Tuesday, January 09, 2007

Madaxweyne Riyaale oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Ethiopia

Madaxweynaha iyo Weftigiisa
waxa isla xalay ku soo booqday Huteelka Sheraton, Ergayga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland/Somalia, Mr. François Fall.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigii uu hogaaminayay oo maanta ka ambabaxay Dalka Somaliland ayaa 05:30 Galabnimo ka degay Caasimadda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo ay Madaaraka si diiran oo ugu soo dhaweeyeen Saraakiil sare sare oo uu hor kacayey, Mudane, Tekada Alemu Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dawladda Ethiopia, Chief Protocol-ka Dalka, Mudane, Matazebia iyo Saraakiil kale oo ka socotay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Dawladda Ethiopia, waxaanay Madaxweynaha iyo Weftigiisa u soo gelbiyeen Huteelka Sheraton.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa isla caawa ku soo booqday Huteelka Sheraton, Ergayga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland/Somalia, Mr. François Fall, kaasi oo ay iska waraysteen xaaladda Guud ee Gobolka, gaar ahaan ta Somaliland, halkaasi oo Madaxweynaha iyo Ergaygu warbixin buuxda ku kala qaateen.

Allaa Mahad Leh

Xusseen Cali Ducaale ( Cawil)

Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha ahna

No comments: