Sunday, January 21, 2007

QORAAL SIR AH OO CADDE MUUSE U QORAY RA’IISAL WASAARAHA SOMALIA CALI MAXAMED GEEDI

QORAAL SIR AH OO CADDE MUUSE U QORAY RA’IISAL WASAARAHA SOMALIA CALI MAXAMED GEEDI OO KA HADLAAYA IN HUB URURINTA LAGU SOO DARO SOMALILAND.

HARGEYSA ( Somaliland Future Online ), Kadib markii la jebiyey ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia, ee ay awoodda yeesheen ciidamadii Cabdillaahi Yuusuf oo kaashanaayey Ciidamo Ethiopian ah , waxa uu Cali Maxamed Geedi Ras’iisal Wasaaraha Somalia soo saaray wareegto uu ku shaacinaayo in hubka lagu ururinaayo Somalia oo dhan oo ay Puntlandna ku jirto, balse aanay Somaliland ku jirin.

Wareegtadaasi waxa ay tilaamaysay in gobo macayin ah oo lagu sheegay wareegtadaasi in lagu ururiyo hubka yaala Somaliya, isla markaana goobo iyo Xeryo la sheegayna la isgu geeyo Maleeshiyaadka hubka laga dhigayo, kuwaas oo mustaqbalka noqon doona ciidanka Dawladda Somalia.
Hadaba,Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa qoraal u diray Cali Maxamed Geedi, kaas oo arrintaasi ku saabsan , oo uu ugu sheegayo ra’iisal Wasaaraha Somalia , in hub ururintaasi ay maanta dhibaato ku tahay Puntland, bacdamaa ay Somaliland tahay cadawga kaliya ee Somalia maanta leedahay, isagoo Somalilandna u bixiyey magaca GOONI U GOOSATADA ISKU MAGACAWDAY SOMALILAND.

Qoraalkii Cadde Muuse u diray Cali Maxamed Geedi oo dhammaystiranina waa kan :

“ Mudane Ra’iisal Wasaare, waxaan ka war-qabnaa in hub ka dhigis ballaaran aad u qorsheyseen dalka, si looga hortago sharci daro lagu fuliyo gacanta shacbiga saanadda Melletari eek u jirta. Hadaba, waxaan ku talo bixin lahayn in qorshaha gub dhigista aan lagu darin Dawlad Goboleedka Puntland , maadaama aan difaac u nahay Gooni u goosatooyinka isku dayi kara inay waxyeelo gaarsiiyaan Soomaalia. Malaha waxaa jirta in dad mas’uuliyiin ahi aanay waxba ka soo qaadayn qatarta ay la iman karayaan Gooni-u-goostada Hargeysa, haddii dadka kale ee Somalia hubka laga qaado.

Sidaasi darted,Dawlad ahaan waxaan soo jeedinaynaain hub ka dhigista lagu soo daro taliska Hargeysa, lana fahamsiiyo mujtamaca caalamka qatarta aan la dhayalsan Karin ee Gooni-u-goosatada.

Waa in aad garataan in askarta Gooni-u-goosatadu ay joogaan dhul ay leedahay Puntland, loona baahan yahay in si wadajir ah looga cayriyo degaanada Sool iyo Sanaag.

Hadaba, si aad wax badan u ogaato eeg lifaaqa hoose ee taariikheed”.

H.E.MOHAMOUD MUSE HERSI PUNTLAND STATE PRESIDENT

NB:

Lifaaqu waxa uu ahaa khariidad ku saabsab labada gobol ee Sool iyo Sanaag iyo qabaa’ilka dega oo uu Cadde Muuse ku sheeganaayo in ay dagaan dad ka soo jeeda Isir ahaa xigaalka Puntland, iyo goobaha ay joogaan ciidamada labada dhinac ee is horfadhiya.

Maxamoud maxamed xaashi

Somaliland future Online

No comments: