Tuesday, January 09, 2007

Khataraha Ku Soo Fool Leh J. Somaliland

Waxbadan ayay dadka aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland ka hadleen xaaaladda maalin kasta ka sii daraysa ee dalku marayo, qoraaladooda iyo afkaartoodana ku muujiyeen in madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin aanu daacad u ahayn madaxbanaanida Somaliland kana soo horjeedo qaranimadeeda iyo aqoonsigeeda una adeego Col. Abdullahi Yussuf iyo Somalia. Arrintan waxaa daliil u ah in taniyo sannadkii Riyaale loo magacaabay madaxweynanimada ee sannadkii 2003 uu dalku ka sii luminayo astaamaha qaranimada iyo aqoonsiga caalamka sida:

- Dalka oo qayb ka mid ah gacanta loo geshay Maamulka Puntland si loo kala dhantaalo midnimadiisa dhuleed iyo qarameed si loo waayo aqoonsi. - Awooddii Ciidanka Qaranka oo la wiiqay si loo waayo awood milatari oo ka difaacda duullaan midnimo-raadis ah oo kaga yimaada dhinaca Somalia.

- Dastuurkii iyo Shuruucdii dalka oo lagu tunto iyo hantida ummadda oo la boobo si dawladnimada dalku aanay u hano qaadin.

- Booqashooyinka uu Riyaale ku tago dibedda oo aanu ujeedadooyinkooda runta ka sheegin. Taasuna waxay keentay tuhunka ah inuu booqashooyinka ku maleego shirqoollo iyo khiyaamooyin uu ku mijxaabinayo aqoonsiga iyo qaranimada Somaliland.

Waxaa la rumaysanyahay in aanay dhaceen dhibaatooyinka laxaadkaas leh ee qaran-dumiska ah haddii aanay jirin khiyaamo qaran oo lid ku ah jiritaanka qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland

Booqashada uu Madaxweyne Riyaale bishan January 8da, 2007, ugu kicitimay dalka Itoobiya waxay ka dambaysay kulan isla bishan horraanteedii dhexmaray Meles Zenawe iyo Col. Abdullahi Yussuf. Waxaa warar xog ogaal ahi sheegayaan in Abdulllahi Yussuf shuruud ku xidhay gacan u gelinta Itoobiya dekedaha Somalila iyo Somaliland, taas oo ah in Itoobiya Somaliland ku soo darto Somalia. Waxaa la rumaysanyahay in Meles Zenawe arrintaas uu kala tashanayo madaxweyne Riyaale.

Waxaa kale oo Col. Abdullahi Yussuf olole ugu jiraa in Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee Somalia (African Peace Keepers for Somalia) qaar la geeyo Sanaag iyo Sool si markaas ay meesha uga baxdo aqoonsiga iyo qaranimada jamhuuriyadda Somaliland. Arrinta kale uu hadda abaabulkeeda ku jiro waa dhisidda ciidamo Somaliyeed ay Itoobiya hubayso si markaas loogu duulo Somaliland oo xoog wax loogu mideeyo.

Golayaasha Qaranka, madaxda dhaqanka, madaxda ururada bulshada, mujaahidiinta SNM, waxgaradka, iyo aqoonyahanada Somaliland waxaa waajib ku in si deg deg ah looga tashado xaaladda werwerka weyn leh ee dalka Somaliland ku suganyahay maanta iyo khataraha ku soo fool leh lagana arrinsado sidii talada dalka looga wareejin lahaa ama looga takhalusilahaa Maamulka Riyaale si loo badbaadiyo jiritaanka madaxbanaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

No comments: