Tuesday, February 13, 2007

Qareenkii Difaacayey Weriyeyaasha Haatuf oo Is-casilay

Hargeysa (Jam)- Qareenkii difaacayey weriyeyaasha wargeyska madaxbannaan ee Haatuf, Dr. Maxamed Siciid Xirsi, ayaa ku dhaaqay in uu iska casilay dacwaddii uu looyarka ahaa ee lagu soo oogay masuuliyiinta Haatuf.

Dr. Maxamed Siciid Xirsi oo faahfaahinayey sababta keentay in uu iska casilo gebi ahaanba difaaca dacwadda weriyeyaasha Haatuf ee uu qareenka ka ahaa, ayaa sheegay in ay ka dambaysay, kadib markii garsooraha kiiska qaadayaa ka oggolaaday Xeer-ilaaliyaha dacwadda in fadhiga dhegaysiga kiiska lagu qabto gudaha xabsiga Madheera oo ay hadda ku xidhan yihiin maxaabiista uu looyarka u yahay, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo gurracan, isla markaana baalmarsan oo ka soo horjeeda hannaanka dhegaysiga dacwadaha iyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaalla, sidaa darteed uu go’aansaday in uu iska casilo dacwaddii uu wakiilka uga ahaa maxaabiista xidhan.

Is-casilaadda qareenka ayaa ka dambaysay, kadib markii sida la sheegay uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland soo saaray wareegto uu ku fasaxayo in ay bannaan tahay in dacwadaha qaarkood lagu dhegaysan karo gudaha xabsiyada dalka, sidaa awgeedna uu garsooraha dacwadda Haatuf qaadayaa oggolaaday in Sabtidii dorraad fadhiga dhegaysiga kiisku ka furmo gudaha xabsiga Madheera.

Hase yeeshee, Garsooraha Maxkamadda Gobolka ee haya dacwadda weriyayaasha, Dr. Faysal Cabdillaahi oo la weydiiyey sababta baajisay dhegeysiga dacwaddaas, ayaa sheegay in dhegeysigu u baaqday Qareenada difaacaya suxufiyiinta oo iman waayey.

Garsoore Faysal, waxa uu sheegay in talogalku ahaa in dacwaddu Sabtidii ka sii socoto xarunta Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa oo suxufiyiinta la soo qaado Madheera, balse warar laga hilo ilo kala duwan ayaa tibaaxay in xabsiga Mandheera laga sameeyey qol loo diyaariyey dhegeysiga dacwaddaha, kaas oo Sabtidii la filayey in lagu dhegeysto dacwadda suxufiyiinta Haatuf, balse dhegeysigaasi uu suurtogeli waayey, kadib markii Qareennada difaacaya weriyeyaashu diideen in ay tagaan Mandheera.

Suxufiyiinta Haatuf oo laba ka mid ah - Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Cali Cabdi Diini, ay xidhan yihiin muddo bil iyo toddobaad ah, halka Weriye Maxamed Cumar uu xidhan yahay muddo bil ku dhow, waxa jeelka Madheera loo qaaday toddobaadkii hore, kadib markii – sida la filayo – xukuumaddu kala kulantay culays weyn, iyada oo ka baqaysa in kacdoonno ka dhashaan. Tallaabadan maxkamadda loogu raray xabsiga Madheera ayaa iyana la rumaysan yahay in ay tahay baqdin xukuumaddu ka qabto ammaanka jidka dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Mandheera.

Jamhuuriya Online

No comments: