Saturday, March 31, 2007

Gudoomiyaha Xisbiga siyaasiga KULMIYE oo cambaareeyay dagaaladda Muqdisho ka socda.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed MSiilaanyo ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dagaallada iyo duqeynta ka soo cusboonaaday magaallada muqdisho ee u dhaxaysa ciidamada dawllada ku meelgaadhka iyo ciidamada Ethiopianka ee is garabsanaya, iyo maleeshiyaadka iska caabinta ee ka soo horjeeda.

Hargeysa(HWN )- isla markaana ay soo xasuusinayso dawladii Maxamed Siyaad Barre dadka reer Somaliland xasuuqaysay kuna garaacaysay, madaafiicda iyo banbooyinka.

Md. Siilaanyo, waxa uu sidaas ku sheegay waraysi ay maanta la yeelatay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaanu duqaymaha ka socda Xamar ku tilmaamay ayaan darro. “Waa arrin aad iyo aad looga xumaado oo tiiraanyo iyo xanuun fara badan ayey aniga (Siilaanyo) iyo ummadda ilaahay ee dhageysanaysaa cid walba ku abuureysaa dhibaatadda halkaa (Muqdisho) ka taagan dagaallada joogtada ah, ee ay ummadduna mar qudha ka gami la’adahay” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Waxa uu welwel ka muujiyey sida uu uga xun yahay shacbi weynaha Soomaaliyeed ee aan waxba galbsan ee banbooyinka iyo madaafiicda lagu garaacayo, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu aad iyo aad uga sii xunahay shacbiweynaha wax alla wax ay geysteen aannu jirin ee maalin walba banbooyinka, madaafiicdda iyo dagaalka joogtada ah ee ku dhacaysa, qaxoontiga, rafaadka iyo dhibaatada haysata” Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “Waxay anniga [Siilaanyo] ii tahay xusuus gaar ah markaan dib ugu noqdo taariikhaha taariikh ka mid ah dabaabaadka iyo dayuuradahaa intay ka kacaan garoomadaadii magaalada dadkii maatadda duqeynaya, oo weliba dawlladdii iyaddu dalka sheeganaysay ay tahay kuwa la dhacaya ama cid iyaga u adeegaysa ay tahay aad ayaan uga xumahay”.

Waxa uu gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo kaga sanqadhiyey inay duqeynta ka socota xamar tahay mid la mida tii ka dhacday Hargeysa wakhtigii dawlladii kaligeed taliska Siyaad Barre “Halkanba [Hargeysa] waa tii ka dhacday dumarka iyo maatidu ka baxeen intay garoonka dayuuradu Hargeysa ka kacddo, dayuurad sheeganaysaa magicii dawlladdii markaa la hayd dadka dawllad ayaanu u nahay ay banbooyinka la dhacaysay, madaafiicda la dhacaysay, dayuuraduhu garaacayeen oo dadku markay qaxeen ee ay ka baxeen ay caruurtii ilkaha iyo afka ku qaadeen oo iyagga oo ayga jooga kaga dabo tagtay oo ay garaacaysay.

Maanta tii oo kale ayaa xamar ka socota marka loo dhaco ee aan runta loo warwareegin waana ayaan daro weyn iyo naxariis darro ayaa ka muuqata waxa ummadda iyo maatidaa lagula kacayo” ayuu yidhi Hadalkan ka soo yeedhay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md, Axmed Maxamuud Siiaanyo ayaa ka danbeeyey kadib markii dagaal culus oo lagu tilmaamay kii ugu ba’naa ee soo mara Muqdisho muddooyinkan dambe.

Weriye, Mustafe-janaale

No comments: