Wednesday, May 16, 2007

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH OO KU SAABSAN HAB ABGAAL-LEYNTA GURACAN

Afeef # 1: Walaaladayda Abgaal ee dhibsaday waxyaabaha aan u isticmaalayo magacooda, xumaan igama aha ee waa guubaabo, canaan, iyo dareen gelin lagu doonayo inaydun sharaftii iyo karaamada Besha ku soo celisaan oo aydun xumaha faraha kala baxdaan oo aydun kaga noqotaan mooqifkan guracan ee aydun qaadateen ee ka turjumaya qabyaalada macno darada ah, shisheeye kalkaalnimada, iyo colaada walaaladiina gaar ahaan kuwa Koonfur Muqdisho laguna doonayo is fahamkiina iyo is garabsigiina iyo midnimadiina si dhibka looga baxo loona soo cesho muruqii Beelweynta Hawiye ee uu nacabku iyo cadowgu ee idin kala dhex galay uu kala dhantaalay. Waxa kale oo isticmaalka magacani uu u yahay Beesha Isaaq iyo Beesha Hawiye—baraarujin iyo u caqli celin ee ha dhibsanina. Waxa la yidhi: faraska, waxa usha loogu dhuftaa; nacayb ma’aha ee waa inu ka sii badiya (orodka).

Afeef # 2: Walaaladayda Isaaq ee qaarkood cidlada ka argagaxay, waxaan idiin leeyahay nin lagu jiro Allaah og’e dhambaalkani iyo kii horeba ha dhibsanina oo tusaaleynta iyo nabadeynta iyo khayrka uu xambaarsan yahayna, ha iskaga qeylinina ee hadalka dhuuxa oo dhinaca wanaaga ka eega oo halka uu ku biyo shubanayo ee guushu ku jirto ku dhaqaaqa.

Intaas ka dib, waxaan halkan idiinka sheegaya, inaan la fahmin mawduucii iyo nuxurkii uu qoraalkaygii hore uu xambaarsanaa ee cinwaankiisu ahaa, “Beel Somaliland ah oo Inoo Abgaal-leynaysa” oo laga eegay uun dhinac guracan markii lagu arkay kelmadaha “beel”, “aragti gaaban”, iyo magacyo “maangaabyo” ka tirsan; waana la iska amakaagay oo la iska argagaxay oo la iska diday iyadoo aan la hubsan in waxan kaga qadh qadhiyey uu samada ka soo dhacay iyo inuu dhulka hoostiisa kaga soo baxay iyo inuu duufaan dabaylo wata yahay iyo inuu yahay dhambaal barakaysan oo loo baahnaa oo si cad oo hufan u tilmaamay xumaha lagu talax tegay ee tan iyo Awoogeen soo jiitameysay ee khayrkeeni iyo caalamkaba inaga reebtay.

Waxa Nebigeeni udgoonaa (SAW) uu yidhi: Walaalkaa laba jeer u hiili, marka laga gar daran yahay iyo marka uu gar daran yahayba. Haddii aad aragto walaalkaa oo laga gar daran yahay dabcan, waad u hiilinaysa oo wax ka dhicinaysa sidoo kale haddii, aad aragtowalaalkaa oo gar daran, waa waajib inaad u hiilisaa oo xumaha uu wado uga digtaa kana reebtaa.

Hadaba, anigu waxaan isu haystaa nin walaalkii oo gar daran u hiiliyey; waxaana ii cadaatay in qaar badan oo ka mid ah beeshan walaaladay ah, inay garawsadeen arrinka aan kaga dhawaajiyey iyo dhibka ay walaaladood ku hayeen hambalyona ii soo direen una qaatay in maqaalkani uu u dhigmo dhambaal muhiim ah oo ka hadlaya xumaan reebis iyo wanaag farid kuna arooraya baraarujin, kicin, iyo abaabul looga hortegaayo xumaha jira iyo marxaladan adag ee ina soo food saartay iyo werwerka inaga haysta iyo baahida loo qabo in la isu calool furnaado si wadajirna loogu diyaar garoobo cadowga inagu heeran ee mindiyaha inoo afeysanaya; waxa kale oo ay sheegeen in dhambaalkani uu fursad inoo siinaayo inaynu arrintan daba dheeraatay aanu markan u fiirsano oo aynu si walaaltinimo ah oo kalgacaltooyo ku jirto uga wada hadalno soona afjarno—waa haddii aanu walaalo dhab ah nahay, walaaluhuna waa kuwii is qabsada ee hadana heshiiya ee aan waxba kala qarsan ee si walba u wada hadla ee runta isku cadeeya ee wax wada wadaaga ee hiil iyo hooba leh.

Ayaan dhoweyd, waxa isna dhambaal qaylo dhaan ah ina soo gaadhsiiyey Mudane Xuseen Faarax Doodi, Wasiirkii hore ee Maaliyada, waxaanu kaga dhawaajiyey ama yidhi: “Waxaynu hoos hadhsanaynaa haykal dhisme dowladeed oo qalfoof ah oo xargalay oo hadana xanshar noqday oo goor ay inagu dumi doonto aynaan saadaalin karin.”

Waxa kale oo dhambaalkan ka horeeyey gabaygii qiimaha iyo qaayaha lahaa ee la magac baxay Dhul Gariir ee uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ee digniinta, khataraha inagu soo fool leh, iyo halka maslaxadeenu ku jirto xambaarsanaa. Yaa see garawsaday arrimahan uu mas’uulkani iyo abwaankani kaga dhawaajiyeen oo sii wad waday oo meelo gaadhsiiyey oo hebelo kala tashaday oo wax ka daba yidhi oo wadahadal loo furay oo go’aan ka gaadhay? Jawaabtuna, waa cidna!! Qaar la wada og yahay baaba malaahaa qosol ku yara dhuftay oo yidhi: habar baa iska haw haw lehe, heelada inoo tuma—oo shidanaba shidan ah!!

Hadaba, wasiirkan kuwa taageeradiisa ahaa xiligii uu xilka hayey ma’ihi, waxna uuma qabo abwaankana waxba uuma qabo qadarin iyo mooyaane laakiin, hadaladoodu waa dhab jirta oo aaney cidina qarin karin ee Eebe uun baa iska keen wata oo ina ilaashanaya’e, mar hore baa la inaga gaadh gaadhsiiyey xume oo dhan malaahaa aafooyin kalena kaabiga ayey inoo saaran yihiin; waxaanu haatana ku taaganahay oo keliya, waa amranaanteena iyo karaamadeena uu Eebe inoogu deeqay uguna mahadinayno. Arrinta jirta doqonna loo sheegi maayo, kii caqli lehina, wuu arkaa halka aanu maanta taaganahay; marxalada adag ee ina soo food saartay, waxa hareeraheena ka socda ee goor ay ahaataba ina saameyn doonta, iyo sida aynu isu dhiganay ee inoo sii nugleynaysa saameyntaas khatarteeda lehi, Eebe inaguma keeno’e.
Maanta haykalkii dowladnimadeeni, dimoqraadiyaddii, Dastuurkii iyo shurucdii dalka u tiilay, nidaamkii asxaabta faraha badan, cadaaladii, dhaqaalihii, qaybo badan oo dalkeeni ka mid ah, Dekedii Berbera, guud ahaan siyaasadii gudaha iyo mida debeda, wada shaqeynteeni, wada dhalashadeeni, wada noolaanshaheeni, midnimadeeni, iyo wax walba oo aynu wax ku noqon lahayn kuna muruqeysan lahayn cadowguna inagaga biqi lahaa; waa la wada majarahabaabiyey lana minjo xaabiyey taasoo keentay inuu nacabkeenu inagu soo dhiirado inagana hadhi waayo inagoo aan waxba ka sidan oo ay sidii haada bakhtiga hiigta geed walba inoo saaran yihiin dusheenana ka heehaabayaan inana dhowranayaan; waxaas oo hagardaamo ahna ee qaarkood nacabku inagu hayo qaarna inagu isu geysanay, ayaa khayrkeeni iyo caalamkaba inaga reebay ee halkaa halista ah ee werwerkeeda lehi ina dhigay ee difaaca joogtada ah inagu keliftay taasoo inaga hoosaasisay danaheeni oo dhan.

Ta inoogu darana, waa ta inaga dhexdeena ah ee ay wado beel aragti gaaban iyo maangaabyada horbooda oo si ka fiirso la’aan ah oo indho la’aan ah oo badownimo weyni iyo qabyaalad macno daro ahi oo ku saleysan xin iyo xasad iyo ficiltan hoose oo raqiis ah ku taageeraya kuna garab taagan xumaha foosha xun ee xitaa agoomahii bakhtiiyey shacabweynihiina la tabaaleysan yihiin kuwaasoo caqli xumadaas iyo axmaqnimada heerkaas gaadhay iyo gar daradaas kibir bilaashku ku jiro walaaladood kula dhex jira ee inaga hoosaasiyey danta guud iyo u tabaabushesiga cadowga kaabiga inoo saaran ee u baahan in oloole wadajir ah oo af iyo adinba lehi lagu qaado.

Arrintan oo kalena, waa ta keentay inaynu xornimadeeni 1960 aanu isku af garan weyno hanashadeeda ka dibna aanu si indho la’aan ah ama aragti gaabni siyaasadeed awgeed aanu si shuruud la’aan ah Somalia gacanta uga gelinay masiirkeeni, aayaheeni, ummaddeeni, qadyadeeni, iyo jiritaankii dalkeeni dhamaa—waanad la socotaan heerkii gunnimadu ku jirtay ee la inala gaadhi rabay ee aanu ka dhiidhinay iyo xanuunkii inaga gaadhay halgankii dheeraa ee qadhaadhaa iyo sida Eebe inooga samatabixiyey waxaashnimadoodii. Hase yeeshee, maantana tii oo kale uun baa si kale oo dadban loo wadaa oo qaar aan dawoobayn oo meel xun u socda oo aragti gaaban ayaa hawlahaas foosha xun faraha kula dhex jira taasoo inooga baahan in si wadajir ah aanu uga hortagno gacan bir ahna ku qabano sidaasna uga badbaadno shirqooladooda iyo hagardaamooyinkooda cadaaweed ee ay inagu fulinayaan.

Dhinaca kale, aragti gaabnidu wey noocyo badan tahay siyaabo badana, waa la isugu sheega ama la isugu cambaareeyaa—waxa jirta aragti gaabni Aadninimo, mid xadaaradeed, mid siyaasadeed, mid dhaqaaleed, mid bulsheed, mid diimeed, mid dhaqaneed, mid cilmiyeed, mid reer magaaleed, mid reer miyiyeed, iwm. Hadaba, aragti gaabnida aan ka hadlaayo ee aan beesha walaalahay ah ku sheegay, waa aragti gaabni siyaasadeed. Aragti gaabni qof ama urur ama beel lagu sheegona cay ma’aha oo waxyaabo badan baa aadmigu ku kala aragti gaaban yahay ama aragti dheer yahay—waana la is dhaamaa; in fartana lagu fiiqo kuwa maangaabka ahi ee beel walba horboodaya, ha loo kala badnaadee, ee hab qabyaaladeed ugu qaraabta magaca beeshooda iyo xilka loo igmaday ee wax xumeynaya ee ina kala dilaya ee cadowga inoo jebin rabana, waa waajib ina saaran oo wadareed oo xaq ah inaanu tilmaamno kana tashano iskana qabano.

Ogoow Hawiye, muruq ahaan loogama adkaan ee wuxuu Daarood kaga adkaaday siyaasad ahaan maadaama ay aragti gaabni siyaasadeed ku haabsatay 16kii sannadood ee ay fursada haysteen ee, ay iska qaban waayeen maangaabyadii horboodayey ee ay weliba qabiilka ku difaacayeen ee walaaladood kala dilay ee aakhirkii nacabka u loogay ee maantana guud ahaan Beesha Hawiye halkaa guul darada ahi dhigay—aad baana arrintaaas Reer Somaliland uga murugeysan yihiin.

Cadowgu mar walba beel ama koox ama xulufo baahi dhaqaale iyo mid siyaasadeed qabta gaar mid baahi xukun doon ah qabta oo aragti gaaban oo axmaqiin ah, ayuu dhinac u goostaa taasoo uu soo carbiyo uuguna adeegsado burburinta wadajirka iyo muruqa guud ee walaalahooda kale sida:

Reer Afghanistan, waxa uu Mareekanku iyo gaaladu, ay u soo mareen ama ummada iyo dalka cadowga ku soo hogaamiyey labada qabiil ee kala ahaa TAJIK iyo HAZARA loona yaqaano GAASHAANBUURTA WAQOOYI (Northern Alliance) ee laga tirada badan yahay kuwaasoo qabiilka PASHTUUN ee ugu tirada badan dalka ku wada shaabadeeyey inay yihiin taageerada Taliban iyo kuwo gacan saar la leh Al-Qaciida iyo argagixisada caalamiga ah sida Hawiye loogu shaabadeeyey haatana dalkii lagu haysto gaar ahaan magaalada Kabuul sida magaalada Muqdisho iyo dalkaba loo haysto ee weliba dalka ka fulinaya burburka baaxada weyn iyo Isir gumaadka waxaashnimada ahi ee walaaladood;

Reer Ciraaq, waxa uu Mareekanku iyo gaaladu u soo mareen kuwa haysta mahbada falaagada ah ee SHIICADA ah; waanad la socotaan burburka iyo gumaadka baaxada weyn ee gaadhey ummadaas iyo waxa weli meesha ka dhacaya;

Reer Lebanon, waxa ay Israel iyo gaaladuba, ay u soo mareen ama ummada iyo dalka cadowga ku soo hogaamiyey kuwa diinta masiiga haysta gaar ahaan kuwa Koonfurta Lebanon degan iyo Jabhadoodi ee, ay cadowgu aasaaskeeda iyo taakuleynteeda ku lug lahaayeen ee la odhan jiray South Lebanon Army (SLA) kuwaasoo dagaalkii sokeeye ee 15ka sannadood dalka ka socday iyo qabsashadii Israel ee magaalada Beirut ee 1982 horseedka ka ahaa ee xasuuqa iyo gumaadka walaalahood Muslimiinta ah u geystay inkastoo aakhirkii, ay Jabhada Xisbullah ka adkaatay xulufadaas dhiigyacabka ahaa kana saartay koonfurta dalka oo dhan kuwaasoo maanta qaxooti ku ah dalka Israel aadna ugu bahdilan;

Geyiga Geeska Afrika, waxa ay Mareekanku iyo gaaladu, ay u soo mareen ama qoomamka ku nool iyo dalalkooda cadowga ku soo hogaamiyey isticmarka madow ee ah cadowga soo jireenka ah ee la xulufada noqday ee Ethiopia, si looga dhabeeyo danaha fog ee guumeysiga iyo khayraad boobka ahi ee ay ka leehihiin dhulalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan geyiga Geeska Afrika;
Reer Somalia, waxa ay Ethiopia iyo gaaladu u soo mareen ama cadowga soo jireenka ah ee Ethiopia ku soo hogaamiyey qabiilka Majeerteen, waanad la socotaan in Besha Hawiye gaar ahaan Reer Muqdisho loo geystay Isir gumaad waxaashnimo ah dalkiina uu maanta gacanta ugu jiro guumeysi dambe oo ka sii xun kii hore kaasoo halganka socda ee lagu doonayo in lagu xoreeyo ummada iyo dalka uu daba dheeraan doono dhiig farabadana uu ku daadan doono;

Reer Muqdisho ama Hawiye, waxa ay Majeerteen iyo xulufadeeda Hartiyeed u soo mareen ama cadowgooda ku soo hogaamiyey Beesha Harti-Abgal kuwaasoo u horseeday inuu nacabku walaalahood hortooda ku gumaado maantana Hawiye halkaas hoose ee guul darada ahi dhigay una suurto geshay in Ethiopia iyo xulufadeeda, ay Muqdisho iyo dalkaba si fudud ku qabsadaan;

Reer Somaliland, waxa uu Daarood u soo maray Beelaha Harti ee Somaliland kuwaasoo ku wacad furay walaalahood qayb libaaxna ka qaatay aasaaskii Maamul Goboleedka Qabiileystaha ah ee Majeerteeniya taasoo keentay inay badanaa gacanta u geliyaan degaanadoodi gaar ahaan Sanaag-Bari, Sool-Bari, iyo Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer taasoo misna keentay muran dhuleed oo Isirnimo aan macquul ahayn ku saleysan, midnimadii ummada iyo dalka oo la waxyeeleeyey, iyo malahaa sababta ka dambeeya ictiraafkan inagu raagay iyadoo weliba la dhowrayo colaada inagu soo maqan iyo dhiiga meesha ku daadan doono, haddii la garawsan waayo lana tixgelin waayo xadka Somaliland ee caalamka ka diiwaan gashan;

Reer Somaliland, waxay Ina Riyaale ee NSS-ta iyo Hangashta iyo Dhabar Jebinta u badan ahna hogaanka cadowga gudaha iyo Ismaaciil Cumar Gheelaha Djibouti, ay u soo mareen ee nidaamka cadowgu ku burburinayo qadyadeena iyo jiritaankeena u suurto geliyey beeshan walaaladeen ah ee aragtida gaaban ee maangaabyada badani horboodayaan ee xilalka halbowlaha ah loo igmaday ee daneysteyaasha ahi ee inoo soo shaqo tegay ee hungurigu inaga qaaday ee aan ummadan iyo dalkan lexejeclo ka qabin ee shaadhka kale inoo soo gashtay ee wada Somaliweynta ahi ee ku garab taagan gar iyo gardaroba hab qabyaaladeedka lagu bahdilaayo laguna wiiqayo karaamada iyo muruqa walaalahood ee weliba ku garab taagan heerkan dulinimada ah ee uu Ina Riyaale inala gaadhay iyo sida uu dastuurkii iyo shuruucdii dalka u tiilay, iyo dimoqraadiyadii ina kala saari lahayd ee ina kala jeedin lahayd oo dhan ugu tunto gaadhsiiyeyna in maanta uu fooda isu geliyo goleyaashi qaranka oo dhan oo aanu isku foognaano taasoo burbur baaxad weyn oo aan la saadaalin karin inoo horseedi karta, Eebe kama dhigo’e;

Hadaba, waa waajib Rabbaani ah in wax loo sheego loona caqli celiyo loona digo kuwa aragtida gaaban ee maangaabyadu ay horboodayaan ee qabyaalada sumeysan iyo xumaha ku talax tegay maadaama, ay kuwani oo kale ay yihiin kuwa ay nacabku iyo cadowgu iyo gaaladu raadiyaan loona adeegsado ka dib marka lacag walaan la siiyo loona balan qaado in xukunka lagu fadhiisin doono si loogu adeegsado looguna soo hogaamiyo burburka walaalahood iyo dalkooda;
Ugu dambeyn, waxaan idinku adkeynaya in arrimahan aan kor ku sheegay fiiro gaar ah iyo feejigaad dheeri ah loo yeesho lana bilaabo sidii looga hortegi lahaa intay goori goor tahay. Waxa la yidhi: Xayawaanku urta, ayuu isku gartaa;
aadmiguna hadalka, ayuu isku gartaa. Sidaas daraadeed, waa inaynu wadahadalna oo si qadarin iyo walaaltinimo iyo kalgacayl ku jirto u wada hadalnaa oo runta isu dheegnaa oo is fahamnaa oo aanu meel wax isla dhignaa oo aanu danteena iyo mida dalkeena garanaa una soo jeesanaa halka aynu hiigsaneyno ee guushu ku jirto inaynu gaadhno—Insha Allaah.

TALO:

In dhamaan mas’uuliinta Dowlada iyo kuwa Ururada Bulshada, Siyaasiinta madaxa banaan, Aqoonyahanka, Madax Dhaqaameedka, Odeyaasha magaca ku leh mushtamacooda, iyo Culiima u Diinka ee ka kooban Sideeda Reer Sheikh Isxaaq (Axmed Sheikh Isxaaq, Ayuub Sheikh Isxaaq, Muuse Sheikh Isxaaq, Maxamed Sheikh Isxaaq, Ibraahim Sheikh Isxaaq, Ismaaciil Sheikh Isxaaq, Arab Sheikh Isxaaq, iyo Cabdiraxmaan Sheikh Isxaaq); ay Shirweyne ku saabsan “Calool Xaadhis, Nabadeyn, iyo Xumaan Reebis” ku qabsadaan magaalada barakeysan ee Maydh oo ay xoolo ku qalaan oo la lafo guro waxa isku keen saliday ee aanu boqnaha isu jarayno iyo waxa ina dhex yaal iyo waxa inagu kala dhex jira ee inaga faa’ideysanaya ee khayrkeen iyo caalamkaba inaga reebay ee colaad u jooga iyo difaaca joogtada inagu kelifay—lana gorfeeyo meelaha uu nacabku iyo cadowgu inaga abaaro iyo waxa uu ku doonayo burburkeena iyo tabaha uu adeegsado iyo waxa dhiiri geliya ee uu inaga arkay; lana isa saamaxo lana duceysto lana midoobo lagana shaqeeyo wanaaga, nabada, cadaalada, danta guud, wax wada qabsiga, horumarkeena iyo mida wadankeena iyo wadanoolaanshaha beelaha kale ee walaaladeen ah.

In Sideedan walaalaha ahi ee Reer Sheikh Isxaq, ay gogol u fidiyaan Laba iyo Tobanka Aqal ee Beesha Ciise ee tan iyo Hawaas teetsan ee walaalaheen ah si la isugu soo dhowaado cadowgana meel looga soo wada jeesto una taageeraan qadyada iyo jiritaanka Somaliland heer Beeleed iyo heer Qaranmeedba; waana in gogoshaas lagu qabtaa isla magaalada barakeysan ee Maydh ee labadeeni Awoowba ku aasan yihiin xolona la qalaa lana isa saamaxa lana wada duceystaa.

In Beesha Isaaq iyo Beesha Ciise oo gacmaha is haysta, ay gogol u fidiyaan Beesha Samaroon ee walaaladeen ah si wax meel la isla dhigo cadowgana meel looga soo wada jeesto; waana in gogoshan lagu qabtaa qubiga Samaroon ee Gobolka Sanaag xoolona la qalaa lana isa saamaxaa lana wada duceysta.
In Beesha Isaaq, Beesha Ciise, iyo Beesha Samaroon oo gacmaha is haysta, ay gogol u fidiyaan Beesha Hartiyeed ee Somaliland si loo turxaan bixiyo waxa ina dhex yaala waxna meel la isla dhigo cadowgana meel looga soo wada jeesto; waana in gogosha lagu qabtaa goobta uu ku aasan yahay Sheikh Ismaaciil Jabarti ee isla Gobolka Sanaag ah ama qudbiga cusub ee shiikha ee magaalada Berbera; waana in xoolo la qalaa lana isa saamaxaa lana wada duceystaa.
In Besha Isaaq, Beesha Ciise, Beesha Samaroon, iyo Beesha Harti oo gacmaha is haysta; ay gogol u fidiyaan Beesha Gabooye ee xaq darada ku dulman oo la xaal mariyo oo si wadajir ah loogu dhawaaqo Dib uga noqoshada iyo cidhib tirka qabyaalada ku saleysan quruufaadka iyo been abuurka Hayb Sooca ahi ee ka soo horjeeda Aadnimada, Diinta, iyo Dastuurka Somaliland; waana in Beesha Gabooye la weydiistaa saamaxaad guud oo laga duceystaa dulmi dambena aan loo geysan sinaan buxdana ay helaan si ay ula jaan qaadaan walaalahooda kale si aanu u barakowno oo u aflaxno oo aynu u aakhiro seegin; waana in gogosha lagu qabtaa magaalada Burco ee ah hooyadii Somaliland; waana in xoolo la qalaa lana isa saamaxaa lana wada duceystaa.

In camal fiican lala yimaado lana isu tanaasulo lana isu gargaara diintana laga fogaan Eebena loo soo noqdaa lagana cabsadaa si aaney maqaadiirtiisu inoogu dhicin ama naxariistiisu aaney inooga dheeraan inooguna gar gaaro if iyo aakhiroba.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

farah.jama@alumni.uottawa.ca

No comments: