale ku hoos jirin anaa kow ka noqonaya.


Abdirahman Jama

Maandeeq2@yahoo.com

Raacii Ugu Horeyey Wasiirada Cusbaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale Oo Golaha Wakiiladu jilba Joog ku Ansixyey

Raacii Ugu Horeyey Wasiirada Cusbaa Xukuumada Madaxweyne Rayaale Oo Golaha Wakiiladu jilba Joog ku Ansixyey.

Hargeysa(HWN):Fadhigii ay Saaka yesheen Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay Cod-Aqlabiyada ku Ansixiyeen raacii ugu horeyey ee wasiirada xukuumada madaxweyene Rayaale ee uu dhawaan isku bedelka iyo isku shaandheynta ku sameeyey.

Fadhigan saaka oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) oo uu hareer fadhiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa Golaha Fadhiyey 55 mudane.

Xooghayaha Guud ee Golaha wakiilada Md, Keyse ayaa Golaha u akhriyey CV-ga wasiirada iyo wasiir ku xigeenada, kadibna waxa uu gudoomiyaha golaha wakiiladu ku dhawaaqay in loo codeyndoono wasiirada iyo wasiir ku xigeenada la horkeenay Golaha
wakiilada.

Wasiirada la horkeenay Golaha Ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen sida:-

1. Wasiirka Qorsheynta Md, Cali Ibaraahim Maxamed (Cali Sanyare)
2. Wasiirka Duulista Md, Cali Maxamed Warancadee
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md, C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro)
4. wasiirka Wershadaha Md, Maxamed Saleebaan Maxamed
5. Wasiirka Madaxtooyada Md, Nuur Aamiin Ismaaciil
6. Wasiirka Dibudejinta Md, Abshir Axmed Xasan

Wasiir ku xigeenada waxay kala ahaayeen sedan:-

1. Wasiir kuxigeenka qorsheynta Md, Axmed Xaashi Cabdi
2. Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md, Axmed Maxamed Filanwaa

wakiilada ayaa ku dhawaaqay natiijada Waxanay ahayd sidan:

Wasiirka Qorsheynta Md, Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) waxa Ogolaaday 54 mudane, cid diiday may jirin, Gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaa uu ku Ansaxay.

Wasiirka Duulista iyo hawada Md, Cali Maxamed Warancade waxa Ogolaaday 54 mudane, cidina meydiidin, Gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaana uu ku ansaxay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md, C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxa ogolaaday 53 mudane, Hal mudane ayaa ka aamusay, gudoomiyuhuna muucodeyn, sidanaa uu ku Ansaxay.

Wasiirka Wershada Md, Maxamed Saleebaan Maxamed , waxa ogolaaday 52 mudane, waxana ka aamusay laba mudane Gudoomiyuhuna muucodayn sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiirka Madaxtooyada Md, Nuur Aamiin Ismaaciil waxa ogolaaday 45 mudane, waxaana diiday sadex mudane, waxaana ka aamusey lix mudane, Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.

Wasiirka Dibudejintaa, Md, Abshir Axmed Xasan waxa ogolaaday 52 mudane,waxaana ka aamusay sadex mudane, Gudoomiyuhna muucodayn sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiir kuxigeenka Gaashaan dhiga, Md, Axmed Maxamed Filanwaa, waxa ogoladay 47 mudane, waxaana ka aamusay 8 mudane, Gudoomiyhuna muucodayn, sidaana uu ku Ansaxay.

Wasiir kuxigeenka Qorsheynta Md, Axmed Xaashi Cabdi, waxa ogoladay 51 mudane, waxa iiday laba mudane, waxaana ka aamusay laba mudane, sidaana kuu Ansaxay.

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter hadhwanaag/hargeysa

mailto: janaale94@yahoo.com

Somaliland secures large German industry investments

Awdal News Network

The government of the breakaway republic Somaliland today signed a joint venture agreement with Germany's Sougueta Engineering AG on establishing a cement factory, coal powered electricity plant and a gypsum factory at the cost of US$ 250-300 million. Somaliland's President is currently on a successful European roundtrip, advocating the recognition of his country and foreign investments.

According to a press release issued by Somaliland's Foreign Minister Abdillahi Mohammed Dualle and a copy of which was sent to 'Awdalnews Network', the agreement with Sougueta was concluded in a official meeting between a Somaliland delegation visiting Cologne led by President Dahir Riyale Kahin and Hans Jürgen Gartner, President of Sougueta Engineering AG. It was the result of nine months negotiations between the two sides.

Somaliland President Kahin and his delegation, currently visiting Germany, also held meetings with German Parliament's Committee for Economy and International Cooperation and senior officials from the German African Business Association (GABA). The Somaliland side said it had briefed the German officials on investment opportunities in Somaliland.

A GABA delegation has already visited Somaliland and acquainted itself with the country's achievements in restoring peace and stability and available business opportunities, in stark contrast to Somalia.

President Kahin, who had visited the UK in his first leg of a European tour, earlier held talks in London mid-August with David Triesman, UK Foreign Office Minister responsible for Africa, as part of a mission pressing Somaliland's quest for recognition and economic assistance from its ex-colonial power.

However, the delegation - which was planned to visit Washington and held talks with US State Department officials - now says it will return to Somaliland instead to expedite the procedures related to the German business opportunity.

Somaliland, a former British protectorate that joined a united Somalia after independence in 1960, broke away 15 years ago but has since failed to win official recognition from any other nation. The current political offensive of the Somaliland leaders is therefore seen as an effort to use the recent developments in Somalia and international concern about the growing power of the Islamic Courts in Mogadishu as leverage to further its case.

Somaliland's Finance Minister Hussein Ali Dualeh warned that his country would fight against reunification - which is demanded by southern Somalia - and that a conflict could spill over into neighbouring countries, including Ethiopia. "If we are forced into a war, it will be a war that has no end," he told the 'Financial Times' in London.

Mr Dualeh argued that his country was being punished by the international community for its success in building peace and stability. He said Somaliland was not asking for bilateral aid from the US or Britain but wanted access to World Bank and African Development Bank credit.

Ministers accompanying President Kahin told the British press that they hoped an East African country - such as Kenya - might take the lead in granting Somaliland recognition. But there has been little indication of Kenya's readiness to do so. Arab countries - notably Egypt, which is an African Union member - have strongly opposed a break-up of Somalia.

By staff writers

Ethiopia: Banking at the Somaliland Border

Wudineh Zenebe

Improved relations and growing business across the Somaliland border have spurred the provision of new banking services in the border town of Togoch'ale.

Nib International Bank (NIB)and Awash International Bank (AIB)are opening sub-branches in Togoch'ale, a town in the Somali regional state, near Somaliland.

A bank expert told Fortune that the business relations between Somaliland and Ethiopia have improved after the Berbera Port became an alternative for smaller goods transported into and out of Ethiopia. The major share of the business in the area is khat and livestock.

Improved business relations have enticed Ethiopian banks to open foreign exchange transaction sub-branch offices in the border town of Togoch'ale, a town with a population of 5,000.
According to banking experts, the daily transactions in the border town are estimated to be around 20,000 dollars. The National Bank of Ethiopia gave private banks permission to operate foreign currency transactions in 1998.

Wegagen Bank was the pioneer in the area, opening a sub-branch five months ago. NIB and AIB are setting up their offices and the sub-branches will be open in the coming two months.

An Awash Bank official told Fortune that the business situation in the area is not yet ready for a full fledged branch, but he has high hopes that the situation will improve and that Togoch'ale will soon be a big business center next to Dire Dawa in the eastern part of the country.

NIB is planning to operate foreign exchange transactions as well as handle money transfer services for transporters and truck drivers, whereas Awash will concentrate only on the foreign exchange transactions, for the time being.

This is the first time either bank opened a sub-branch. For both banks, the new sub-branches will fall under the administration of their respective branches in JiJiga.

NIB was established on May 26, 1999 with an initial paid-up capital of 29 million Br, which has now grown to 200 million Br. It commenced operation in October, 1999. It has over 800 employees and 23 branches, of which four are outside of the capital.

AIB was established as the first private bank in Ethiopia on November 10, 1994. AIB had 486 founding shareholders with a paid-up capital of 24.2 million Br and started banking operations on February 13, 2005.

Source: allAfrica.com