Wednesday, May 02, 2007

Maraykanka oo Budgent-kii dagaalka Somalia ka joojiyey Ethiopia

Warar xog-ogaal ah oo hadda aan helay ayaa sheegaya in Madax ka socota wasaaradda arimaha dibedda ee Ethiopia ay ku soo guuldaraysteen kaalmadii milateri ee ay ka heli jireen maraykanka loona sheegay in-aan wax dambe oo dhaqaale milateri ah la siin doonin – waxa kale oo lagu soo wargeliyey in deg deg loo dhameeyo heshiiska lala gelayo beelaha Hawiye oo ciidana laga qoro beelaha hawiye si loo bilaabo daad guraynta ciidamada Ethiopia oo duruufo dhaqaale aw-geed aan lagu hayn Karin gudaha Somalia.

Dhanka kalena waxa culays weyn la saaray United Nations si ay deg deg ugu raadiso ciidamadii bedli lahaa ciidamada Ethiopia.

Khaleel Mohamed

London

No comments: