Friday, January 19, 2007

Waraaq Furan: Ku Socota Md. Ismaaciil Cumar Gheele, Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti

Waraaq Furan: Ku Socota Md. Ismaaciil Cumar Gheele, Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti

Mudane Madaxweyne, salaan diiran oo xishmadi ku dheehantahay ka dib, waxaan kula socodsiinaya in siyaasadu aaney saaxibtinimo joogto ah lahayn ee ay leedaahay dano (interests).

Waxa kale oo aan kula socodsiinayaa in siyaasadu aaney ahayn sidii buur meel qotonta oo aan dhinacna u dhaqaaqin ee ay tahay wax sida daybayla hadba dhinac ka dhaca isna bedbedela sida jirjiroolaha taasoo khayr iyo sharba uu ku jiro oo marba heer taagan una baahan in loo yeesho feejignaan joogto ah, maskax hufan, garasho, xasuus dheer, fiiro gaar ah, karti, iyo geesinimo dheeraad ah si markiiba aad wax uga qabato isbedalada hadba ku yimaada mowqifyadii hore ama heerkii hore ee aad taagnayd ee aan la jaan qaadi karin isbedelkaas siyaasadeed ee cusub ee gudaha iyo debeda dalkaaga ka dhaca.

Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne, waxa haboon in caqliga la kaashado oo ficiltankan, xinkan, iyo xurguftan yar ee micno darada ahi ee mudada dheer soo jiitamaysay ee ka dhex oogneyd labadan shacbi ee wadadhalashadu iyo derisnimadu ka dhexeyso ee Somaliland iyo Djibouti ee weligood hiil iyo hooba isku garab taagnaa haatana diyaarka isugu ah inay wax wadaqabsadaan, aad si hagar la’aan ah oo walaaltinimo ku jirto u soo afjartid.

Run ahaantii, wax ka qabashada arrintaas fududi, waxay horseedi doonta calool fayoobi baaxad weyn iyo inay si hawl yar ay labada shacbi iyo dowladahoodu ay isugu duubnaadaan sida ul iyo diirkeed una madax banaanaadaan siddii ay mustaqbalka isagana kaashan lahaayeen qadyadooda, aayahooda, jiritaankooda, iyo horumarkooda taasoo u sii fasaxi doonta inay u diyaargaroobaan sidii ay si wadajir ah isaga cabin lahaayeen nacabka iyo xoogagan shisheeye ee danahooda ku duulanka ah ee mudada dheer qaska iyo colaada ka hurinayey geyiga Geeska Africa kuwaasoo dano fog oo mugdigu ku jiro oo fool xun ka leh dhamaan arrimaha, khayraadka, iyo dhulalka Soomaaliyeed mantana cadeystay inay si toos ah oo geed uga soo gabasho lahayn u soo farageliyaan una hujuumaan kuna soo qaadaan duulimaad militari dalka Somalia taasoo keentay dhimasho, dhaawac, baaraakicin, qaxootinimo, iyo darxumo lixaad leh una baahan wax ka qabasho deg deg ah iyo baadbaadin.

Hadaba, Mudane Madaxweyne, waxaaan kugula talinayaa oo ay Soomaali oo dhami ay maanta kaaga fadhida inaad Madaxweynenimadaada iyo xilkaaga iyo Odeynimadaada iyo dadnimadaada ka sokow, aad noqotaa:

Wiil Ciise ah oo asal ah oo Ciisihii la arki jirey ah oo geesi ah oo Reer Bani Haashim ah oo xidid iyo xigaal ah oo GOLXOBKA u soo xidhay badbaadada danaha iyo dhulalka Soomaaliyeed ee hodanka ah ee cadowga shisheeyuhu ay weerarada qaawan ee ka baxsan sharciyada caalamka ku hayaan. Anaguna haddii, aanu nahay walaalahaaga Reer Somaliland, waxaanu arrintaas kugula garab istaagi doona Gaashaan adag iyo Waran af weyn.

Sida keliya ee maanta xoogaga shisheeyaha looga dhex saari kara arrimaha Soomaaliyeed loona badbaadin karaa qadyaddooda, danahooda, khayraadkooda, jiritaankooda, iyo dhulalkooda, waxa weeye:

1. In aad aqoonsato qadyada iyo jiritaanka Reer Somaliland oo aad si hagar la’aan ah oo walaaltinimo ku jirto aad u aqoonsato Jamhuuriyad Somaliland taasoo ka badbaadi doonta shisheeyaha aan ujeedadooda la aqoon ee ay sida macno darada ah ay mudada dheer ugu dabran tahay.

2. In aad caalamka ugu baaqdid in Shir Dib U Heshiineed oo caalami ah in Somaliland iyo Djibouti loogu qabto xoogaga weli ku loolamaya dalka Somalia taasoo arrimaha Soomaaliyeed dib gacanta inoogu soo gelin doonta sababina doonta in quwadaha shisheeyuhu ay meesha ka baxaan badbaado weyna inoo wada ah.

3. In Dowlad KMG ah oo ay Reer Somalia u wada dhan yihiin sida kooxaha Muqdisho, Maxaakiimta, Puntland, iyo Digil iyo Mirifle gudaha dalka laga soo dhiso marka shirka Dib U Heshiineed u dhamaado oo gacmaha la is qabsado taasoo iyana baadbaado weyn u ah.

4. In Somaliland, Somalia, Djibouti, Sudan, iyo Eritrea oo is kaashada ay awood buuxda ku yeelan doonaan Urur Goboleedka IGAD taasoo iyana badbaado inoo wada ah.

Hadaba, Mudane Madaxweyne, sadexdan su’aalood oo qudha ayaan halkan kaga soo jedinayaa, waxaaney kala yihin sida hoos ku xusan:

· Haddii, Madaxweyne, Meles Zinawi uu u badheedhay inuu sharciyada calaamka burburiyo oo uu duulimaad xaq daro iyo sharci daro ah uu ku soo qaaday shacbiga tabaaleysan iyo dalka Somalia sidaasna uu dalkii oo dhan ku qabsaday oo uu dadkiisa iyo dalkiisa u soo jiiday colaad iyo godob xun oo uu hawlgalyadaas gar darada ahi uu ku muteystay sumcad xumo, macangegnimo, nacabnimo, dhimasho iyo dhaawac ciidan, iyo kharash badan oo kaga baxay duulimaadkiisaas, waa maxay adiga sharciga caalamka ee aad burburin doonto, sumcad xumida kaa raaci doonta, godobta aad geli doonto, dhimasho iyo dhaawaca kaa soo gaadhi doonta, iyo kharashka kaaga bixi doona haddii; aad si rasmi ah aad ku dhawaaqdo aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland?

· Haddii, UN, EU, AU, AL, OIS, IGAD, iyo dhamaan bushada caalamku ay duulimaadka Ethiopia ku qaaday Somalia, wax ka qaban waayeen kuwii ka yara hadlayna ay ka ahayd “qawda maqashi waxna ha u qaban”, ma adiga ayey kugu qabsan doonaan ku dhawaaqida aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland ee xaqa iyo sharciga ah?

· Haddii, xukun jacayl awgii ay Reer Somalia ay kaashadeen wadamo iyo ciidamo shisheeye inuu duulimaad military ku soo qaado shacbigooda iyo dalkooda oo qaarkood laga dhigo wax la dilo, la jidh dilo, la kufsado sidaasna ay xoriyadoodi cadow gacanta ugu gesheen dalkiina haatan la haysto, waa maxay waxa aad adigu xeerinayso iyo waxa ay Reer Somalia sabab kaaga dhigi dhigan doonaan ee aad la caga jiideyso ama waxa ay kugu diidi doonaan inaad aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland?

Mudane Madaxweyne, wax kaaga halaabaya aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland ma jirto, sidaas daraadeed, waaxaanu kaa codsaneynaa inaad siyaasadan jilicsan ee u dhexeysa Somaliland iyo Djibouti aad wanaag iyo walaaltinimo ku bedesho oo aad si hagar la’aan ah u aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland ee garabkaaga ah; waxaanan hubaa hadii, aad qaadid talaabadan siyaasad wanaagu, danteenu, iyo horumarkeenu ku jiro oo aad sidaas hawsha yar ahi aad ku kala badbaadiso Somaliland iyo Somalia ama Soomaali oo dhan, inay meesha ka bixi doonaan quwadan shisheeye ee Geeska Africa qaska ka wada ee haatan arrimaha Soomaaliyeed faragelinta iyo duulimaadka qaawan ku haya; waxaanad noqon doonta HALYEY baal dahab ah ka geli dona taariikhda Soomaaliyeed iyo mida caalamkaba.

Hadal iyo dhamaantii, Madaxweyne, ama waxaad noqon wiil Ciise oo libaax ah ama waxaad noqon wiil Ciise oo gabaday oo bisad ah oo dhinacu kaa xigo aaney cidina kaa xigin taasoo aan xumaan iga ahayne iga ah gubaaboo. Guul iyo Gobanimo.

Farah Ali Jama
Ottawa, Canada.

No comments: