Saturday, April 07, 2007

Somaliland: Hadhaagii NSS-ta iyo Xuska Sannad-guuradii 27 aad ee Aasaaskii Ururka SNM

(Waridaad) - Maanta oo maalin weyn ah taariikhduna, ay tahay 6 April 2007, ayaa waxay ku began tahay Sannad-guuradii 27aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka Somali National Movement (SNM) kaasoo inoo horseeday halgankii dheeraa ee qadhaadhaa ee xaq u dirirka ahaa ee aanu la galanay rijiimkii militariga ee waxashnimada ahaa ee Horor Siyaad Barre iyo dhamaan maliishiyo beeleedyadii taageerada u ahaa kaasoo uu Eebe inagu garab galay kuna guuleysaney kuna soo af jarnay dulmigii iyo cadaalad daradii baaxada weynaa, kibirkii iyo faan bilaashkii gunnimada ahaa, amar ku taagleyntii iyo daalinnimadii foosha xumeyd, kufsigii iyo waxyeelooyinkii bahdilaada ahaa, dilkii iyo dhacii xad dhaafka ahaa, xasuuqii aan loo aabo yeli jirin ee joogtada ahaa, baarakicintii iyo dhul boobkii qorsheysnaa, iyo isir gumaadkii la inagu fulinayey kaasoo aanu ku soo ceshanay dadnimadeeni, sharafteeni, karaamadeeni, xorayaddeeni, iyo dalkeeni hooyo ee Somaliland. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar, Allaahu Akbar.

Maalintan weyn ee qadarinta weyn lehi ee micnaha weyn ugu fadhida shacbigan iyo dalkan Somaliland loogana fadhiyey in uu Riyaale iyo Xukumaddisu iyo Xisbiga UDUB ee talada haya, ay mudnaan iyo muhiimad gaar ah siiyaan oo ay sannad-guuradan iyo kuwi ka horeeyeyba ay xus qaran iyo dabaaldeg balaadhan u dhigaan, ayaa waxay ku bedeleen soo hadal qaadi la’aan munaasabadeed iyo aasid taarikheed, xus iyo dabaaldeg la’aan qaranneed, xaalad abuur fool xun, iyo isku day bahdilaada ururka SNM iyo Mujaahidiintii xoreynta ummadan iyo dalkan dhiigooda u soo daadisay soona dhicisay xorayaddeeni hororka iyo waraabuhu la tegay kuwaasoo keenay calankan ay maanta hoos hadhsanayaan iyo midhihii ka dhashay ee ay keligood cunayaan kaa dib, markii uu:

Madaxweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL uu soo maleegay shirqoolka qaawan ee fashilka ah ee bam gacameedka yar lagu tuuray derbiga gurida Damiirlaawaha hablaha yaryar iyo sodohooyinka la ficiltama ahna Wasiirka Warfaafinta taasoo ah xaalad abuur aad u raqiis ah.

Madaxweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL uu la shiray Taliska NSS-ta Hargeisa ee isku magacaabay CID-da, inay hawl galkan mugdiga ah ay fuliyaan oo ay bam gacameed ku tuuraan guriga damiirlaawe dabadeedna, ay heegan ahaadaan oo ay isaga ka war sugaan.

Madaxweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL uu amray in Wasiirka Arrimaha Gudahu ahna Ku Xigeenka madaxa NSS-ta JSL uu isla markiiba si kulul u cambaareeyo kuna tilmaamo in hawlgalkan mugdiga ah ee foosha xun aaney dad shisheeye ahi fulin ee ay dad gudaheena ahi ay fuliney hawshaas qaran dumiska ahi inkastoo aan arrinta cidna loo qaban, baadhitaana lagu sameyn oo uu bileysku wax raad iyo tuhun toona hayn.

Madaxweynuhu ahna NSS-ta JSL, wuxuu mar kale amray in kooxdiisa NSS- ta ahi ee Hargeisa ee isku magacowday CID-da, goob kale hadana ay bam gacameed ku tuuraan si a) raadka loo qariyo b) khatar taxane ah oo wax ka qabasho deg deg ah u baahan looga dhigo c) loo shaaciyo khataraha huu haada ah ee xaalad abuurka ah ee ummada iyo dalka lagu majaro habaabinayo, d) barobagaande ahaan loogu adegsado iyadoo lagu mar marsoonayo ka hortegida cadowga gudaha iyo ilaalinta nabadgelyada iyo qarannimada Somaliland taasoo lagu doonayo in lagu minjo xaabiyo sumcada iyo sharafta shaqsi ahaaneed iyo siyaasad ahaaned ee mas’uulinta iyo mujaahidiinta qadarinta mudan iyo Madaxda iyo Xisbiga KULMIYE ee xoogan ee u heelan xukunka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxaweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL uu amray in kooxdiisa NSS-ta ee Hargeisa ee isku magacowday CID-da, ay bilaa waraan sharciyeed ku soo qabtaan Muj. Muuse Bixi oo markaas gurigiisa iyo caruurtiisa dhex joogay kaasoo ah halyey qaali ah oo ummadan iyo dalkan xoreeyey baal dahab ahna kaga jira taariikhda Somaliland ahna mas’uul sare oo ka tirsan Gudiga Fulinta ee Xisbiga mucaaridka ee xoogan ee KULMIYE kaasoo si munaasab ah ugu gacan saydhay shirqoolka hadhaaga NSS-ta ee loo soo diray kana midka ah cadowga gudaha ee shaadhka kale inoo soo gashatay.

Madaxweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL uu markan amray mid ka tirsan Wasiiradisa NSS-ta ah gaar ahaan Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, inay waan waan ku sheeg khiyaamo ah uu ka galo sharci ku taagnida Muj. Muuse Bixi iyo sharci darada NSS-ta isku magacowday CID-da taasoo uu si fool xun ugu guul daraystay sidaasna ay gurigii mujaahidka isaga huleeleen iyagoo niyad jabsan. Ma aragtaan sida ay NSS-tu, ay howshan isugu dhiib dhiibtay?

Hadaba, su’aalaha meesha yaala waxa weye:

Xuskii sannad-guuradii 27aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM, ma waxa lagu bedelay in lagu xuso shirqool, xaalada abuur, amar ku taagleyn, sharci daro, handadaada, iyo xadhiga dhicisoobey ee Mujaahid Muuse Bixi?
Maxaa ku xigi doono falalkan iyo talaabooyinkan foosha xun ee sharci darada ah ee nabadgelyo khalkhalinta ah ee uu qaaday Madaxweynuhu ahna madaxa NSS-ta JSL?

Maxaa, shacbi ahaan iyo mujaahidiin ahaan inoo banaan ee aanu ku ilaashan karna sumcadeena iyo karaamadeena kagana hor tegi karnaa shirqoolada joogtada ah ee la inala bartay, xaalad abuurkan qaawan ee edeb darada ah, daan daansiga aan geedna loogu gaban, iyo xiniinyo taabashadan cad?
Reer Somaliland, ma tashana oo wanaag ma ku tashanaa oo Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal ma adeegsanaa oo ma iska dhicinaa kooxdan yar ee wada NSS-ta ah ee aan ummadan iyo dalkan lexejeclo ka qabin ee ka mid ah cadowga gudaha ee dulmiga, cadaalad darada, bahdilaada, iyo dibu dhaca baaxada weyn inagu haysa ahna Riyaale iyo Xukumadiisa iyo Xisbiga UDUB ee talada ee caado qaadatada ah?

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: