Thursday, April 12, 2007

Xabaala-wadareedyo Cusub Oo Laga Helay Koonfurta Hargeysa: Waxa Booqday Siyaasiyiinta Mucaaridka



Hargeysa (Somaliland.org)Daadad ka soo rogmadey roob xalay ka da'ay magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda ayaa soo saaray xabaal-wadareeyo cusub oo ay ku jiraan qalfoofka dad loo malaynayo in xasuuq lagu laayey, kadibna isku goob lagu wada aasay, sannadihii 1988/89, markii dagaaladu dhexmareen Xooggagii SNM iyo ciidamada Taliskii Siyaad Barre ee ka talinayey gobolkan.
Xabaalo wadareedyadaas waxa laga helay xaafadda Boqol Jire ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, meel u dhow xabaalihii hore ee Xasuuqa ee Malka-durduro oo iyagana daadadku daahfureen qalfoofka boqolaal qof oo ku jira xabaalwadareedyo, kuwaas oo inta la isku xidhxidhay rasaas la mariyey, kadibna goob keliya lagu wada aasay.

Xabaalwadareedyadan cusub oo laga helay beero u dhow beero u dhow Malka-durduro ayaa waxa saaka arkay qaar ka mid ah dadka beerahaas leh iyo dadka xaafadda deggan oo u sheegay saxaafadda iyo dad kale. Waxaana xabaalahaas lagu arkay qalfoof ay ku duuban yihiin xadhko la filayo in la isugu xidhxidhay dadka la xasuuqay, maryihii ay xidhnaayeen dadka la xasuuqay iyo maryo loo malaynayo in indhaha lagaga xidhay, ka hor intii aan la toogan iyo waxyaabo kale oo muujinaya in ay yihiin xabaalwadareedyo cusub oo ka baxsan Xabaalihii hore ee dib loo aasay qalfoofkii daadku soo saaray.

Xabaalwadareedyadaas cusub waxaa booqday galabta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida Fulinta ee xisbiga iyo siyaasiyiin kale oo mucaarid ah oo uu ka mid yahay Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid urur dhowaan lagaga dhawaaqay Hargeysa oo la yidhaahdo QARAN.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyaha ururkii SNM wakhtigii xooggaga ururkaasi dagaalada adag kula jireen ciidamada Taliskii Siyaad Barre ee cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacbiga reer Somaliland iyo Maxamed Xaashi oo isaguna ka mid ahaa aasaasayaashii SNM iyo hoggaankii siyaasadeed ee ururka ayaa labaduba waxay murugo ka muujiyeen dadkii la xasuuqay ee qalfoofkooda uu xabaalahaas ka soo saaray daadku oo ay sheegeen inay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba geysan, balse, ciidamadii Siyaad Barre intay ka soo ururiyeen magaalada ay xasuuqeen, iyagoo kaga aar-gudanaya khasaarihii ka soo gaadhey dagaalkii SNM.

Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Xaashi waxay ku baaqeen in la dabagalo oo aan laga hadhin dadkii masuulka ka ahaa xasuuqaas oo ay sheegeen inuu ka dhacay Galbeedka Somaliland ilaa Ceerigaabo oo ah bariga fog.

Axmed Siilaanyo, waxa uu isagu sheegay in uu jiro Guddi Qaran oo loo xilsaaray dabagalka Xasuuqii loo geystey shacabka ee ka dhacay dalka, isla markaana ay socoto hawl caalami ah oo lagu baadhayo xasuuqaas, isagoo xusay in ay dalka yimaaddeen khuburo caalami ah oo baadha xabaalaha xasuuqa. Balse, waxa uu sheegay in muddadii uu talada hayey Madaxweyne Riyaale la curyaamiyey hawsha guddidaas. Waxana uu soo jeediyey in guddi madax bannaan loo magacaabo dabagalka xasuuqa.

Goobaha laga helay xabaalahan iyo kuwii ka horreeyey ayaa ah meelo u dhow xarunta Taliskii xoogga badnaa ee lagu magacaabi jirey Qaybta 26aad ee Ciidamadii Siyaad Barre, haatanna ah taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland. Waxaana la sheegay in dad fara badan oo shicib ah iyo saraakiil ka tirsanaa ciidankaba inta la soo ururiyey, kadibna inta kooxkoox la isugu xidhay dhegta dhiigga loo daray, iyada oo loo dilayey inay isku hayb ahaayeen urrurkii SNM. Dilalka noocaas ahina waxay dhaceen sannadihii 1988 ilaa 89 markii xooggagii SNM ay soo galeen gudaha Somaliland, gaar ahaan Burco iyo Hargeysa.

Dadka beerahaas leh ayaa u sheegay saxaafadda in ay rumaysan yihiin in beerahooda oo dhami ay buuxaan oo ay meelo badan oo ku jiraan xabaala-wadareedyo.

Xabaalo-wadareedyadani waxay soo baxayaan iyadoo Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ee Caalamiga ahi ay soo cusboonaysiiyeen dacwadda la xidhiidha dembiyadii dagaal ee uu geystey oo ay doonayaan inay ku soo oogaan Gen. Cali Samatar oo 1988kii ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, isla markaana amray duqayntii Ciidamadaasi u geysteen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Cali Samatar waxa uu hadda ku nool yahay dalka Maraykanka.

C/risaaq M. Dubbad,

Hargeysa

No comments: