Wednesday, January 03, 2007

Ma Sir baa Ma Qiira jabaan baa?:

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha dowladda

KMG ah ee Somaliya, Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa maanta markii ugu horeysay shaaciyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baabi'iyo soohdimaha u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Ethiopia.


Hadaladan ka soo yeedhay ina caydiid ayaa u muuqday kuwo ay qiiro ka keentay madaamoo ay itoobiya tahay, ilaahay ka sokoow waxa u samaaxay inuu dib ugu soo laabto magaaladuu kaabo kooxoodka ka ahaa mudada dheer. Ina caydiid oo wejigiisa ay ilmo isku soo taagayso mararka qaar farxad awgeed, dhunkashana la dhacaya calanka itoobiya oo uu gacanta midig ku watay ayaa waxa kale oo u yidhi:

" Ethiopia iyo Somaliya waa dalal dhinaca siyaasadda saaxiibo ku ah, lehna xuduud 2 kun oo KM ah, loona baahan yahay in la baabi'iyo xuduudaaasi, lana sameeyo hal baasaboor, hal dhaqaale iyo hal ciidan"
Waxuu ku celceliyay oo ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in la soo dhaweeyo ciidamada Ethiopia, loona qalo xoolo, hablana la siiyo.

Ilaa iyo hadana cidkale oo labada dowladood ka tirsan kama hadal dhawaaqaa ka soo yeedhay ina caydiid.

Haddaba, waxaa la arki doonaa oo kala cadaan maalmaha soo socda inuu hadalkani noqon doono sirwayn oo qaraxday iyo inuu yahay hadal jibo iyo qiiro ka keentay ina caydiid markii u arkay sida sahalada ah ee uu xamar ugu soo laabtay.







No comments: