Friday, March 23, 2007

Mid ka mida Maxaabiistii shalay la qabtay una dhashay Somaliland oo la sii daayay isagoo dhaawaca

Cabdi Casiis Cabdilahi oo ah wiil 16 jir ah ,una dhashay Somaliland ayaa lagu guuleeystay in laga sii daayo Maxaabiis fara badan oo ay xoogaga Hawiye ku qabteen dagaalkii Gaashandhigga ee lala galay Isbahaysatadda dalalka IGAD gaar ahaan Askar reer Puntland ah.





“Waar Anigu nin Isaaqa oo garxajis ah baan ahay,seedigeey baa I hoday oo igu yidhi ii kaalay oo ila joog madax baan ahee,dabadeedna qori buu I siiyay oo wuxu I geliyay dhiboow waxba aan ka aqoon ,waan garan waayay laakiin isaga ayaan ilaalo u noqday dabadeedna waxaan ku dhaawacmay dagaalkii Gaashandhigga ,oo aniga oo dhaawac ah baa la I qabtay, ilaa xalay ,manta waan dhiig baxayay,Waar I damiintoo iga saara xabiskaan”ayuu yiri wiilkaas yar oo aad u ildarnaa markii ay Wariyaasha Waagacusub booqanayeen Maxaabiis fara badan oo qol ku dhex xirnaa.



Qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta Somaliland oo lala xiriiray ayaa amray in la toogto oo aan loo naxariisan laakiin markii dambe waxaa lagu guuleystay in la is dhaafiyo,oo aanan Muqdisho lagu dilin .

“ Waar dhulbahante badan baa ku jira Maxaabiista laakiin dee dowladda Cabdilahi Yusuf wax Askara oo Isaaqa anigga iyo mid kale oo Afweyne la yidhaa baa kaga jirnay ,waana ku gubanay oo malaha dadkeena ayaanu qiyaanay oo mabda’ooda hareer marnay “ ayuu yiri wiilkaa da’da yar ee Cabdi Casiis oo lagu wado in berri loo dhoofiyo dhinaca Kenya oo uu sheegay in abtigii degan yahay.

Wiilkaa yar ee Reer Somaliland waxaa la geeyay dhaqtar,waxaana laga daweeyay gacan uu dhaawac ka yahay,kadibna waxaa caawa lagu soo wareejiyay Magaaladda ,isagoo isla markiiba ay farxadiisii dib ugu soo laabatay.,wuxuna dhinaca kale Nadar ku maray inusan dib dambe qori u qaadi doonin ee u Waxbarasho raadsanayo.

Cabdi Casiis Cabdilahi oo caawa ku hoyanaya Hooy uu leeyahay Wariye reer Muqdisho ah ,waxaa lagu tilmaami karaa nin da’yar laakiin kaftan iyo sheeko badan oo run sheega,wuxuuna noqday Maxbuuskii ugu horeeyay ee laga soo dhex saaro 17 Maxaabiisa oo ku jira gacanta dagaalyahanadda Hawiye.

Ahmed Jelle Hassan

No comments: