Sunday, April 29, 2007

C/lahi Yuusuf waa Aargoostey laakiin Hawiye ayuu ciil Aargoosi geliyey

Kadib shirkii Jaraa'id uu Villa Somalia shaley ku qabtey Col. C/lahi Yuusuf ayaan waxaan wareysi ka qaadney dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho iyo sida ay u arkaan hadaladii ka soo yeerey C/lahi Yuusuf kadib dagaalkii 9 maalmood.

Nin Odey ah oo aan kula kulaney agagaarka Baar Ubax ayaa nagu yiri "Adeer C/lahi Yuusuf ciddi kama qarsooneen in uu Aargoosi u socdey wuuna Aargoostey laakiin mar walba uu ruux Aargoostaa wuxuu ciil geliyaa qof kale oo uu ku beeraa in asagana Aargoostaa hadda C/lahi Yuusuf Hawiye ayuu geliyey ciil ay ku Aargoostaan".

Odey kale oo dhinac fadhiyey oo carro dartii aan hadli karin ayaa yiri Adeerayaal xasuuq baa magaalada ka dhacey waadna la socotaan C/lahi Yuusuf asagana waa ogyahay anagana waan ognahay sidaan dowlad laguma noqdo Aargoosi buu u socdey wuuna ku guulleystey laakiin C/lahi kama fekerin beesha uu ka dhashey meesha ay ku danbeyn doonto, dabka Muqdisho ka shidmey Gaalkacyo ilaa iyo Boosaasuu gaari doonaa waana arki doontaan"
Wariyaheena ayaa Odeygii dib u weydiiyey Adeer ma Aargoosi baa weligeena ku jireynaa?. Odeygii baa intii Mikrafoonkii naga tuurey nagu yiri " Nimaan Aarsan hooyo ma dhalin haddii Odey 90 jir ah waa C/lahi Yuusufe Aaargoosi doon yahay maxaa dadka kale ka reebey, Adeer sheekadu meesha kuma dhaman doonto".


Waxaa nagu soo xoontey dad tiri badan oo aad u carreysan oo gedigood in ay hadlaan doonayeen, dadkii nin kamid ah baa wuxuu si qeylo leh ugu cel celinayey "Dagaal yahanadii dhufeyskii keliyee ka baxeen oo rasaastii baa ka dhamaatey laakiin dagaalkii weli ma dhamaan oo is abaabulid bey ku jiraan, C/lahi Yuusufna wallee Magaaladan Madaxweyne kama noqdo".


Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa kacsan dadka ku nool waxaa wejiyadooda ka muuqda carro iyo ciil xoog leh, magaaladii gebi ahaan waa burbursan tahay hantida ku luntey lama qiyaasi karo waxa naf aan waxba galabsan xaqdaro loo dileyna lama soo koobi kari. Goobihii lagu dagaalamey si meydka daadsan loo aaso bilooyin ayey qaadaneysaa waxaana laga baqayaa in cuduro ka dhashaan.
Dadka magaalada ka qaxey inta badan waa ku adagtahay in ay soo noqdaan madaama dadkii soo noqdey kadib dagaalkii 4 maalmood misna dib ugu qarxey dagaalkii danbe ee 9 maalmood.


Dadka Reer Muqdisho oo ah dad aad ugu adkeysi badan dagaalada ayaa waxey ebidkooda ka sheekeyn doonaan 1000 BM ee Itoobiyaanka ku garaacey dushooda, barakacii, burburkii, Meydadka dariiqa daadsan iyo Geeddi iyo C/lahi Yuusuf oo weli magac dowladnimo sheeganaya.

Xigasho: Xog-waran

No comments: