Saturday, April 14, 2007

Warsaxaafadeed Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Mudane C/laahi Maxamed Ducaale ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhahar

Warsaxaafadeed‘’Wefdigii balaadhnaa ee ka socday Jamhuuriyada Somaliland ee ku sugnaa gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Mudane C/laahi Maxamed Ducaale ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhahar , waxana soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga JSL Mudane Aadan Mire Waqaf , Wasiirka Ciyaaraha JSL Mudane Maxamuud Siciid Maxamed iyo dadweynaha reer Dhahar iyadoona loo kala hadin Caruur iyo Ciroolaba.

Waxana ciidamada JSL ay ka tallaabeen wadada Laamida ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga oo guddi ka tirsan Ciidamada Qaranka ay sahan u tageen Magaalada Shimba oo Toban Kiiloo miter gudaha ah gobolka Majeerteeniya, kana soo laabteen.


Waxa kale oo ay wasiiradii ka socday Jamhuuriyada Somaliland ay gudaha Dhahar ka sameeyeen Maamul iyo Booliis suga Nabad gelyada oo ay ugu horeeyaan Jeelasha.


Dhinaca kale degmada Buuhoodle Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud Mudane C/rashiid Ducaale iyo Xildhibaano , Saraakiil Booliiska iyo Qaranka isugu jira ayaa iyaguna halkaasi ku sugan, waxa dadweynaha iyo Cuqaasha reer Buuhoodle si weyn ugu soo dhaweeyeen , una sameeyeen Casuumad balaadhan , waxana dadweynuhu soo dhaweeyeen Waxqabadka Dawlada JSL u wado.


Xukuumada Somaliland waxay u mahad naqaysaa Ciidamada JSL iyo dadweynaha reer Dhahar iyo Buuhoodle Sida Wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen , waxna ula qabteen


’’Alla Mahad leh,Axmed X. Daahir Cilmi


Wasiirka Warfaafinta JSL iyo isla markaana ah Afhayeenka Xukuumada Somaliland

No comments: