Sunday, April 15, 2007

DIGNIIN KU SOCOTA SHABAKADAHA XAGJIRKA AH EE SANAAG-BARI

(Waridaad) - Waxa ay Shacbiga geesiga ah ee ul iyo diirkeedka ahi ee Reer Somaliland, ay halkan uga digayaan wiilashan afka qadhmuun ee qabyaalada sumeysan wada ee munaafaqada, fidnada, iyo beenta qaawan shaqada ka dhigtay ee hurinaya colaad isirreed ee mudada dheer caadeystay inay dhex dabaashaan xumahoodaas cadiifadeysan ee cuqdadu iyo ciil kama korenimadu ka buuxdo haatana wada dacaayado raqiis ah iyo aflagaadooyin shaqsi ahaaneed iyo mid beeleedba oo aan geed uga soo gabasho lahayn oo xagjir ah kulana dhex jira muwaadiniinta degaanada Sanaag-bari iyo Sool-Bari kuwaasoo ismoodsiiyey inay Xadaaradu, Aadnimadu, Soomaalinimadu, Muslimnimadu, Siyaasadu, Qarannimadu, Xukunku, Nasabnimadu, Raganimadu, Geesinimadu, iyo Horumarkuba uu yahay Reer Hebelnima inkastoo ay cid waliba Reer Hebel tahay sidoodana aaney u dhaqmin iyo adeegsiga xumaha iyo qabyaalada sumeysan ee fashilan ee Iisireysan ee waa hore uu gabalkeedu dhacay haatana lagu soo af jaraayo magaalada Muqdisho.

Sidaas daraadeed, waxa aanu halkan si adag ugu digeynaa wiilaashaan indhaha, dhegaha, iyo qalbiga la’ ee wada mar dhoofka ah ee buskutka aaney weligood ku riyoon ku cunaya qurbaha ee maamula shabakadaha xagjirka ah ee ku magacaaban degaanada gaar ahaan magaalooyinka iyo Gobolada Sanaag-Bari iyo Sool-Bari ee dalka Somaliland sida,

http://allsanaag.com

www.laasqoray.net

www.dhahar.com

www.widhwidh.com , iwm.

Dhinaca kale, waxaanu wiilashan xumi uga digeynaa, inay si deg deg ah u joojiyaan aflagaadada foosha xun ee ay u adeegsanayaan Beelweynta Reer Sheikh Isxaaq ee aan cidna godob ka gelin, Uuruka SNM iyo Mujaahidiinteeda ee ummadan iyo dalkan xoreeysey, Mas’uuliinta Dowlada JSL, iyo guud ahaan shacbiga iyo Jamhuuriyada Somaliland.

Waa inay wiilashan aan weli ilbaxin ee jahawareersani, ay ogaadaan in horey iyo hadaba la wado diiwaangelinta kelmad walba ama qoraal walba oo ku saabsan hurinta colaada isirreed ee aydun caadeysateen ee ku qotonta xasuuqa iyo gumaadka beelaha kale ee Reer Somaliland; waana inaydun ka waantowdaan waxa aydun geesinimada moodeysan iyo ku faanka la xidhiidha inaydun degaanadiina hore ugu xasuuqdeen dadkii rayidka ahaa ee Beelaha Isaaq, waagii lagu hawlanaa Dhabarjebinta Isaaq sida hadaba ka muuqata qoraalada ku jira shabakadahiina.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: