Friday, June 22, 2007

BUSHAARA BUSHAARA, WAA XAFLADII 26 JUUN


(Waridaad) - BUSHAARA BUSHAARA, WAA XAFLADII 26 JUUN

Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa, waxay ugu bushaaraynayaan bulshada reer Somaliland iyo martida kale ee somaliyeed ee ku nool Magaalada Ottawa iyo agagaarkeeda, in ay ka soo qaybgalaan xaflad si aad u sarraysa loo soo abaabulay oo loogu talo galay maalintii calan soomaliyeed kii u horreeyey laga taago ciid soomaliyeed, khaasatan ciida somaaliland.
Haddaba xafladan waxay isugu jirta 1)Madadaalo, 2) Isbarasho, 3) iyo is waraysi.
Qaybta madadaalada waxa hormood ka ah HASSAN ADAN SAMATAR, DEEKA iyo KOOXDOODA oo habeenkaa wacdaro dhigi doona.

Xaga warka; waxa habeenkaa marti inoo ah Xildhibaan imminka ka soo laabtay waddankii oo xogo iyo warba habeenkaas marti looga yahay, waxa kale oo aan fursad heli doona ciddii su’aalo qabta in ay weydiiyaan XILDHIBAANKAA.

Isbarashada iyo kaftankuna waa adiga iyo anig iyo …………

Haddaba

Goortu waa: --------------------------------------- June 26, 2007
Meesha --------------------------------------- 1026 Baseline (VILA MARCONI)
Sacada: --------------------------------------- Albaabku wuxu furmayaa 7:00 PM
Xafladuna ---------------------------------------waxay bilaabmaysaa 8:30 PM

Cuntada iyo cabitaankuna waa adiga iyi cirkaaga

Ha moogan oo haka maqnaan

War dheerada haddaad doonto kala soo xidhiidh

613-868-5482

613-882-1168

Osman Dalmar

dalm0001@hotmail.com

No comments: