Monday, January 01, 2007

Ciidamada Itoobiyia iyo TFG oo gaadhay Kismayo

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federaalka ee uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ayaa maanta gaadhay magaalada dekadda ah ee Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Kolonyo gaadiidka dagaalka nuuca Uralka loo yaqaan iyo BM-yo ay la socdaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale deegaanka Rukoy oo 50km u jirta magaalada Kismaayo ayaa qeybaha kale gadisan ee dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiintaas.
Mas’uuliyiintaas maanta tagay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhiga iyo xubna kale oo ka tirsan dowladda kuwaas oo hogaaminayo ciidamada maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ee iskaashanaya ayaa wata dhar Tuuto ah oo isku eg waxa ayna u gacan haatinayaan dadka ku dhaqan degaanada J/hoose.

Barre Hiiraale oo ah wasiirka gaashaadhiga dowladda oo isaga bilihii la soo dhaafay gacan ku heynta magaalada Kisamayo ay kala wareegeen ciidamada maxaakiimta Islaamka ayaa isaga maanta dib ugu laabtay magaaladaas kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda oo iska kaashanaya ay u suuragaliyeen inuu dib halkaas ugu laabto.

Ciidamada iyo mas’uuliyiintii maxkamadaha Islaamka ee saqdii dhaxe ee xalay ka ambabaxay magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen marka laga reebo warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in ciidamadaas ay aadeen dhinaca deegaanka Afmadow iyo Dhoobley.


Xigasho:http://hornafrik.com/

No comments: