Wednesday, January 10, 2007

Warsaxaafadeed: Socdaalkii Madaxweyne Riyaale

(Waridaad) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho saddex cisho ku jooga Caasimadda Addisa Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa waxa uu Maanta la kulmay 09:00 Subaxnimo Safiirka Dalka Maraykanka u fadhiya Caasimadda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, Mr. Donald Yamamoto, Madaxweynaha iyo Safiirku waxay ka wada hadleen Guud ahaan Xaaladda Gobolkan Geeska Africa, gaar ahaanna ta Jamhuuriyadda Somaliland, is waraysi dheer ka dib Madaxweynuhu wuxuu ugu warramay Safiirka Maraykanka, Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, sida Nabadgelyada, Horumarka, Dimuqraadiyadda ay gaadhay , iyadoo aan wax kaalmo ah ka helin Bulshada Caalamka ay iskeed iyadu dhidabeeda isugu taagtay.

Madaxweynuhu wuxuu Safiirka Maraykanka u dhiibay Qoraal ka hadlaya sharciyada Madax-banaanida Somaliland, isagoo Madaxweynuhu ka codsaday in uu wixii ay ku wada hadleen iyo qoraalkanba gaadhsiiyo Xukuumadiisa.
Safiirku Maraykanku Mudane, Donald Yamamoto, wuxuu Madaxweynaha ku ammaanay Horumarka ay Somaliland gaadhay iyadoon kaalmo ka helin Bulshada Caalamka. Safiirkuna waxa uu ka ballan qaaday Madaxweynaha in uu gaadhsiin doono Xukuumaddiisa qoraalka iyo wixii ay ku wada hadleenba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisu waxa kale oo ay la kulmeen Maanta, 11:30 subaxnimo Safiirka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Jarmalka u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Dr. Claas D. Knoop.

Madaxweynuhu wuxuu uga waramay Safiirka Jarmalka Xaaladda Guud ee Gobolka gaar ahaan wuxuu si faah-faahsan uga waramay xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu sheegay in ay Somaliland kalideed wax badan soo qabsatay, isla markaana ay u suurto gashay in ay dhisaan Qaran Madaxbanaan oo ku dhisan hab dimuqraadiya iyagoon Bulshada Caalamka gacan ka helin.

Safiirka waxa uu Madaxweynaha u sheegay in uu ka dheregsan yahay xaaladda Nabadgelyo, Horumarineed iyo Dimuqraadiyadda ka hana qaaaday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo uu ku tilmaamey inay tahay Jasiirad Nabada “An Island of Stability, wuxuuna Madaxweynaha u sheegay in Xaaladda Somaliland ka warhayaan isla markaana ay taageerayaan Horumarka iyo Xasiloonida Somaliland, Madaxweynuhu wuxuu Safiirka u dhiibay Qoraalo ka hadlaya Qaddiyaddayda JSL, isla markaana uu ka codsaday in ay qaddiyadda Somaliland gaadhsiiyaan Dalalka Midawga Europe, maadaama Jarmalku Guddoomiyenimada Ururuka Midawga Europe imika hayaan. Safiirka Dalka Jarmalka u Fadhiya Addisa, wuxuu Madaxweynaha ka ballan qaaday in uu warbixinta Madaxweynaha iyo Qoraalkaba u gudbin doono Berlin.

Waxa Madaxweynaha iyo Weftigiisa isla Maanta Huteelka uu deggan yahay ku soo booqday 12:30 duhurnimo, Safiirka Dalka Norway u jooga Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia Mudane, Mr. Jens- Petter Kjempurd Madaxweynaha iyo Safiirka Dalka Norway waxay iska waraysteen Xaalladda Gobolka gaar ahaana ta Somaliland, iyada oo Norway ay xubin ka tahay Ururka International Somali Contact Group, waxa uu Safiirku Madaxweynaha u sheegay in Nabadgelyada, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland ka war hayaan, si gaarana isha ugu hayaan, isla markaana ay xoojinayaan kaalmada ay Somaliland u fidiso Norway, isla markaana waxa uu Madaxweynaha uga hambalyeeyay kaalinta ay kaga jirto xasilinta Gobolka Geeska Africa, kaasi oo uu ku sheegay inay tahay mid loo baahan yahay. Madaxweynuhu, waxa uu Safiirka u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dalka Norway iyo Somaliland, isla markaana waxa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin u dhiibay Safiirka, qoraal ka hadlaya qaddiyadda Somaliland.

Waxa isla maanta 03:00 Galabnimo uu wefgita Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, halkaasi oo Madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu uga mahadnaqay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Mudane, Males Zenawi sida fiican ee loogu soo dhaweeyay isaga iyo weftigiisa mudadii ay joogeen Dalka Ethiopia, Madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal Wasaare Males waxay iska waraysteen Xaaladda Gobolka Geeska Africa iyo isbedeladii faraha badnaa ee ka dhacay mudadii ugu dambeysay, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu arrintaasi ku dheeraadeen, Madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay Ra’iisal Wasaaraha dedaalka uu ugu jiro sidii uu Nabadd ugu soo dabaali lahaa Koonfurta Somaliya iyadoo uu Madaxweynuhu sheegay inay jecelyihiin Xasiloonida dalalka aynu jaarka nahay iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa. Madaxweynuhu wuxuu xusay in Somaliland ay Maanta u baahan tahay sidii ay uga mid noqon lahayd Qaramada madaxa banana ee Caalamka, taasi oo buu yidhi wax wayn ka tari doonta Xasiloonida, Nabadgelyada iyo Horumarka Gobolka.

Ra’iisal Wasaare Males Zenawi, wuxuu Madaxweynaha uga mahad naqay kaalinta ay Somaliland ka qaadato Nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka, Geeska Africa, wuxuuna sheegay in ay taageerayaan Qaddiyadda Somaliland, isla markaana ay ku niyad san yihiin hannaanka dawladnimo iyo dimuqraadiyadda ka hana qaaday JSL.

Ladaba Hogaamiye waxay isla qaateen sidii kor loogu qaadi lahaa, Adkeynta Nabadgelyada labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia iyo sii xoojinta xidhiidhka Ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal

Kulankaasi ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia wuxuu qaatay muddo dhan 2 saacadood iyo 30, iyadoo si fican ay isula fahmeen labada Hogaamiye arrimihii ay ka wada hadleen. Kullankaasi waxa uu ku soo gabo gaboobay jawi is af-garad oo aad u sareeya.

Kullamada Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, manta la yeeshay Masuuliyiintaa kala duwan waxa ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane, Amb. Xusseen Cali Ducaale, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Yuusuf Jaamac Buraale, iyo Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL,

Allaa Mahad Leh
Xusseen Cali Ducaale

Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL Ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda



No comments: