Sunday, February 04, 2007

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo u dabaalgegay sanadguuradii 13-aad & madaxweyne Riyaale oo khudbad u jeediyey ciidamada

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay soo bandhigay dhoolatus milateri oo gaada-ka ciyaar ah, oo ay ku muujinayaan awooda ciidamada Somaliland, waxaana dhoolatuskani ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan, waxaana dadkii ka soo qeybgalay ay aad u soo dhoweeyeen cududa dhinaca milateriga ah ee ay ku talaabsatay Jamhuuriyada Somaliland.

Ciidamadda Qaranka Somaliland oo u dabaaldegayay sanad-guuradii 13-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay ayaa soo bandhigay boqolaal gaadiid ah oo jiidayay madaafiicda waaweyn ee goobta, laguna duqeeyo goobaha fog fog sida BM-yadda, waxaa kale oo ay ciidamadda soo bandhigeen beebeeyo cusub iyo tikniko dagaal oo aad u fara badan, kuwaasoo dhamaantood ahaa tikniko cusub oo aan ka mid ahayn kuwa Jiidaha Dagaalka iyo Soohdima dalka uga jira difaaca.Kumanaan ka tirsan Ciidamadda milateriga Somaliland ee sanadkaan tababarka soo dhamaystay ayaa dhoolatusyo ka hor sameeyay Xaflad loogu dabaal degayay oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Sare ee Somaliland iyo kumanaan shacab ah.Ciidamadda ayaa shacabka Somaliland u bandhigay nuucyadda kala duwan ee hubka ay u haystaan iska caabinta dhulka,Cirka iyo Badda ,hadii lagu xadgudbo xaduudaha Soomaaliland la wadaagto Maamuladda kale sida Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Reyale Kahin oo ka hadlay Xafladda loogu dabaal degayay 13 guuradda Ciidanka Qaranka Soomaaliland ayaa qaab farxad lagu laray ugu jeediyay khudbad xamaasad huwaneed ,isagoo siiyay balanqaadyo dheeriya oo lagu dhisayo dhinacyada adeegoodda Ciidamnimo.




“Ciidamadda Somaliland waa kuwa dhisan maskax ahaan, niyad ahaan iyo tababarba, waxaana muhiim ah inaan sheego in ciidamadda mushaaraadkooda la kordhin doono, sidoo kalena sare loo qaadi doono awoodooda gaashandhig, iyadoo lagu soo biirinayo wax allaale iyo wixii ay u baahan yahiin” ayuu yiri madaxweyne Reyaale oo khudbad dheer ka jeediyay xafladda 13 guuradda ciidanka Qaranka Somaliland.

Dhoolatuska ay sameeynayeen ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa dad badan shaki geliyay waxaana aad la isu waydiiyay durba halka Somaliland ka heshay hubka cusub ee leh nuucyadda kala duwan, waxaa kale oo ka qaybgalayaasha xafladda ay aad uga maqsuudeen riwaayado goos goosa iyo heeso ay soo bandhigeen ciidamadda Somaliland kuwaas oo lagu cabirayay xaaladaha guud ee ka jira Geeska Afrika.
Xafladda loogu dabaaldegayay 13 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka Qaranka Somaliland waxaa ka soo qaybgalay Madaxda sare ee dalka Somaliland kuwaas oo laga tilmaami karo Madaxweyne Reyaale, Wasiirka Gaashandhigga Aadan Waqaf, Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, Ku simaha Gudoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee Kulmiye Saalax Nuur Fagadhe iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland.Marka la isku soo duubo sheekadda dhoolatuska ay Sameeyeen Ciidamadda Qaranka Somaliland waa mid beesha Caalamka tusinayo muuqaal baaxad wayn oo horseed u noqon kara qiimeeyn gaara oo lagu sameeyo saamaynta gaashandhig ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.






No comments: