Tuesday, June 19, 2007

Badheedhe: Batroolka laga helay Ghana, saamayn ma ku yeelan doonaa gooni-istaaga Somaliland?

(Waridaad)-Waxaa shalay Anadarko Petroleum and Tullow Ghana Limited ku dhawaaqday in laga helay Ghana shidaalkii ugu badnaa Africa in muddo ah. Kaydkaa oo lagu qiyaasay inuu noqon doono ilaa 300 - 400 million oo barmiil.

Dhawaaqaa oo hididiilo badan geliyey dawladda iyo dadka reer Ghana, ayaa ah mid ka saari doonta waddanka duurfo badan oo wajiyo kala duwan leh.

Dahabkan maddow oo sidda uu madaxweyne Kufuor kaga dhawaajiye markii la shaaciyey uu noqon doono mid ummadda reer Ghana guud ahaanba saamayn ku yeelan doona.

Waxaa cad in xidhiidhka diblomaasiyeed ee Ghana iyo Somaliland uu yahay mid maraya halkii ugu sareeyey sadexdii sanadood ee u danbeeyey. Ghana oo taariikh ahaan loo yaqaano iftiimkii ay bidhaansan-jireen gobanima-doonaddii -Afrika, xiligii isticmaarku
haystay qaybo fara badan oo Afrika ah, kuna dhiiri geliyey inuu qabsoomo ururkii gobonima-doonka ahaa ee ANC -African National Congress- ee uu Nelson Mandela gudoomiyaha ka ahaa iyo xornimo doono badan oo kale, ayaa ummadda reer Somaliland u aragtaa isbadelka dhaqaale ee Ghana inay sii xoojinayso gooni-istaageedda.

Dhaqaalahan cusub oo sare u qaadi doona awooda Ghana ku leedahay Africa, wakhtigana haysa gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa la filayaa inay wax badan ka badeli doonto xaaladda siyaasadeed ee Africa hadda ku sugan tahay.

Ghana oo ah dal dimqraadi ah doorashooyin xor ahina ka dhaceen, kuna soo baxay madexweynaha hadda talada haya oo ka tirsanaan jiray ururkii mucaaridka ahaa ee -New Patriotic party's - xiligii uu hogaanka dalka hayey Md: Rowling, ayaa muujisay in dimqraadiyadda ka dhalatay Somaliland ay tahay mid tusaale u noqonaysa wadamo fara badan oo African ah, isla markaana ku baraarujisey in qadiyadda Somaliland lagu eego il khaas ah, maadaama aanay ka hor imanayn xuduudihii isticmaarku ka tegay ee Midowga Afrikina qaadatay.

Sannad-guuraddii 50aad ee ka soo wareegay xorinimadii Ghana, ayaa iyana ah mid hore u qaadaysa qadiyadda Somaliand, ka dib markii si rasmi ah loogu soo casuumay madaxda dawladda Somaliand iyagoo lagu soo dhaweeyey protocolku lahaa madax wadaneed. Taasoo keentay inay Somalilandna ku soo casuunto dawladda Ghana inay kala qayb-qaataan sanadguurada 16 aad ee gooni-isu-taageeda.

Waxaa haddaba dhab ah in barwaaqaddaa u dilaacday Ghana ay geedi-socodka siyaasadeed ee ummadda reer Somaliand ugu jirto inay ku hesho ictiraaf buuxa, uu soo dhawayn doono, iyadoo ka faa'idaysanaysa, isla markaana cuskanaysa isku filaanshaha dhaqaale ee Ghana u kowsaday, oo ay kaga badbaadi doonto cadaadis badan oo lagu hayo madaxdda Afrika baddankooda, oo u rahman maal-geliyayaasha reer galbeed , oon badanaaba xor u ahayn inay qaataan qaaraaro ka duwan danaha maalgeliyayaasha, ciday doontoba ha ahaatee.

Tafatire: Ahmed Quick
Ottawa -Canada

No comments: