Friday, May 11, 2007

BEEL SOMALILANDER AH OO INOO ABGAAL-LEYNAYSA

Marka hore, muran kuma jiro in Ina Riyaale iyo Xisbiga UDUB la is la wada arkay loona xumahooda iyo qaran dumisnimadooda lona tiranayo, inay ka mid yihiin Cadowga Gudaha ee shaadka kale inoo soo gashtay kuwaasoo weliba habka ay u dhaqmayaan, hagardaamooyinka ay inagu hayaan; shirqoolada ay inagu fulinayaa; ay muujinayso qaar inoo cadeystay oo ka mid ah Somaliweyn.

Marka xigta, waxay Ina Riyaale iyo Xisbigiisa UDUB, ay u muuqdaan daneysteyaal iyo calooshooda u shaqaysteyaal u adeega cadow shisheeye oo aan si kale inoogu soo dhaci karin ama inoogu soo badheedhi karin inay iyaga inoo soo raacaan mooyaane; waxaaney u taagan yihiiin sida ku cad ficiladooda ee geed uga soo gabashada lahayn, ay u curyaamiyaan qadyada iyo jiritaanka Somaliland.

Intaas waxa ii dheer, inay si cad ugu hawlan yihiin, inay curyaamiyaan, wixii walba oo aynu wax ku noqon lahayn sida curyaaminta Geedi Socodkeeni, Dimoqraadiyadii, Dastuurkii iyo Shuruucdii Dalka u taaley, Saddexdii Waaxood ee Hab Dowligeena (Madaxtooyada, Xeer Dejinta, iyo Cadaalada), habka Xisbiyada badan gaar ahaan Xisbiyada Mucaaridka, Illahii Dhaqaalaha oo dhan, Xoolahii Noola, Dekedii Qaranka ee Berbera, Nabadgelyadii, Horumarkii, Danta Guud oo dhan, iyo guud ahaan Siyaasadi Gudaha iyo mida Debedaba.

Waxaas oo dhan, waxa ka daran, inay inagu dhex jirto beel aragti gaabaan oo maangaabyo badani ay hor boodayaan oo la wada garanayo oo ka mid ah BEELWEYNTA ISAAQ oo xinka, xasadka, cadowtinimada, axmaqnimada, iyo shisheeye kalkaalnimada ku jirta, ay u dhiganto mida dabaalnimada BESHA HARTI ABGAAL ee walaalahood Hawiye adhax ka jebisay cadowgana u loogtay una horseeday in maatadoodii la Isir Gumaado taasoo sida ay hore iyo hadaba u dhaqmayso ee danaystenimadu ku jirto keeni karta inay cadowgu inoo soo maro sidaasna, ay inoogu loogto nacabka, haddi aan hada runta loo sheegin lagana tashan la iskana qaban.

Run ahaantii, beeshani, waa halka sartu ka qudhuntay ama salaadu ka xidhmi la’dahay ee Ina Riyaale iyo xulufadiisa ku garab taagan xumaha uu Ummada iyo Dalka ku hayo oo dhan; waana kuwa khatarta weyn ku haya qadyada iyo jiritaanka Somaliland, halkaa aanu maanta fadhinona ina dhigay muranka goleyaasha taagana ina baday.

Dhinaca kale, beeshani, waa beel weligeed kuwa hor booda, ay gacan haadiska shisheeye iyo cadowga ummada iyo dalka u nugleyd ee mar walba la inoo soo mari jiray tan iyo halgankii dheeraa ee qadhaadhaa ee SNM.

Run ahaantii, anigu garan maayo wax aan ku macneeyo kelmadan cadowtinimada xumi iyo kaba qaadnimadu ka muuqato ee qaar madax ku sheegooda ka mid ah, ay mar walba ku hadaaqaan sida:

“KUWI SHALAY CIGAAL KA SOO HORJEEDAY, AYAA MAANTANA RIYAALE KA SOO HORJEEDA MAANTEYNUNA ARSANEYNAA”!!
“RIYAALE, WAA XABAGTA ISKU KEYN HAYSA; HADDII UU MAANTA BOORSADIISA QAATO WEYNU IS DILEYNAA”!!
“HADDII AANU CIGAAL JOOGIIN SIDA KOONFUR BAANU DAGAAL OOGEYAAL YEELAN LAHAYN”!! etc etc. etc.

Waxa kale oo intaas oo ka daran, ka beeshaas ka tirsan ee isku daya inuu beelaha kale ee walaaladii ah ama xisbiyada mucaaradka gaar ahaan Xisbiga KULMIYE, wax la qabsado oo dadkiisa iyo dalkiisa daacad u muujiyo ama u adeego, in markiiba Hargeisa looga soo diro qaar maangaabyo ah oo ay isku beel yihiin oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Hawlaha Guud, Odeyga ugu da’da weyn ee xumaha faraha kula jira ee Golaha Gurtida ku jira, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Xoghayaha Xisbiga UDUB, iyo qaar kale oo badan oo loo soo adeegsado xumahaas iyagoo weliba loo soo dhiibay shandado lacag ah oo ay hawlahaas qabyaaladeed ee curyaaminta ah ku fuliyaan; waana kuwa doorashadii dhoweyd ee Baarlamaanka Burco u yimi, inay minjo xaabiyaan Mudane Cabdi Aw Daahir; ayaan dhowaydna haystay Mudane Khadar Ambassador; maantana Burco u jooga, inay minjo xaabiyaan ururka Qaran iyo Dr. Gaboose!!

Madax ku sheega beeshani, waa kuwa ugu badan khaayimiinta isku magacowday DIR WAQOOYI; Wana kuwii ku hadaaqay inay yihiin FEDERALIST, berigii dhoweydna isku dayey inay inaga dhex toosaan ka dib markii ay isku sheegeen inay ayidsan yihiin MAXAAKIIMTA diinta ku qaraabanaysay ee Somaliweynta ahaa ee la jebiyey;

Waana qaar damiirlaaweyaal ah oo ay qabyaalad iyo cuqdad xumi googoysay oo weli gocanaya sida ay markasta ku andacoodaan in la minjo xaabiyey siyaasigoodii Ina Walaandiid iyo Cabdiraxmaan Tuur, sidaas daraadeed, aaney marnaba ogolaan doonin in cid kale far dhaqaajiso xitaa haddi, ummadu iyo dalkuba ku burburayo; waxa kale oo intaas u dheer inay weli maskaxdooda ka guuxayso dagaalkii Burco ee ay iyagu ka mas’uulka ahaayeen sida dagaalkii Daroor ee lagu kala bogsadey.

Hadaba, anigu waxaan leeyahay halka, ay Ummada iyo Dalka Somaliland ka dhutineyso ee cadowga huwanta ah ee shisheeye inoo nugleynaysa ama inoo soo wada, waxay yuuruurtaa magaalada ODWEYNE IYO CERIGAABO kuwaasoo, run ahaantii, inooga daran magaalada Badhan iyo Laas Caanood; waxaana loo baahan yahay sidii arrintan halista ah wax looga qaban lahaa ama loo furdaamin lahaa intaaney inoo Abgaal-leyn.

Dhinaca kale, waxa jirta madax ku sheeg maamulka Riyaale iyo Xisbiga UDUB ka buuxa hab dhaqankoodu iyo ficiladoodu u dhigma kuwa ku jira Dowlada Murtaadiinta ee Aargoosiga ee KMG ee Somalia sida: Madaxweynaha JSL oo u dhigma Cade Muuse Madaweyne Ku Xigeenka JSl u dhigma (hadaanu kaba sii liidan) Af Qudhac Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL = Buubaa Wasiirka Warfaafiinta JSL = Ina Xuubsireed Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL = Gacma Dheere Wasiirka Goleyaasha JSL = Cali Mahdi Wasiirka Maaliyadda JSL = Salaad Jeele (Salaad Dibi) Wasiirka Madcanta iyo Biyaha JSL = Azhaari Taliyaha Ciidanka Qaranka (Nux Tani) = Maxamed Dheere Taliya Booliska Qaranka = Cabdi Qaybdiid etc, etc, etc. Waxa kale oo maamulka Riyaale ku jira maangaabyo badan oo la mid ah ama waxba aan dhaamin Qanyare, Sudi Yalaxow, Dinaari, iwm kuwaasoo aaney waxba ka xaaran ahayn wax walbana oo xume ahna ka suurowdo halisna ku ah qadyada iyo jiritaanka Somaliland una baahan in la iska qabto intay goori goor tahay. Hadaba su’asha meesha taalaa, waxa weeye:

Maxaynu ka yeelnaa kuwa wadadhalashadeni, walaaltinimadeeni, iyo midnimadeeni minjo xaabinaya ee u badan Beeshaas inoo ABGAALEYNAYSA iyo MAANGAABYADEEDAN la inoo adeegsanayo ee Dowlada ka buuxa ee hungurigu inaga qaaday ee wada daneystayaasha iyo shisheeye kalkaalka ahi ee xume walba ku taageersan Ina Riyaale ee xume walba ina jiidhsiinaya ee cadowga gudaha ka mid ah ee cadowga shisheeyuhu inoo soo raaco ee khatarta weyn ku ah Ummada, Nabadgelyada, Qadyada, iyo Jiritaanka Somaliland?
Toloow, ma runta aan sheegay, ayaa qaar badan oo iska argagaxe ahi oo beel walba ku jira, ayaa arrintan u qaadan doona inaan qabyaalad hadlay ama in qaar la qabyaaladeeyey?

Mise, qaar baa igu qabsan doona, maxaa xumahan aanu wada ognahay ee inoo huursanaa aad daboolka uga qaaday? Bal adba sheeg!!

Guul iyo Gobanimo,
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.
(farah.jama@alumni.uottawa.ca).

No comments: