Tuesday, May 01, 2007

Abgaal oo u kala dheeraynaya Cabdillahi - Yey -Yaab & Amakaak

(Waridaad) - Warar hoose ayaa sheegaya in guux badan oo mucaarad ah ay wadaan maalmahaan waxgaradka, Saraakiil, Aqoonyahanno ka soo jeeda Beesha Wacbuudhan oo ka mid ah Beelaha Abgaal -Mudulood, kadib markii uu Prof.Cali Maxamed Geedi uu u xagliyay beesha Harti uu ka soo jeedo, isla markaasna iska indha tiray baaqyo loo jeediyay kuna aadan mudnaantii beeshani ay ku laheyd saami qeybsiga Maamulka Dowladda.

Waxgaradkaan ayaa sheegaya in qaab dhismeedka Dowladda uu ku saleysan yahay qaabka awood qeybsiga 4.5, waxeyna intaasi raaciyeen in Prof.Geedi uu hareer maray qaabkaasi saami qeybsiga ku dhisan, kadib markii uu beesha uu ka soo jeedo ee Harti Abgaal uu u sed buuriyay saamigii ku soo aaday beelaha Mudulood, wuxuuna ka simay beeshiisa jagooyinkaan -Mr.Cali Mahdi Maxamed Gudoomiyaha shirka dib u heshisiinta, Mr.Salaad Cali Jelle Wasiir kuxigeenka Gaashandhigga, Maxamed Cumar Xabeeb Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Benadir, Mr.Cabdi Jiinow Maareyaha Dekada Muqdisho, Gen. Nuur Shirbow Taliye kuxigeenka Ciidanka Nabadsugida, Ganacsade Iiman Maxamed Cali oo loo magacaabay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo xubno kale, Waxgaradkaan ayaa cuntami weyday xeerkaan cusub oo sed bursiga ku dhisan ee uu la soo shaac baxay Prof.Geedi, waxeyna ku eedeeyeen in uu xilalkoodii ka qaaday Mr.Muuse Suudi, Cumar Maxamed Filish, iyo Mr.Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow, isla markaasina baaqyo badan oo loo jeediyay iska indha tiray, kuna aadan doorka Beesha Wacbuudhan Abgaal, waxeyna ka digeen in tani ay horseedi karto khilaaf, iyo iney ashtako ka dhan ah u gudbiyaan Col.C/laahi Yuusuf, si uu wax uga qabto cadaalad darrada ay ka tabanayaan Prof.Geedi, waxeyna sheegeen in dowladu tahay mid dib u heshiisiineed.

Xigasho: wadanka.com

No comments: