Tuesday, January 02, 2007

"Wallaaladeen (Maxkamaduhu) Islaamkii bay fashiliyeen oo ay ka dhigeen dad fulayaal"

Hargeysa (Ogaal)- Sheekh Aadan Muxumed Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in loo diyaar-garoobo dagaal ka dhan ah Dawladda Cabdilaahi Yuusuf madaxda ka yahay ee Soomaaliya.Sheekh Aadan Siiro oo Salaadii Ciidda khudbada dadweynaha ugu jeediyay Garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu si ba’an u naqdiyay siyaasadii masuuliyiintii Maxaakiimtu ay dagaalka ku galeen, “waxaan leeyahay walaalaheenii maxkamadaha Islaamiga ah, waad ogaydeen khaladaadkay sameeyeen, waxay doonayeen dagaal diimeed inay soo raraan. Waxaanu ku nidhi in badan oo aanu meelo kala duwan kala hadalay, waar muslimiintu waxay ku fashilmeen dagaalkii Daalibaan waad ogaydeen waa tijaabadii Daalibaan baan ugu cel-celiyay. Jasaa’ir 24,000 oo caalim baa ku dhintay, markaas ayaanay tashadeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay isagoo khudbadiisa sii wada, “Islaam 4 qof ay wataan, Islaam 50 qof wataan umadda dhaqimayso, Islaam umadda oo dhan ka dhexeeya ayaa loo baahan yahay. Wallaalayaal way dalbadeen walaaladeen, way ka badbadiyeen, Jihaad yaa qaadi kara, Jihaadka umadda muslimiinta oo dhan baa galaysa, yaa wax laga waydiiyay Jihaadka la doonayo Soomaaliya in laga galo, ma 100 Inan oo runtii da’dooda aynu garanayno ayaa Jihaadka qaadi kara, Islaamkii bay fashiliyeen oo ay ka dhigeen dad fulayaal ah.”

Sheekh Aadan waxa uu ka hadlay, in ku-dhaqanka shareecada Islaamku ay tahay ta keliya ee umadda hufnaan ku dhaqi karta. “Culimada waxaan leeyahay uma baahnin Islaam la soo raro, bulshada reer Somaliland waa Islaam wada ehlu sune ah, wuu ku yaryay 57-ka dawladood ee Islaamka ah mujtamac wada ehlu sune ah, mad-hab keliyana wada aaminsani. Dunida oo dhana kama jirto, waa Nimco Illaahay bixiyo, oo uu ina siiyay, in la ilaashado oo culimadu ilaalisaa weeye. Dunida dagaalo badan baa ka socda, waxa ka mida dagaalo diimeed, dagaalo diimeedna waxa ka bixi waayay saxaabadii Rasuulka (CSW) 65, 000 oo ka mida Raggii Ragga ahaa baa meel ku wada dhintay khilaafkii ka dhex-dhacay saxaabada Rasuulka (SCW).” Ayuu, waxaana uu sheegay in culimada looga baahan yahay inay iska dhawraan khilaafka oo ay muujiyaan ugu arrimiyaan bulshada wanaaga diinta Islaamka, “waxaanu doonaynaa Islaam u arrimaya oo talo u haya Islaanta Agoonta ah ee jilicsan ee Tamaandhada iibinaysa, Islaam u arrimaya ka qaadka iibiya ee qaylinaya ee u baahan shaqo iyo in dantiisa iyo ta umadda la fahamsiiyo, Islaam u arrimaya oo caqli iyo xigmad ku taliya ayaa Culimada looga baahan yahay.” Ayuu waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata oo yidhi, “shareecada laga tanaasulimaayo, shareecada raacitaankeeduna waa waajib. Laakiin, maaha shareecad aynu siyaasadaynayno oo aynu ku beegayno shareeco nin kale wato.” Ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu tilmaamay in dastuurka Somaliland oo dadku %97 codkooda ku ogolaadeen ay ka baxsan tahay wixii shareecada diinta Islaamka ka hor-imanaya, waxaanu u soo jeediyay Goleyaasha Qaranka iyo Culimada in loo dedaalo ku-dhaqanka Shareecada.

Sheekh Aadan Siiro isagoo ka hadlaya hadalada dhawaan ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha dawladda ku-meel-gaadhka ah Cali Maxamed Geeddi, waxa uu yidhi, “Ra’iisal Wasaaraha dawlada Imbigaati hadalkii uu ku cel-celiyay Adeer Land ma maqli karno ayaa hadalkiisii ahaa, wallaalayaal dagaal baynu galaynaa waxaynu la galaynaa kuwii umaddan baabi’iyay, dagaalkii wadaadadu toosin buu ahaa kii rasmiga ahaa maantuu dhacayaa.” Ayuu yidhi. Waxaana uu tilmaamay in dalka Somaliland la soo noqoshadiisa uu dhiig badani ku daatay, hanti badanina ku baxday. Isla-markaana loo baahan yahay in loo midoobo difaaciisa, isagoo Goleyaasha Qaranka iyo Axsaabtaba ku amaanay jawaabtii ay ka bixiyeen dhawaaqii Cali Maxamed Geeddi, “Laakiin, hadal waxba tari maayo 16 sano ayaynu fadhinay wax badan baa inaga dhiman, waar ma waxaynu sugaynaa Somaliland inta dib loogu soo xogaysanayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay, “ha loo guntado dalka iyo qaddiyadda aynu leenahay, wax baynu u soo dhimanay, umad kufriya yaynaan noqonin waxaan idin leeyahay waxaad arki doontaan berrito rag leh Cabdilaahi Yuusuf baa Toobad keenay oo shareecadii wada. Waxaan kaa aqaanaa dadkeena Somaliland ku nool dad ka mid ah oo leh Ka rogoo hadana saar. Wallaalayaal waxaan leeyahay Cabdilaahi Yuusuf ma Toobad keenayo, Illaahay baa Toobadda haya.” Ayuu yidhi waxaana uu tilmaamay in Cabdilaahi Yuusuf dhib badan soo gaadhsiiyay Soomaalida, “Waar waxaan idin leeyahay Cabdilaahi Yuusuf ninka Af-weyne fadhiiso yidhi weeye, waxaana loo baahan yahay inaynu u midowno.” Ayuu yidhi. Waxaana khudbada Sheekh Aadan Siiro ka jeediyay Garoonka Xawaadle dardaaran uu bulshada qaybaheeda kala duwan ugu jeediyay inay la shaqeeyaan xukuumadda ay doorteen, “Waxa weeye, maamulkani Cuqaal innaga inaga wakiila, waynu toosinaynaa waa Inamadeenii inaynu wada shaqayno weeye, waxay ku khaldan yihiin inaynu toosino weeye, Ixtiraam bay innaga mudan yihiin maadaama aynu dooranay. waxa kale oo aan maamulka leeyahay, Madaxweyne ku-xigeenkiibaa halkan ka fadhiya’e, hadda Askar baa halkan taagnayd oo may tukanayn, la inaga yeeli maayo oo labadaasi isma galaan. Markaa waxaan leeyahay Culimada ha la dedaalo, shacaa’irkeenana aad iyo aad ha loo ilaaliyo, qolada Askartana waxaan leeyahay waar Aakhiraynu u wada soconaaye Salaadiina aad u ilaashada.” Ayuu yidhi isagoo Sheekh Aadan Siiro markaa la hadlayay raxan Askara oo ilaalinaysay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Saaladii Ciidda kula tukaday dadweynaha Garoonka XawaadleSheekh Aadan Siiro Gebo-gabadii khudbadiisa waxa kale oo uu si ba’an u naqdiyay golaha Deegaanka Hargeysa oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu khasaaray doorashadiisa.

Xigasho: ogaal

1 comment:

Captain USpace said...

..
absurd thought -
God of the Universe says
never confront Islamists

just let them push you around
change your culture to fit them
..