Thursday, April 12, 2007

Beesha Hawiye oo beesha caalamka ugu baaqday in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland.

Muqdisho, 12 April 2007 (HawiyeNews.com) - Golaha guurtiga beesha Hawiye ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay sida ay raali ugu yihiin aqoonsiga in Somaliland ay noqoto Dowlad madax banaan oo lamid ah Jabuuti , Kenya iyo Ethiopian.

Golaha guurtidu waxey beesha caalamka ugu baaqeen in si deg deg ah Somaliland aqoonsi buuxa loo siiyo si loo helo cadaalad ka hirgasha geeska Afrika.

“Somaliland waxey dhameystiratay dhamaan maamulkii Dowladnimo sidaas darteed beel weynta Hawiye waxey raali ka tahay in Somaliland loo aqoonsado Dowlad madax banaan” sidaas waxaa yiri Suldaan Salaad Ducaale Kaahiye oo kamid ah hogaanka golaha guurtida Hawiye.

Guji halkan si aad u sii akhridid

No comments: