Thursday, March 22, 2007

NIN WADIIFAD HAYSTAA…? -II

(Waridaad)Intaan la is xasaradeyn ama aan xaaladaha hadda dalka ka aloosan xisbinimo la isugu xajiimayn waxa haboon in dhinayacyada siyaasadda ku hirdamaya mid walba waxqabadkiisana lagu qiimeeyo qaladaadkiisana qumaati loogu iftiimiyo. Markeeda horeba siyaasaddu ma laha saaaxiibtinimo, jiho loo raaco, iyo meel loogu soo hagaago midna oo waa sida dabayshaa hadba dhinac u dhacaysa. Sidaas ayaanay wax lagaga talo galoba u lahayn.


Waxa bishan shan iyo tobankeedii lagu soo daabacay mareegaha warbaahinta Somaliland wareysi Jamhuuriya la yeelatay Xoghayaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Md. Axmed Muumin Seed. Wareysigu wuxu xambaarsanaa TAAR-BIINDHE oogada ku sita cambaarayn iyo aflagaado ku wajahan Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada mucaaridka ah. Xoghaye Seed xildhibaanadii mucaardka wuxu ku tilmaamay niman aan fahamsanayn shaqadoodii; xisbiyadii mucaaridkuna waxay noqdeen “Qaran Dumis.” Ninka qarankiisa duminayaa muxuu ku doorsaday? Haddaan la is xisdiyeyn mudanayaasha aynu u codeyney muxaafid iyo mucaaridba waa niman fahamsan gudashada Xilka ay ummadda u hayaan tii oo ay jirto in ay isku khilaafi karaan mabaadii’da iyo afkaarta.


Maalin la isku cabsiiyo xisbi hebel waa qaran dumis weynu ka soo gudubney e ha laga koro waxyaabaha qaarkood. Duullaankan qaawan ee xoghaye Seed kula dul kufay Golihii Wakiilada iyo xisbiyadii mucaaridku waa deelqaaf aan meesha qaban. Haddii siyaasadda isku aragti laga noqonwaayo macneheedu ma aha qaran dumisnimo iyo wax u eg toona. Waxa lama huraan ah mar walba in xeerarka dalka u dejisan sidooda loogu dhaqmo oo aan sarsarka laga dhaafin.


In badan miyaan la arag nin mabda’uu shalay ka soo horjeeday maanta u ololaynaya oo dacalka ka raacay. An tusaale ahaan u soo qaato xiligii Shirweynihii Beelaha Somaliland ka socday magaalada Boorame. Waxa jirtey koox subax kasta madasha shirka bannaanbax ka hor qaban jirtey iyagoo sita calankii dawladdii kulalihi ee halligantay. Abaabulkaas waxa hormood ka ahaa nin aanu ardeynimadii si fiican isu niqiin oo weliba dhibaato mug lihi ka soo gaadhay dagaaladii Muqdisho. Saaxiibkay maanta waa Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Gobol Awdal. Wax lala yaabo ma aha oo haddaan mayal adayg jirin mabda’u sidaa dhibta yar ayuu is doorshaa. Waxa hore loo yidhi nin sa’ay ama sardhiyey waa sida dibi gadooday oo dhinac walba hirdi iyo harrati u laliyey. Haddiise xaajadu tahay wax toosin iyo talo soo jeedin dhab aha waxa haboon in si miyir leh oon xisbiyeysnayn maslaxadda iyo danta qaranka wax kasta looga horeysiiyo. Mucaarid iyo muxaafid kii ka horyimaada danta guud ummaddu u dulqaadanmayso dalkana hadba inta talada haysaa kelidood ma la ha.


Tusaale labaad an falliidh yar ka soo qaato TAAR-BIINDHA Xoghaye Seed anigoo xasuusinaya sidii loo maamulay kal fadhigii ugu horeeyey ee Golaha Wakiilada Somaliland doorashadii ka dib:


Marka ummadi u codeyso Gole barlamaan oo cusub si gaar aha ayaa loo qabanqaabiya kal fadhiga ugu horeeya oo brotokool khaas aha ayuu leeyahay sida distoorkeena ku qeexan oo ah in kal fadhigaas lagu doorto Shir Guddoonka Golaha. Waa dhaqan u gaar aha Golayaasha sharci dejineed ee dunida ka jira intooda badan. Waxa qabanqqaabada ugu horeysa in qoraal laga diyaariyo barnaamijka munaasabada maalintaa loogu talogalay. Waxana ugu horeysa madaxda qaranka, marti sharafta kale ee lagu casumay ka qeybgalka munaasabada sida: Danjireyaasha, madaxda haya’daha dawliga ah, madax dhaqmeedyada, madaxda haya’daha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala, iwm. Qoraalka waa in loo qeybiyaa dhammaan dadka lagu soo casuumay munaasabada si ay ula socdaan hadba halka barnaamijka marayo. Haddaba iyadoo sidaas dunida looga dhaqmo, ayaa waxaynu leenahay Wasaarad xilkeeda koowaadba yahay hirgelinta hawshan kor ku xusan. Nasiib wanaag waxa intaa dheer in hoggaanka wasaaradu waayo aragtinimo u leeyahay arrinta sababta oo ah isaga oo ka mida aha Golihii Wakiilada Somaliland ee la doortay February 1960 noqdayna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen muddadii u dhexaysay July 1960- May 1962.


Waxan filayaa in aynu si wanaagsan u xasuusannahay qaab xumadii iyo isdhexyaacii goobta ka dhacay. Halkay xaajadu ka guracantay? Ma ilduuf bay ahayd mise iska garab mar? Xilka qaranka miyaan muxaafid iyo mucaaridba loo sinayn? Haddiise doorashadii lagu kala calaf qaaday xaggee quudhiwaagu ka yimid? Xaajigii Golaha ugu da’ada weynaa ee shirka guddoominayey xeerkuu se ka helay xidhitaanka shirka iyadoon hawshii dhammaan? Wareysigii laanta afka Soomaliga ee BBCda lagaga andacoonayey in afgambi dhacay malahayga waxa ka qumanayd in la yidhaa inqilaabkii wuu naga dhicisow oo noo hirgeliwaa. Seedoow nin maqlay iyo nin madasha maalinta fadhiyey midna wixii dhacay kuma farxin. Isku soo xooriyoo hadana laguma sifayn karro “Qaran Dumis.”- waa tilmaan qadhaadh oon qurux badnayn. Bal ogsoonow ereyga “Siyaasa” waxa la yidhi asalkiisu wuxu ka soo jeeda erey af carbeeda “Saasa” oo macnihiisu yahay khiyaamo! In la xisaabtamo xaq weeye hadba wixii dhacayna in dib la isu xasuusiyo waa mid meesha ku jirta oon laga maarmeyn.


Kol Haddii muxaafid iyo mucaaridba xaalkood noqday sidi awr laacdamaysa oo midba ka kale daranyo la beegsanayo, ballankeenu ha ahaado in hadba kii durduriya ama darjiidha aynu xakame iyo shakaal ku yuururino. Sidaa haddaan la yeelinna waxaba inoo hirgelimaayaan. Xakamaynta ujeedadeedu waa yaan la noqon sidi ratti dabar la’aan muska jeexay oo habar dugaag uubatada qaaday.


Ugu dambeyn waxan saxiibkeen Axmed Muumin Seed ugu baaqayaa in uu booqdo Shebekadaha wararka ee Somaliland si uu uga bogto weerarada lagu hayo axsaabta mucaaridka ah isaga oo ugu horeyn ka arooraya hilinkan hoos ku yaal:


http://www.somalilandcenter.com/content/view/3501/1/


Waa inoo rogaal celiska Seed iyo wixi ka soo yeedha.
Ilaahay ha inaga yeelo inta caqligoodu shaqeeyo e aan caloosha ka tamarin.


Was Salaamu Calaa man ittabacal hudaa.


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse.

No comments: